Awdalpress(Kismaayo) 07 Dec,13–Wareegto ka soo baxday xafiiska hoggaamiyaha maamulka KMG ah ee Jubba Axmed Maxamed Islaam (Madoobe) ayaa saakay lagu magacaabay 8 wasiir oo ka tirsan xubnaha wasiirrada ee uu maamulkaas yeelanayo.
Afhayeenka maamulka KMG ah ee Jubba, Cabdinaasir Seeraar oo warbaahinta u akhriyay wareegtada ayaa sheegay in magacaabista lagu saleeyay nidaamka awood-qeybsiga ee beelaha dega deegaannada hoos taga maamulka.
Tirada guud ee wasiirrada maamulka ayaa lagu wadaa in la gaarsiiyo ilaa 15 xubnood, iyadoo uu dhowaan hoggaamiyuhu soo dhameystiri doono tirada hartay.
Cabdinaasir Seeraar ayaa tilmaamay in uu sidoo kale hoggaamiyuhu magacaabay hoggaamiye ku-xigeenka labaad ee maamulka KMG ah ee Jubba oo loo magacaabay Suldaan Cabduqaadir Maxamed (Luga-dheere).
Wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka KMG ah ee Jubba waxaa loo magacaabay Maxamed Warsame Faarax (Jeneraal Darwiish), wasiirka maaliyadda waxaa noqday Maxamed Yuusuf Cumar, wasiirka arrimaha bulshadana waa Maxamed Ibraahim Maxamed.
RBK





