Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shacabka reer Awdal oo muddaba aad u kacsan.

$
0
0

Intii muddo ahba waxa saxaafadda reer Awdal lagu soo bandhigaa dhawaqyo maqal iyo muuqaallo wata oo lagu sheegayo hadallo lagu kicinayo shacabka. Waxana isa soo taraya nacayb ku baahay dhalinyarta gobolka. Laakiin dadka hawlahan ka dambeeya ayaa la sheegayaa in ay leeyihiin dano gaar ah. Balse aanay daacad ka ahayn waxa ay dadka u sheegayaan.

Haddaba dad badan oo la soo xidhiidhay shabakadda Awdalpress.com ayaa u sheegay in ay soo wadaan muddaharaad gil gila maamulka Somaliland, oo bay yidhaahdeen aan haba yaraatee, dhago u lahayn baahida shacabka reer Awdal iyo Salal. Laakiin  dhalin yaro  ka mid ah kuwii nala soo xidhiidhay, markii aan weydiinnay sababta ay kacdoonkan u abaabulayaan, ayaa noo sheegay in aanay dawladdu dan ka lahayn shacabka degaannada gobollada galbeed.

Si kasta ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin, in loo baahan yahay in shakhsiyaadka dadka kicinayaa ay is caddeeyaan, oo aanay dadka masaakiinta ah ee baahiyaha aasaasiga ah qaba aanay ka dhigan sallaankii lagu fuulayey kuraasta.

Sidoo kale waxa wax garad badani ka dayrinayaan xildhibaannada da’da yar ee iyaguna ku dhex milmay qabyaaladda iyo siyaasadaha xisbiyada, waa sida ay hadalka u dhigeene,  in ay xal u keenaan shacabka. Laakiin aanay xal ka sugin dawladda dhexe. Wasiirrada gobollada galbeed ka soo jeeda iyo siyaasiyiintuna ay fara gelinta ka daayaan maamullada degaannada ee gobollada Awdal iyo Salal.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images