awdalpress – London – Faadumo Siciid oo ah xoghaya arrimaha dibadda xisbiga UCID ayaa mar ay saxaafadda la hadashay ka warbixisay siyaasadda dibadda ee Somaliland iyo maanta halka ay marayso. Waxana ay hoosta ka xarriiqday in ay jiraan safaarado dhaqaale badani ku baxaan balse aan nafci badan lahayn.
Dhinaca kale ma ay sheegin xalka ay ka xisbi ahaan u hayaan dhalliilaha ay sheegtay. Waxana mar labaadka laga sugayaa in aanay warbixinaheeda ku koobin uun dhalliil, balse ay xalkana raaciso.
Awdalpress






