INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Halkan waxa tacsi tiiraanyo leh ka diraya dhammaanba qoyska reer Sh. Omer Goth meel kasta oo ay joogaan, waxana ay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan eheladii uu ka baxay Allaha u naxariistee Marxuum Dr. Mohamed-rashid Sh. Hassan oo maanta fiidkii xaqii ku yimid. Waxana ay Eebbe uga rajaynayaan in uu marxuumka Jannadii ka waraabiyo….Aammiin.
Dr. Mohamed-rashid waxa uu ahaa haldoorka fara ku tiriska ah ee soo maray ummadda Somaliyeed, gaar ahaan reer Somaliland. Degellada Somalidu degtana waxa maanta looga barooranayaa Mohamed-rashid oo xaqii ku yimid.
Intii uu marxuumku noolaa, waxa lagu xasuustaa in uu ahaa shakhsi akhaaq badan, af gaaban, aqoontiisa ugu adeega ummadda. Aqoontiisu may ahayn mid keliya waxase uu isku darsaday isaga oo ahaa qoraa, suxufi, hanuuniye iyo shakhsi maamul wanaagga ku suntan.
Wakhtigii xukuumadihii Somalida waxa uu soo maray mas’uuliyado waaweyn sida guddoome Bank, hawl wadeen xisbi, wariye iyo kuwo kale, kadibna waxa uu waxbarasho sare u tegey dalka Ingiriiska, oo uu waxbarashadii Jamacadeed ku dhammaystay illaa iyo PhD. Jaamacadaha uu wax ku soo bartayna waxa ka mid ah Norwich University iyo London University. Muddadii uu joogay boqortooyada Ingiriiska waxa uu shaqaale iyo madax ka noqday laanta afka Somaliga ee BBC London.
Dr. Mohamed-rashid, waxa uu dalkiisii hooyo ku gurya hoyday dabayaaqadii sagaashaadkii kadibna waxa uu si rasmi ah ugu soo guuray badhtamihii 2000, waxana uu qayb weyn ka qaatay nabadayntii iyo geeddi socodkii Somaliland, dhismihii maamulladii is daba taxnaa ee soo maray Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu ka soo qabtay hawlo lagu xasuusto oo waaweyn, oo uu ugu danbayntii ka noqday Wasiiru dawlaha Arrimaha dibadda.
Allaha u naxariisto marxuum Mohamed-rashid waxa uu wax ku bartay kuna barbaaray degaanka Somalida Ethopia iyo Borama. Maantana waxa uu ku geeriyooday magaalada Hargeysa oo uu muddadii ugu danbeysey ku noolaa.
Awdalpress iyo shaqaalaheeduna waxa ay leeyihiin INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.
Awdalpress




