Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Shirarka Baydhabo oo ay ka haleen Xukuumada Soomaaliya iyo Ergeyga Jamciyada Quruumaha u qaabilsan Somalia Mr.Nichols kay

$
0
0

KayAwdalpress(Muqdisho) 03 Mars, 14–War-murtiyeed maanta ka soo baxay xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay mowqifka ay dowladdu ka taagan tahay habka loo marayo dhismaha maamul-goboleedyada iyo sida ay uga welwelsan tahay shirarka siyaasadeed ee iska soo horjeeda ee ka socda magaalada Baydhabo.

Xukuumaddu waxay xustay inay dhibaato ka imaan karto natiijada ka soo bixi karta dhammaadka shirarkaas iska soo horjeeda, iyadoo xaqiijisay inay dhowr jeer isku dayday mideynta shirarkaas si dadka deegaanka ay u helaan maamul mideysan oo waafaqsan dastuurka iyo shuruucda dalka.

Wasaaradda arrimaha gudaha iyo federaalka ee xukuumadda Soomaaliya oo la sheegay inay u xil-saaran tahay arrimaha maamul-goboleedyada ayaa sheegtay inay dhowreyso heshiiskii Addis Ababa ee lagu oggolaaday dhismaha maamulka kumeel-gaarka ah ee Jubba.

Xukuumaddu waxay tilmaantay inay diyaar u tahay inay gacan ka geysato dhismaha maamul-goboleedka saddexda gobol ee kala ah Baay, Bakool iyo Shabeellaha hoose, iyadoo shacabka deegaannadaas kula talisay inay ka fogaadaan wax kasta oo wax u dhimi kara xasilloonida.

Magaalada Baydhabo waxaa ka socda labo shir oo iska soo horjeeda oo la doonayo in maamul loogu sameeyo gobollada koonfur-galbeed Soomaaliya.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay ayaa sheegay inuu si dhow u eegayo shirarka ka socda magaalada Baydhabo iyo natiijadii shirkii maanta.

Labo shir oo midkood la sheegay in maamul loogu sameynayo saddex gobol iyo mid kale oo lix gobol maamul loogu sameynayo ayaa bilihii dhowaa is-barbar socday, waxayna taasi dhalisay qilaafyo siyaasadeed.

Mid ka mid ah shirarkaas ayaa maanta lagu doortay hoggaan, iyadoo qeybaha bulshada iyo siyaasiyiinta ay ku kala aragti duwan yihiin shirarka.

Nicholas Kay ayaa dhinacyada ku shiraya Baydhabo ugu baaqay inay ka fogaadaan wax kasta oo keeni kara gacan-ka-hadal wax u dhimaya amniga.

Wuxuu sheegay in sanadkan uu muhiim u yahay midnimada iyo helidda Soomaaliya oo xasilan oo uu ka hir-galo nidaam federal ah.

Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Nicholas Kay  ayaa ugu baaqay hoggaamiyeyaasha siyaasadda, odayaasha iyo qeybaha bulshada inay ka go’naato wada-hadalka siyaasadeed, isla markaana la tixgeliyo Dastuurka Federaalka ah ee Kumeel-gaarka ah iyo heshiisyada jira.

Wuxuu ugu dambeyn xusay baahida loo qabo in dowladda ay dar-dargeliso wajibaadkeeda ku aaddan hannaanka dhismaha maamul ee Soomaaliya, iyadoo ku hoggaamineysa hab loo dhan yahay.

RBK

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images