Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

AMISOM oo sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta Xuquuqda Aadanaha

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho) 09 Dec, 13–Ergeyga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya, Danjire Mahamat Saleh Annadif ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay in AMISOM ay ka go’an tahay ilaalinta xuquuqda aadanaha, gaar ahaan tan dadka dulman ee ku nool Soomaaaliya.

Annadif ayaa sheegay in AMISOM ay siineyso dadka dhibaateysan goobo ammaan ah oo ka madax-bannaan rabshado iyo cabsi galin, taas oo qeyb weyn ka ah qorshaha ilaalinta xuquuqda aadanaha.

Ergeyga wuxuu sheegay in AMISOM ay si aad u dhow ugala shaqeyn doonto hay’adaha ammaanka ee Soomaaliya sidii loo abuuri lahaa jawi nabadeed iyo deegaan ammaan ah, si ay meesha uga baxaan dadka doonaya in ay ku xad-gudbaan xorriyadda shacabka Soomaaliyeed.

Annadif ayaa tilmaamay in ciidamada AMISOM ay helaan tababarro joogta ah oo ku aaddan ilaalinta sharciyada caalamiga ah ee ilaalinta xuquuqda aadanaha, iyadoo dhammaan howlaha AMISOM ay ka muuqdaan nidaamka ilaalinta xuquuqda aadanaha.

War-saxaafadeedka uu soo saaray Annadif ayaa ku soo beegmaya xilli caalamka laga xusayo maalinta xuquuqda aadanaha.

RBk


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images