Waxa dhammaanba bulsha weynta reer Harawa, Awdal, Salal, Djabouti iyo Gebilay la ogeysiinayaa in maalinta Jimce ee ay bisha Disember tahay 20ka, sannadka 2013ka. Xaflad qiimo leh oo soo dhaweyn ah loo samayn doono Ugaaska beelaha Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Doodi. Madasha xafladda lagu qaban doono cinwaankeedu waa:
22 London Road Wembley
Middlesex
HA9 7EX
Wakhtiguna waa lixda ( 18:00) fiidnimo. Ee wakhtiga Ingiriiska. Taariikhduna waa 20/12/2013.
Ballantu waa innoo maalintaa aan sida cad ugu xusnay dusha, ee waxan dadweynaha leenahay idinka oo qurxoon oo farxad iyo wanaaggii ka muuqdo dushiinna aan isugu nimaadno, madasha quruxda badan ee habeenkaa lagu cawayn doono.
Guddiga qaban qaabada xafladda.
Ismail Hussein.






