Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Carqalad cusub oo xukuumadda Muqdisho ka soo wajahday dhinaca maamulka Puntland.

$
0
0

Awdalpress – London – Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa la sheegayaa inay ku xayiran yihiin wafdi ka socday dowladda Federaalka Somalia, oo lagu waday in ay u anbabaxaan magaalada Garoowe. Si ay ka dawlad ahaan uga qayb galaan doorashada Madaxweyne ee ka dhici doonta Puntland

Waxaa socday dadaallo ay wadeen Isimmada Puntland iyo Madaxweynihii hore ee Puntland C/raxmaan faroole oo lagu doonayay in loo oggolaado wafdiga dowladda Federaalka inay tagaan Garowe, hase ahaatee uu diiday Madaxweynaha waqtigiisa dhamaanayo C/weli Gaas.
Wafdiga la filayay in ay u socdaalaan magaalada Garoowe waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo xidhibaanno ka soo jeeda deegaannada Puntland, iyaga oo halkaa u tagaya ka qebgalka iyo korjoogteynta doorashada madaxwynaha e  la filayo in maalin kaddib halkaa ka qabsoonto.

Todobaadkii hore waxaa ka degay magaalada Garowe Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo laga soo doorto Puntland, kuwaasoo aanan ku jirin xubnaha Wasaaradda Amniga Puntland amarka ka soo saartay.

 

Horay musharixiinta iyo Isimada Puntland  ayaa uga hor yimid go’aanka Puntland ee mas’uuliyiinta dowladda looga mamnuucay Garoowe, hasse ahaateen maamulka ayaa mar kale ku celiyay go’aanka uu arintan ka qaatay.

 

Doorashada Puntland ayaa marka dul-ahaa laga eego la oran karaa waa mid xasaasi ah oo ay ku tartamayaan musharixiin dhowr ah oo dhinacyo kala duwan ku tiirsan, waxaana ka mid ah musahrixiinta madaxweynaha imika tallada haya Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo dowladda federaalka u arka in ay dagaal siyaasadeed kula jirto.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images