Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faysal Cali Waraabe oo Hangoolkiisii la dhacaya meel cidla ah oo aanay waxba ka hagaagayn.

$
0
0

Faysal HangoolkiisiiAwdalpress – Hargeysa – Guddomiyaha xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Mudane Faysal Cali Waraabe waxa uu ka mid yahay kooxda madasha toosinta iyo wada tashiga u soo tafa xaytay, waxana uu baryahanba ku dhilaa xukuummadda Madaxweyne Siilaanyo oo aad mooddo in uu cuna qabad ku noqday. Si ay isaga fur furtana aan garanayn.

Dad badan ayaa hadalka seefta ah ee aanu waxba hambaynay uu yahay mid run ah, waxa kale oo ay dad badani u arkaan nin daacad ka ah gooni isku taagga Somaliland iyo waxa la yidhaa good governers amma ismaamulka wanaagasan. Kooxdan Madashana waxa ay ku wada jiraan koox magac iyo sharaf ku leh shacabka Somaliland. Laakiin dad badan oo kale ayaan u arag kooxdan oo rag u badan, dad daacad ka ah dooddooda. Dawladda Ahmed Siilaanyana diyaar uma aha in ay hanjabaadda iyo cunufka ay ka didsan yihiin uu yahay mid lagu sixi karo nidaamka dawladeed wixii ka qaladan.Waxana ay dawladdu ku doodaysaa, in aanay waxba ka qabin dood iyo talo, hase yeeshee, loo maro sifo sharci ah. Mucaaridka iyo toosinta dawladdana waxba kama qabaan. Balse koox aan sharci ahayn oo iyaga uuni is magacaabay diyaar uma aha in ay yooyootan iyo gor gortan la galaan.

Bal doodda Faysal aan u gudubno oo aan wada dhegeysanno.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles