Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Qabawga daran ee Yurubta galbeed ka dhacaya xilligan oo wiil Somaliyeed oo bilaa sharci ah ku dilay Norwey.

$
0
0

norway_somaliAwdalpress – Norwey – Wiil Soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay Nuur Cabdulaahi Aadan ayaa Kaamkii uu ku jiray ka baxsaday ka dib markii loo diiday sharcigii uu dalka  ku joogi lahaa ee qaxootiga, wiilkaan ayaa sharciga dalka Norway sugayay ku dhawaad mudo 3 sannadood ah, Kaamka uu dhibku ka dhacay ayaa waxaa lagu magacaabaa NYSTOLEN wuxuuna ku yaallaa magaalada ETNEDAL ee Dalkaasi Norway.

Wiilkaan oo la sheegay inuu isku buuqay ama isla hadlay ayaa xilli uu jiray qaboow daran iyo baraf wuxuu dhoor maalmood ku dhex lugeenayay dhul cidlo ah oo aad u fog inkastoo markii hore la soo helay Kabihiisa waxaana ugu dambeeyntii la soo heelay raqda Meydkiisa ka dib markii ay raadintiisa ka qeeyb qaateen Diyaaradaha qumaatiga u kaca ee loo yaqaan Helikoptarada.

Dadkii la degnaa Nuur Cabdulaahi Aadan gaar ahaan Soomaalidii taqaanay ayaa aad uga naxay dhibka qabsaday muwaadinkaan Soomaaliyeed oo intii aan diidmada la siin ahaa ruux caafimaad qaba.

Soomaali badan oo Sharci aanan ku heeysan dalalka Yurub ayaa nafsadooda halis galiya marka la siiyo diidmada maadaama imaanshaha Qaarada Yurub ay qarash iyo lacag aad fara badan ku soo bixiyeen .

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Trending Articles