Madaxweyne ku xigeenkii hore oo iska fogeeyay eedeynta Afgambiga iyo shisheeyaha ku sugan oo la Amray inay ka baxaan
S.Sudaan(Waaheen)-Dagaalladii maalmahan ka socday dalka Koonfurta Suudaan ayaa la sheegay inay ku dhinteen dad ka badan 500-oo qof oo rayid iyo ciidammo isugu jiray, iyadoo madaxweyne ku xigeenkii hore ee dalkaas, Riek Machar uu isna iska fogeeyay inuu abaabulay afgambi uu ku doonayay inuu talada kaga tuuro madaxweynaha dalkaasi, Salva Kiir.
Sarkaal u hadlay Qaramada Midoobay ayaa sheegay in cabsi ay ka qabaan in dagaallada ka socda Koonfurta Suudaan ay isku bedelaan kuwo sokeeye, iyadoo Qaramada Midoobay ay ugu baaqday shaqaalaha rayidka ah ee u shaqeeya inay ka baxaan dalkaas.
Sarkaalkan ayaa la hadlay bahda war fidiyeenada waxaana uu yidhi “Labaatan kun oo qof oo shacabka Koonfurta Suudaan ka tirsan ayaa magan-galyo ahaan u galay xero ay ciidamada nabada ilaalinta Qaramada Midoobay ku leeyihiin magaalada Jubba ee xarunta dalkaas,” waxaa sidaas yidhi danjiraha Faransiiska u fadhiya Koonfurta Suudaan, Gerard Araud.
Sidoo kale, hay’adaha caafimaadka ee ka howlgala Koonfurta Suudaan ayaa iyaguna sheegay in 800 oo qof oo kale ay dhaawacyo kala duwan dagaallada kasoo gaadheen kuwaasoo lagu daweynayo cisbitaallo kala duwan oo Jubba ku yaalla.
Ganacsade Soomaaliyeed ayaa ka mid ah dadka lagu dilay dalka Koonfurta Suudaan, gaar ahaan xaruntiisa Jubba, kaddib markii goob ganacsi oo uu ku sugnaa ay u galeen ciidammo hubeysan oo muran dhexmaray kaddib ku dhex-toogtay tukaankiisa.
Dhanka kale, madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa beeniyay inuu qayb ka ahaa afgembi ay dowladda sheegtay inay fashilisay. Iyadoo dowladdu ay sheegtay inay ku raad-joogto sidii ay ku soo qaban lahayd.
“Dowladda uu hoggaamiyo Salva Kiir waxay doonayso inay qalalaasaha socda u adeegsato inay meesha ka saarto dadka kasoo horjeeda,” ayuu yidhi Machar oo aan sheegin halka uu ku sugan yahay.
Madaxweynaha Koonfurta Suudaan, Salva Kiir Mayardit ayaa habeenno ka hor sheegay in militeriga dalkaas uu fashiliyay af-gembi ay qabanqaabiyeen siyaasiyiin ay iska soo horjeedaan oo uu ku jiro madaxweynihii hore oo uu shaqada ka eryay bishii July ee sannadkan.
Dalka Koonfurta Suudaan ayaa tan iyo markii ay billowdeen dagaallada ka socda waxaa la xidh xidhay ugu yaraan 10 ruux oo Hore wasiirro u ahaa, iyadoo dalkaas la geliyay xaalad deg-deg ah, inkastoo ay weli meelo ka mid ah ka dhacayaan dagaallo u dhexeeyay ciidammada dalkaas oo habab beeleed u abaabulan.
Koonfurta Suudaan ayaa xornimaddeeda ka qaadatay Suudaan sannadkii 2011-ka, kaddib tobanaan sano oo labada dhinac ay dagaallamayeen, iyadoo dagaalladan socda ay walaac xooggan geliyeen dalal badan oo xidhiidh uu kala dhexeeyo Koonfurta Suudaan.
Xiisad ayaa ka aloosnayd dalkaas tan iyo bishii toddobaad ee sannadan oo madaxweyne Salva Kiir Mayardit uu xilka ka qaaday xubno fara badan oo xukuumaddiisa ka mid ah, kuwaasoo uu ku jiro madaxweyne ku xigeenkiisii hore, Riek Machar oo hadda dhuumaaleysi ku jira.
Riek Machar ayaa horay u sheegay inuu doonayo inuu Salva Kiir tartan kula galo doorashada madaxweynenimo ee la qaban doono sanadka 2015-ka, iyadoo aan la ogeyn in taasi ay saldhig u tahay khilaafka labada mas’uul soo dhexgalay.
Haweeneydii uu ka dhintay hoggaamiyihii hore ee jabhaddii SPLA ee tobanka sano u dagaalamaysay xorriyadda Koonfurta Suudaan ayaa ku eedeysay Kiir inuu doonayo inuu xukunka keligiis isku koobo, iyadoo sheegtay in xubnaha xisbiga ay doonayaan in isbedel la sameeyo,
Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Koonfurta Suudaan, Riek Machar ayaa ka soo jeeda qabiilka Nuweer oo ka mid ah qabaa’illada ugu waaweyn dalkaas oo ku eedeeya qabiilka uu kasoo jeedo Salva Kiir ee Dinka inay talada dalka iyagu isku koobeen.
Waaheen