Awdalpress – Birmingham – 01/12/13 – Shir weyn oo xalay lagu qabtay magaalada Birmingham oo il-yartu is qabatay ayaa ahaa mid ay ku kulmeen siyaasiyiin, xisbiyiin iyo muwaaddiin kale oo reer Somaliland ah gaar ahaan xisbiyiinta Waddani. Madashaasi oo laga hadlayey arrimo badan ayaa waxa ugu muhiimsanaa arrinta uu ka dhawaajiyey mudane Mohamed Ali Aw Abdi oo ahayd in uu madashaa ka iclaamiyey in uu yahay musharraxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga Waddani ee doorashada soo socota. Dadkii madasha joogay ayaa markii ay maqleen sawaxan iyo sacab isku daray, madashiina gilgilay. Taasina waxa ay caddaynaysaa in uu yahay siyaasi cudud ku leh Jaaliyadda Somaliland ee UK, gaar ahaanna xisbiyiinta waddani.
Mohamed waa shakhsigii ugu horreeyey ee illaa immiga isu soo sharraxay musharraxa madaxweynenimo ee xisbiga Waddani. Waana siyaasi aqoon yahan ah oo in badan oo badan u soo ka soo shaqeeyey siyaasadda arrimaha dibadda. Xisbiga Waddani ee UKna sida la sheegay dhismihiisa qayb weyn ayuu ka qaatay.
La soco warka arrimahaa la xidhiidha.
Awdalpress.com
Awdalpress.com