Awdalpress(Nayrobi) 25 Nov, 13–Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in aan la xiri doonin xeryaha qaxootiga Soomaalida ee dalka Kenya in kastoo wasiirka arrimaha gudaha ee dowladda Kenya uu amray in la xiro xerooyinka.
Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dib u celinta qaxootiga Soomaalida lagu saleyn doono sida uu dhigayo heshiiskii ay dhowaan ay gaareen dowladaha Soomaaliya, Kenya iyo Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Qaxootiga ee UNHCR.
Heshiiska ayaa dhigayay in dib u celinta qaxootiga uu noqdo mid ikhtiyaar ah oo aan lagu khasbin qaxootiga in ay ku noqdaan Soomaaliya.
Afhayeen u hadashay Hay’adda Qaramada Midobay u qaabilsan qaxootiga ee UNHCR oo lagu magacaabo Kitty McKinsey ayaa wareysi ay siisay Iddaacada VOA-da waxay sheegtay in uu san jirin qorshe lagu xirayo xeryaha qaxootiga ee dalka Kenya.
Hadalkan ka soo baxay Qaramada Midoobay ayaa ka dambeeyay kadib markii wasiirka arrimaha gudaha ee Kenya Joseph Ole Lenku uu amray in la xiro xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab isla markaana la diyaariyo sidii ay qaxootiga Somaa lidu ugu noqon lahaayeen dalkooda.
Ku dhowaad nus milyan Qaxooti Soomaali ah ayaa ku jira xeryaha qaxootiga Dhadhaab ee gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya kuwaas oo ka soo qaxay Soomaaliya 20-kii sano ee dagaalada iyo xasilooni daradu ka jirtay dalka.
RBK





