Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wardegdeg ah: Wadahadal Dubai ku dhexmaray Wefti Somaliland ah iyo maamulka Sare ee Awdalstate.. Xogaha cusub ee laga helayo kulankaasi..

$
0
0

newsAwdalpress– 04 Dec, 13–Maalmahanba waxa wada hadal uga socday Dawladda Somaliland iyo Maamulka Sare ee Awdal State magaalada Dubai ee wadanka Imaaraadka Carabta.Wada hadaladani oo socday mudo maalmo ah waxa la soo gabagabeeyey shalay oo ay bishu ahayd December 3, 2013, sida ay xaqiijinayaan warar xogogaal ahi.

Wararku waxay sheegayaan in Dawladda Somaliland ay u dirtay wadahadalaasi wafti sare oo ka qaybgalay wada hadalada labada dhinac oo uu hogaamineyey ergay gaar ah oo uu diray Madaxwaynaha  Somaliland, ergaygaas oo ah badhasaabka Gobolka Awdal ee Dawlada Somaliland, Abdo Aayar iyo Xubno kale. Halka dhinaca kalana uu waftiga uu hogaaminyey Madaxwaynaha Awdal State Rashid Awnur Hersi iyo xubno ay ka mid yihiin M/xigeenkiisa iyo xubno kale.

Wararku waxay sheegayaan in labada dhinac wada hadal dheer oo maalmo qaatay ka dib ay ku soo gabgabeeyeen in wada hadalku sii socdo,lagana wada shaqeeyo sidiii loo adkayn lahaa nabadgalayada.Wax kasta oo khilaaf ahna lagu dhameeyo wada xaajood iyo wada hadal.

Wararku waxay intaas ku darayaan in labada  dhinac ku heshiiyeen in maalmaha soo socda lagu dhawaaqo meesha uu ka dhacayo wajiga labaad ee wada hadalada labada dhinac iyo wafuuda ka qaybgalaysa kulanka soo socda.

Ilo xogogaal ah oo laga helayo Maamulka Awdal State ayaa sheegaya in kulanka danbe ay ka qaybgali doonaan waftiyo ka kala yimaada , dawlada Somaliland, Gobolada Galbeedka Somaliland( sida suldaanada,aqoonyahanada,dhalinyarada iyo waxgarad kaleba)  iyo Saraakiil sarsare oo ka tirsan maamulka Awdal State oo ka iman doona daafaha dunida.

Dhanka kalana waxa la sheegayaa in labada dhinac si wada jira u qabteen Shir Saxaafadeed ay soo wada saareen taas oo laga sii dayn doono Telefishanada afka Soomaaliga ku hadla manta sida waraku sheegayaan.

Kulankan ayaa ah midkii uGu horeeyay ee dhexmara labada dhinac ee Somaliland iyo madaxda Awdalstate, inkasta oo ay jiraan dhaliilo loo jeedinayo dhinacyada wadahadalku dhexmaray, kuwaas oo ka imanaya dhinacyada ay kala metelayaan weftiyada kulanku u dhamaaday, ilaa iyo hadase ma jiraan war rasmi ah oo ka soo baxay dawlada Somaliland oo ay wadahadalkan ku diidanyihiin, balse warar hoose ayaa sheegaya in siyaasiyiin maamulka ka mid ahi saluugsan yihiin wadahadalka.

Awdalpress Desk.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles