Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Hargaysa: M/wayne Biixi oo qaabilay wefti ka socday maamulada Soomaalida iyo Oromia ee dawlada fedralka Ethoipia

$
0
0

Hargeysa-26-12-2019-()-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa habeenimadii xalay kulan salaan ah la qaatay weftigii ballaadhnaa ee ka socday maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dawladda Federal-ka Itoobiya ee booqashada shaqo ku joogay Somaliland.

Weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada oo ay hoggaaminayo madaxweyne-ku-xigeenka is-maamulka Oromada Mrs Chaltu Sani Ibraahim, ayaa kulankooda salaanta ah madaxweynaha kula qaatay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, waxana ay labada dhinac iska xog-waraysteen xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Somaliland iyo guud ahaanba Itoobiya, iyaga oo madaxweynaha uga mahadnaqay sida walaaltinimada leh ee uu dalka ugu soo dhaweeyey.

Kulanka Salaanta ah ee uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda maamullada Soomaalida iyo Oromada ee dalka Itoobiya waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyo safiirka Somaliland u fadhiya magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

warbaahinta Dawlada Somaliland


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images