Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Lix ka tirsan Al-Shabaab oo lagu dilay duleedka Beledweyne

$
0
0

al-Shabaab-1Awdalpress(Beledweyne) 24 Nov, 13–Lix ka mid ah maleeshiyada Al-Shabaab ayaa  saakay lagu dilay duleedka degmada Beledweyne kaddib markii ay ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada  Jabuuti ee qeybta ka ah AMISOM  ay howgal ka fuliyeen tuulooyin ku yaalla galbeedka magaalada Beledweyne.

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda ayaa Bar-kulan u xaqiijiyay in lix ka mid ah kooxda Al-Shabaab oo xoolo baad ah ka qaadanayay dadka reer miyiga ah lagu dilay meel u dhow tuulada Jeeloow ee duleedka magaalada Beledweyne.

Sarkaalka ayaa intaas raaciyay in maleeshiyada ay isku dayday in ay is difaacdo balse lagu dilay howlgalkii ay saakay ka billaabeen ciidamadu tuulooyinka ku yaalla duleedka magaalada Beledweyne.

Sidoo kale ciidamada dowladda Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada Itoobiya ayaa saakay u dhaqaaqay  waddada dheer ee isku xirta magaalooyinka Beledweyne iyo Buulo burte.

Ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ayaa saakay howlgallo ka fuliyay deegaanno ay ka mid yihiin Baraagta Ceelow, Afar Irdood iyo deegaanno kale kuwaas oo in ka badan 30 km u jira magaalada Beledweyne.

RBK

Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images