Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Duufaantii ugu xoogga badnayd muddo 30 sano ah oo loo bixiyey Florence ayaa ku dhufatay dalka Maraykanka

$
0
0

Awdalpress – London – Duufaantan ayaa ku soo aadday xilligii la saadaaliyay oo ku beegan gelinka dambe ee maalinta khamiista ah kuna dhufatay gobolka North Carolina.

 

 

Waxa la sheegen inay filayeen daadad nolosha khalkhalgelinaya oo ka dhasha roobabka iyo dabeylaha sare u sii kacaya.

 

 

Xarunta qaranka ee duufaannada Maraykanka ayaa sheegtay in Duufaantan ay ku socoto xawaare aad u sarreeya oo aan kala go’ lahayn islamarkaasna ay halkii saacba  jareyso dhul ballaaran oo dhan 165 illaa 200 oo kiloomitar.

 

 

Waxayna intaasi ku dartay in ay filayso in isbedel yar uuni ku yimaaddo inta aysan gaarin xeebaha.

 

 

In ka badan 1.7 milyan oo ruux ayaa la qorsheynayaa in laga daad gureeyo gobollada South iyo North Carolina, maryland iyo Virginia.

 

 

Mike Sprayberry oo ah madaxa ha’yadda North Carolina Emergency Management, oo dadka ka caawisa sida ay uga jawaabi lahayeen masiibooyinka inay khibrad ka heleen duufaantii dhacday sanadkii 2016-kii ayna yaqaanan sida loo daad gureeyo dad aad u tiro badan.

 

Madaxweyne Trump ayaa saxiixay amarro badan oo ku aaddan gurmadka degdega ah, wuxuuna sheegay inuu la hadlay dhammaan barasaabyada gobollada ay saameynta ku reebi karto duufaanta.

 

 

Ciidammada badda ee Mareykanka ayaa 30 markab u diraya badda si ay xaaladda ula socdaan islamarkaasna uga qayb qaataan dadaallada samata bixinta waa haddii duufaanta ay xeebaha dalkaasi ku dhufato.

 

Source BBC Somali

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images