Maalintii Khamiistii ee ay taariikhdu ahayd 06/012/2013 waxa dhammaatay taariikhdii amma sooyaalkii hoggaamiyaha caalamiga ah ee Nelson Mandela. Waxana weli lagu jiraa tacsidii iyo xasuustii halyeygaa maanta dunida ka god galay oo heer caalami ah.
Geerida Nelson Mandela waxa ay Afrika u tahay habeen u soo galay, waxana looga barooranayaa mid geeska Africa amma woqooyiga Afrika illaa iyo koonfurta Afrika amma Galbeedka Afrika. Magac iyo sharaf lama illoobaan ah ayaanu kaga geeriyooday walaalihii iyo dadkiisii uu u soo halgamay, oo aan ahayn keliya Afrika.
Nelson Mandela waxa uu hantiyey quluubta dunida, waxana uu mutaystay in calammo qiimo badan oo aan hore qof kale hoos luugu dhigin loogu dhigo, waxana ka mid ah calammada Ingiriiska iyo Faransa. Boqortooyooyinka dunida, ayaa boqorradoodu iyaga oo ilmaynaya fagaarayaal ugu soo baxay saxaafadda iyo mudanka dadkooda si ay u tacisyadeeyaan halyeygaa caaliga ah ee Nelson Mandela. Kalmadna uga yidhaahdaan qiimihii uu lahaa.
Queen Elizabeth comments on the passing of Nelson Mandela …
Nelson Mandela and Queen Elizabeth: An extraordinary relationship
Nelson Mandela dies: French flags to fly at half-mast | NDTV.com
Taalla sawirkiisa laga sameeyey ee ku taalla faras magaalaha badhtamaha London ayaa baroor iyo oohin ay u hoos jiifaan boqollaal caddaan iyo madaw ahi. Waxana sida dalka Ingiriiska dhaqankiisa ah ay illaa iyo immiga dadku hoostiisa dhigayaan ubax iyo shamac.

Dalka Maraykanka oo ah waddanka maanta hormoodka u ah ilbaxnimada iyo horumarka dunida ayaan la qiyaasi karin sida haldoorkooda, maalqabeennadooda iyo muwaaddiniintoodu ugu is taageen in ixtiraamka uu ka mudan yahay geesiga maanta god galay ee Nelson Mandela ay isugu soo baxaan fagaarayaal. Waxana ay hoggaaminayaan xafladda lagu sagootinayo marxuumkaa Nelson Mandela.
Nelson Mandela: Barack Obama leads world tributes to man who …


Beesha caalamka oo ay hormood ka tahay UN ayaa fadhiga uga kacday oo daqiidad looga aammusay xaruntooda ay Maraykan ku leeyihiin. Waxana uu xoghayaha qaramada midoobay isaga oo ku hadlaya magaca UNta si qaddarin leh u tacsiyadeeyey marxuum Nalson Mandela.
Taariikhdiisa oo kooban:
1918 Waxa uu ku dhashay Eastern Cape
1943 Wakhtigaa waxa uu ku biiray African National Congress
1956 Waxa loo xidhay arrin qaran dumis ah, laakiin afar sano kaddib waa la sii daayey
1962 Wakhtigan waa la xidhay isaga oo lagu eedaynayo in uu bilaa baasaboor dalka kaga baxay, shan sano oo jeel ah ayaana lagu xukumay.
1964 Arrin lagu mu’aamaraaday ayaa qoorta loo sudhay, waxana lagu xukumay jeel abada ah.
1990 Wakhtigan xorriyaddiisii ayaa loo soo celiyey, oo waa la soo daayey.
1993 Waxa uu ku guulaystay abaal marinta la yidhaa Nobel Peace Prize
1994 Waxa loo doortay Madaxweynihii ugu horreeyey ee madaw ah ee ay South Afrika yeelato abid.
1999 Waxa uu ka dhaadhacay Madaxweynenimadii dalka.
2001 Waxa laga daweeyey xanuunka Kansarka ee xiniinyaha ku dhaca
2004 Waxa uu iclaamiyey in uu hawl gab ka noqday fagaarayaasha.
2005 Waxa uu dunida iyo dadkiisaba u sheegay in inankiisii u dhintay xanuunka dilaaga ah ee la yidhaa HIV/ Aids
Haddaba waxa is weydiin leh sababta keentay in uu Nelson Mandela hanto quluubta dunida oo uu mutaysto tacsi baaxaddaa le’eg? Si kooban haddii aan uga jawaabno waa wanaagga sharafta uu dareeqeedii qaaday ee u rumowday. Hal ku dhagyadiisii qiimaha lahaa waxa ka ahaa: Qofna kuma dhasho dad nacayb amma karah, waase la baraa, haddii karah iyo nacayb la bari karo ilmahana waa la bari karaa Jacayl. Kalgacalo la baraana waa dabeecad wanaagsan.
Bulshada caalamka ee diin walba ugu ducaynaysaa waa mid uu dhaqan ahaan mutaystay, waxana uu ahaa hoggaamiye run ah oo u soo dhabar adaygay xamil badan iyo dhib badan, oo ujeeddadiisu ahayd in uu walaaleeyo shucuub u kala qoqobnayd midab iyo cunsuriyad jinsiyadeed, qabiil iyo nacayb.
Waxa uu 27 sano ku soo jiray jeel uu ugu jiray, halgankaa uu ku diiddanaa is nacaybka bulshada iyo kala qoqobnaanta. Midabtakoorkii ayuu baabi’iyey. Sidaasi daraaddeedna Dunida maanta joogtaana ku ixtiraamaysaa.
Nalson Mandela waa shakhsi mudan in loo duceeyo, in la xasuusto.
Ahmedweli Goth.





