Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dhibaato aad u xooggan oo la filayo in ay soo wajahdo Somalida ku dhaqan Kenya

$
0
0

Awdalpress – London – Kabid weerarkii axmaqnimada ahaa ee kooxda Al Shabaab ay ku qaadday Hotel five Star ah oo ku yaalla magaalada Nairobi, ayaa waxa laga cabsi qabaa in shacabka Somalida ah ee dalka Kenya ku nool ay dhibaatooyin ka soo gaadhaan.

 

Weerarkan oo ay dad badani ku dhinteen, ayaa waxa cadho aan xad lahayn ka qaaday xukuummadda iyo hay’adaha ammaanka ee dalka Kenya. Waxana ay durba billaabeen in ay suuqyada ka ururiyaan dad aan danbi lahay.

 

Dhaqanka iyo falalka aarsiga ah ee ay xukuumadaha Afrikaanka ahi kula dhaqmaan shacabka, gaar ahaan xilliyada ay argagixisadu wax yaallo geystaan amma laga hor yimaaddo xukunkooda ayaa ah fafal ka baxsan bani’aadamnimada. Tallaabooyinka aarsiga ah ayaana sababa in xaaladaha qaar ay ka sii xumaadaan.

 

Sidaasi daraaddeed, waxa shacabka Somalida ah ee Kenya looga baahan yahay in ay si midaysan oo taxaddir leh uga foojignaadaan dhibaatooyin kaga yimaadda dhinaca hay’adaha amniga.

 

Awalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images