
Awdalpress – London – Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi oo maanta ka ambo-baxay magaalada London oo maalmahan u dambeeyay safar shaqo ku joogey isla markaana isaga iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo u sii jeedaan dhulkii Hooyo.
Ugaaska Gadabuursi Ugaas Abdirashid Ugaas Rooble Ugaad Dooddi ayaa kulan uu ku qabtay maddaarka Heathrow ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Madaxwaynaha cusub ee maanta ku guuleystay xilka madaxwayanaha maamul goboleedka Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Isaga oo guud ahaanba ummadda Somaliyeedyana ugu duceeyey nabad iyo barwaaqo.
Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi ayaa sidoo kale hambalyo taas la mid ah u diray Madaxwaynihii hore ee Puntland Dr. Cabdraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole qaabka quruxda badan ee uu ugu qancay natiijada doorashada maanta ka dhacday magaalada garoowe ee caasimadda Puntland.
Ugaaska Beelaha Gadabuursi Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Dooddi waxa uu yidhi “Shacabka reer Puntland waxaan u rajeynayaa nabad taam ah, isbadal wannaagsan iyo tallaabo horumar leh oo abuurta nolol fiican isla markaana ummadda Puntland u horseeda sinaan iyo cadaalad’.
Wabillaahi Tawfiiq.
Abdirisaq Mohamed Barkhad
Senior Camuudnews Editor
E-mail;rasiiqi07@hotmail.com





