Awdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland ayaa maalintii shalay gaadhay magaalada Muqdisho ee caasimadda Somalia. Madaxweyne Abdiweli ayaa ujeeddada socdaalkiisu ahayd in uu ka qayb galo aaska ra’iisal wasaarihii hore ee Somalia marxuum Abdirasaaq Xaaji Hussein.
Mudane Abdiweli Gaas ayaa waxa la socday ciidammo aad u xooggan, oo lagu sugayo ammaankiisa, laakiin waxa la soo sheegayaa in Ciidammada Midowga Afrika ee AMISOM ay saakay u diiday ciidammadaa uu Madaxweyne Gaas watay in ay galaan gudaha garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde . .
Xubno ku sugan Garoonka Aadan Cadde ayaa soo sheegaya in Ciidamada AMISOM oo kaa shanaya Gudiga heerka qaran ee qaban qaabinaya aaska Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya ay saakay ka hor istaageen ilaalo gaar ah uu watay Cabdiweli Gaas in ay gudaha u galaan Garoonka.
Ciidammada uu watay Madaxweyne Gaas ayaa lagu celiyay bannaanka hore ee Garoonka waxaana kaliya loo ogolaaday Cabdiweli Gaas in gudaha uu la galo xubno dhinaca Prtacolka u qaabilsan sida ay xaqiijiyeen Wariyaal kusugan Garoonka .
Ciidamada AMISM ayaa sidoo kale banaanka kuwada celiyay ilaalo ay wateen Masuuliyiin kala duwan, waxaana gudaha Garoonka galay kaliya ilaalada gaarka ah ee leeyihiin Sadaxda Masuul ee ugu sareeya Dowlada Soomaaliya.
Madaxweymaha Puntiland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maalintii shaay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde waxa uu kala soo dagay Ciidamo gaar ah oo hubeesaan kuwaa oo amaankiisa sugayay .
Awdalpress.com