Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidanka AMISOM oo howlgal ka sameeyay degmada Madiina

$
0
0

HowlgalAwdalpress(Muqdisho) 25 May, 13–Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika (AMISOM) oo kaashanaya ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa xalay waxay howlgal dhinaca ammaanka ah ka sameeyeen degmada Madiina ee ka tirsan gobolka Banaadir.

Muddadii uu howlgalka socday, ciidanka ayaa isku gadaamay xaafadaha ay ka kooban tahay degmada Madiina.

Howlgalka waxaa lagu qabqabtay dhallinyaro badan oo ku nool degmada, kuwaas oo lagu sameeyay baaritaan lagu ogaanayo inay xiriir la leeyihiin kooxda al-Shabaab.

Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ayaa in dhowaaleba labo jibbaaray howlgallada lagu adkeynayo ammaanka caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho kaddib markii ay kordheen falalka ka dhanka ah ammaan darrada ee inta badan ay gaysato kooxda al-Shabaab ee dagaalka kula jirta dowladda Soomaaliya iyo ciidanka AMISOM.

RBK


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images