Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub ayaa sheegay inaan lacag lagu wareejin karin Dawladda Federaalka maadaama dalka uusan ka jirin nidaam Maaliyadeed oo hufan

$
0
0

Midowga-YurubAwdalpress(Brusells) 28 Nov, 13–Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa beenisay inuu muran dibloomaasiyadeed dhex maray ayada iyo guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs.

Wargeyska arrimaha ganacsiga ee International Business Times ee fadhiggiisu yahay magaalada New York ayaa qoray war ku saabsan inuu muran dhex maray Fowsiya Yuusuf iyo guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs, kaddib markii Fowsiya ay ka sheegtay shir ay uga qeyb-galeysay magaalada Brussels in dowladda federaalka aan wali la soo gaarsiinin lacagtii Midowga Yurub uu ugu yaboohay Soomaaliya bishii September.

Guddoomiyaha arrimaha horumarinta Midowga Yurub, Andris Piebalgs oo ka jawaabayay hadalka wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya ayaa sheegay in Midowga Yurub uu mashaariic horumarineed ka wado qeybo ka mid ah Soomaaliya, balse uusan si toos ah lacag ugu wareejin karin dowladda federaalka maadaama dalka uusan ka jirin nidaam maaliyadeed oo hufan.

Fowsiya ayaa beenisay inuu jiro wax khilaaf ah oo soo kala dhex galay dowladda federaalka iyo Midowga Yurub, iyadoo sheegtay in dowladda ay uga mahad-naqayso Midowga Yurub taageerada baaxadda weyn leh ee uu siiyo Soomaaliya.

Waxay sheegtay in xiriirka u dhaxeeya Soomaaliya iyo Midowga Yurub uu yahay mid aad u xooggan, ayna ka wada shaqeynayaan arrimo badan oo ay ka mid yihiin gargaarka bini’aadannimo, la dagaallanka argagaxisada iyo taageeridda AMISOM.

“Midowga Yurub waa deeq bixiyaha ugu muhiimsan ee Soomaaliya, waxaana uga mahad-celineynaa wax kasta oo ay naga caawimayaan si aan uga soo kabanno in ka badan 20 sano oo dagaal ah,” ayay tiri Fowsiya.

Waxay sheegtay inay ku kalsoon yihiin in mustaqbalka uu Midowga Yurub si toos ah caawimadda ugu soo hagaajin doono dowladda federaalka Soomaaliya.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images