Awdalpress(Muqdisho) 24 Nov, 13–Guddoomiyaha degmada Waaberi Axmed Meyra Makaraan ayaa maanta deeqani lacageed iyo guriga ay u dhiseen ku wareejiyay Hooyo Soomaaliyeed oo dhawaan ku umushay MCH-ka degmada Waaberi 3 carruur oo mataano ah taariikhdu markii aheyd 7/10/2013.
Axmed Meyre Makaraan guddoomiyah degmada Waaberi ayaa u sheegey Warbaabinta Qaranka in qoyskani ay xarunta degmada deganaayeen tan iyo markii ay haweeneydan ku umushay MCH-ka degmada, 3 da carruurta oo ah wiilal mataano ah, waxaana uu ka warbixiyay deeqda ay ku wareejiyeen hooyada sadaxdaasi wiil dhashay.
“Maanta waxaa noo suurta gashay in hooyadaan Soomaaliyeed aan dib u dejin ugu sameyno gudaha degmada, dhul dowladda ay leedahay ayaan u dhisnay anagoo la kaashanay ganacsatada, waxaana arrintaasi gacan nagu siiyay guddoomiyaha Degmada Wadajir” ayuu guddoomiyaha hadalkiisa ku daray.
Maano Cumar Xasan oo ah Hooyada dhashay sedexda wiil ee mataanaha ah ayaa ka mahad celisay deeqda lacageed iyo guriga uu gudoonsiiyay mamaulka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kana codsaday inta wax haysta in ay ilgaar ah ku eegeen xaaladda ay ku sugantahay.
“Aad baad u mahadsantihiin dadkii arrintaan nagu deeqay oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha degmada, sida aad la socotaan ilmahaan aabahood ma shaqeeyo laakiin Al xamdullilah Alle unbaa talada saaranay” ayay hooyo Maano hadalkeeda ku soo koobtay.
Haweeneydan oo caruurtan mataanaha ah ku umushey degmada Waaberi ayaa waxaa ay ka mid ahayd dadkii ka soo barakacay deegaano katirsan gobolka shabeelaha Hoose, islamarkaana in mudo ah ku nooleed Kaam barakac oo isla degmadaasi kuyaala.
Radiyo Muqdisho





