Awdalpress(Garawe) 09 Jan, 14–Ergayga gaarka ah ee Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa u hambalyeeyay madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.
Warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska ergayga ayaa lagu sheegay inay tahay arrin wanaagsan oo horumar ah in uu goob joog ka noqdo dimuqoraadiyadda oo ka hirgaleysa Puntland.
Wuxuu ku ammaanay golaha wakiillada cusub, odayaasha dhaqanka , culumaa’uddiinka, iyo qeybaha kale ee bulshada Puntland hannaanka hufan ee ay uga shaqeeyeen hirgalinta doorashada Puntland.
Michele Cervone d’Urso ayaa sidoo kale ku ammaanay madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole in uu qeyb muhiim ah ka ahaa inay Soomaaliya ka gudubto hannakii ku meel gaarka ahaa.
Waxa uu sheegay in Faroole lagu xasuusan doono waxqabadkii muuqday ee uu qabtay muddadii shanta sano ahayd ee uu xilka hayay.
Michele Cervone d’Urso ayaa xusay in Midowga Yurub uu la shaqeyn doono madaxweynaha cusub ee Puntland.
RBK