Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Dawlada Somalia oo qaraxii Muqdisho ku eedaysay Dawlad Shisheeye inay ka dambaysay

$
0
0

Hay’adda sirdoonka Soomaaliya ee NISA ayaa sheegtay in dal shisheeye “uu lahaa qorshaha” qaraxii 28-kii bishan ka dhacay Ex-Kontorool Afgooye ee duleedka Muqdisho.

“Waxaan madaxda qaranka ugudbinay, warbixin bilow ah oo tilmaamaysa in Xasuuqii Shacabka Soomaaliyeed  loogu gaystay Muqdisho, 28-Dec-2019, uu qorshayntiisa lahaa dal shisheeye. “ ayaa lagu yiri qoraal ay NISA ku baahisay twitter-ka.

Qoraalka laguma xusan magaca dalka la tuhunsan yahay, balse hay’addu waxay sheegtay in weli baaritaanka uu socdo.

“Baariitaanka socda si loo dhamaystiro, waxaan la kaashan doonnaa Hay’adaha sirdoonka caalamka qaarkiis.” Ayey tiri NISA.

Illaa iyo hadda ma jirto koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa. 

Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in ugu yaraan 81 qof la xaqiijiyey inay ku naf waayeen qaraxaas, islamarkaana ay suurta-gal tahay in tirada ay intaas ka badato. 

Haddaba eedda ay soo jeedisay NISA ee ku saabsan in qaraxa uu ku lug lahaa dal shisheeye ayaa Sahra Cabdi Axmed ay wax ka weydiisay Cabdirashidi Khaliif Xaashi Agaaismaha Machadka Heritage ee magaalada Muqdisho.

VOA


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images