Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

DHAGAYSO WAR CUSUB: Maamulka Axmed Madoobe oo Aqbalay ka qayb galka Shirka Muqdisho ka dhacaya

$
0
0

Awdalpress – Kismaayo – Maamulka la baxay Jubbaland ee uu hoggaamiyo Axmed Madobe ayaa oggalaaday ka qayb galka shirwaynaha looga hadlayo arrimaha Jubbooyinka ee dhawaan la filayo inuu ka dhaco Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya, sidaasi waxaa yiri Wasiirkii hore ee Dastuurka hadana ka mid ah Wafti Xildhibaano iyo Wasiiro iskugu jira oo Kismaayo ku sugan, xilli uu Shir Jaraa’id ku qabanayay gudaha degmada Kismaayo maanta.

RIIX HALKAN SI AAD U DHAGAYSATO

Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo xubin ka ah wafdiga dowladda federaal-ka ee Soomaaliya ee Kismaayo jooga ayaa sheegay in maamulka Jubbaland ee Axmed Madoobe uu aqbalay inuu u hoggaansamo war-murtiyeedkii IGAD ee farayay in dowladda looga dambeeyo gudashada waajib.

Xildhibaan Xoosh waxa uu intaasi raaciyey, ‘ Maamulka Axmed Madoobe ee Jubbaland  waan la kulannay haddii aan ahayn  waftigii ku sugnaa Magaalada Kismaayo ee ka yimid Muqdisha, waxanan maalmihii u dambeeyey  la qaadannay  kulamo isbada joog ah.’

Xoosh ayaa sheegay in wada-hadallo ay labada dhinac yeesheen kaddib ay isku af-garteen inay wada-jir uga shaqeeyaan xallinta arrimaha murugsan ee gobollada Jubbooyinka, in dowladda dhexe ay hoggaamiso arrimaha gobollada Jubbooyinka iyo Gedo, ka shaqaynta nabadgelyada iyo xasilloonida iyo dhismaha maamul ku dhisan caddaalad oo dastuurka aqbali karo.

Inkasta oo Kismaayo laga dareemay xiisado dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Axmed Madoobe, haddana shirka Jaraa’id ee Xildhibaan Xoosh waxa ay Saxaafaddu waydiisay Maamulka Jubbaland inay kala hadleen Wasiirada ku xayiran Garoonka kismaayo, isagoona Xildhibaan Xoosh arrintaasi ka gaabsaday inuu faah faahin dheeraad ah ka bixiyo, isagoona geesta kale sheegay inay socdaan wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo maamulka Kismaayo ee Hogaamiyo Sheekh Axmed Madoobe.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images