Awdalpress – Muqdisho – Ciidammada Taabacsan Axmed C/maxamuud Godane ayaa qaar ka mid ahi ay hoygiisa ugu tageen Xasan Daahir Aweys oo u sheegay in ay dilayaan haddii aanu raali gelin ka bixinin hadal hore uga soo baxay.
Ciidammada u tagey Xasan Daahir Aweys ayaa la sheegay in ay u sheegeen in ay dilayaan haddii aanu si deg deg ah raali gelin buuxda uga bixinnin hadal uu horay u sheegay oo ahaa ineey jiraan khilaaf u dhaxeeya saraakiisha ugu Sareysa Ururka Al-Shabaab .
Xasan Daahir Aweys ayaa Maalmo ka hor sheegay ineey jiraan Khilaafaad waaweyn oo u dhaxeeya Ururkaasi oo keeni kara ineey laba garab u kala jabaan hadalkaasi ayaa la sheegay in uu aad uga carooday Axmed Gadone taas oo keentay in uu u diro Xasan Daahir ciidamadiisa Gaarka ah .
C/laahi Cismaan Aweys oo ka mid ah elahada Xasan Daahir aweys ayaa Warbaahinta u sheegay in Nolosha Xasan Daahir ay Qatar ku jirto ayna aad uga walacsan yihiin Noloshiisa.
C/laahi Cismaan ayaa hadalkiisa intaasi ku daray in Xasan daahir uu uu bahaan yahay in la badbaadiyo
Waxaa jira Khilaafaad aan la dafiri Karin oo ka dhaxeeya Ururka Al-shabaab.
Khilaafkaasi ayaa ka danbeeyay ka dib markii Axmed Godane uu Dil ku xukumay Abuu mansuur al amriiki dhaawacna u geysteen Ciidamada Axmed Godane taas oo qaar ka mid ah Saraakiisha Ururkaasi uu Xasan Daahir ka mid yahay ay aad uga soo horjeesteen.
BLC




