Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Mustafe Omer Cagjar ma sixi doonaa qaladaadka durba ka muuqda dhismaha maamulkiisa

$
0
0

Awdalpress – London – Wararka degaanka Somalida Ethopia ka soo gaadhaya shabakadda awdalpress.com, ayaa tibaaxaya sida loo saxayo qaladaadkii laga tirsanayey xukuumaddii hore, waxana durba farta lagu fiiqayaa in aanu Madaxweye xigeenka ahna sii hayaha Madaxweynenimo ee degaanka Somalidu u egayn shakhsi durba ku tallaabsaday hoggaamin kala fogayn karta shucuubta Somalida oo immiga ay siyaasaddoodu aad u qasan tahay, siyaasadda cusub ee Ahmed Abiyna ay  ay ku keentay furfurnaan xoog leh iyo xorriyad xad dhaaf ah, oo aan shakhsina la qasbi karin. Taasina ay dhalin karto dibad baxyo aan caadi ahayn.

 

Haddaba, waxa isweydiin leh waxa ay durba dadka Somaliyeed tabayaan, ee lagu eedaynayo Mustafe Omer iyo caddaaladdii maamul qaybsi ee ay dadku rajaynayeen.

 

Si kastaba ha ahaatee, xukuumadda dhexe waxa ay awooddii degaanka faraha uga qaalisay maamulka cusub ee ay u samaysay, laakiin waxa ay dawladda dhexe illowday amma isha ku haysaa, tallaabooyinka uu Madaxweyna ku xigeenka cusubi ku soo dhisayo maamulkiisa.

 

 

 

Mar uu Mustafe Omer Cagjar ka jawaabayey siyaasaddiisa u eg diktaarooriga oo su’aalo laga weydiiyey, waxa uu barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray hadalladan:

 

 

 

Madaxweynaha cusub ee Dawlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Muxumad Cumar ayaa sheegay in uu ku dadaalayo qancinta qofkaste, balse haddii ay taasi suuragali waydo aan cidna loo qabsanaynin “xagxagashadiisa”.

Madaxweynaha ayaa barta uu Facebook ku leeyahay ku soo qoray “Dadku inay cawdaan, cagajugleeyaan, car wakaase yidhaahdaan waa wax ilaahay lagu mahadiyo iyo xoriyad inoo soo korodhay. Waa bilawgii hanaanka dimooqraadiyadda ee aynu u oomaneeyn”.

Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay caasimadda Jigjiga iyo deegaanno kalaba ay ka socdaan shirar iyo kulamo ay qabaa’illadu uga arrinsanayaan sidii ay uga dhex muuqaan lahaayeen xukuumadda cusub.

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images