Awdalpress – Muqadisho – Sida la wada og yahay wakhtiyadan dambe, waxa ay saxaafadda Somalidu ku guulaystay in ay kasbadaan quluubta shacabka, sababtana waxa lagu sheegaa iyada oo noqotay ta u hadasha shacabka. Halka ay maamulladuna u arkaan cadawga maamulkooda. Waayo, maamullada Somalida ee geeska Afrika ma jecla in saxaafaddu sheegto, qaladka amma ay saxdo waxa ay seegeen amma ay noqdaan kuwo u hadla baahida shacabka.
Haddaba habeenkii xalay waxa uu mudane Abdiweli oo arrimahaasi dareenkiisa kaga fal celiyey in uu la kulmo, ayaa ugu horreyn ka codsaday in Saxaafadda iyo maamulka dawladdiisu yeeshaan wada shaqayn dhaw. Taasi oo aan la caddayn nooca wada shaqaynta ah ee ay yeelan doonaan.
Laakiin waxa dhinaca kale yaalla saxaafadda ay dawladdu maamusho sida TVga ama Idaacadda Muqdisho oo iyadu u ban baxday guulwadayn, iyo in ay ammaan joogta ah iyo warar fiican oo aanay dawladdu lahayn aad uga hadasha.
Si kastaba ha ahaatee, waxa aan shaki ku jirin in aanay saxaafadda xorta ahi u hawl geli karin sida saxaafadda dawladdu maamushaa ay u hawl gasho. Sidoo kale aanay saxaafadda xorta ahi ahayn mid dhaqaale uga baahan dawladda ama aanay dawladduba awoodin in ay mishahar u qorto. Balse waxa la sheegayaa in saxafiyiinta qaar ay xaqal jeeb ka helaan xubno dawladda ah.
Kulankan uu ra’iisal wasaaruhu la yeeshay suxufiyiin ka hawl gala Muqdisho iyo nawaaxigeeda qaarkood, ayaa ah noocii ugu horreeyey ee Muqdisho ka dhaca, waxana ku weheliyey wasiirkiisa warfaafinta Mudane Mustafe Sh. Ali Dhuxulow.
Hadalladii Abdiweli waxa ka mid ahaa, “Ujeeddada aan idiin casuumay waa inaan is-baranno isla markaana wanaagno aragti ku saabsan marxaladda dalka iyo kaalinta warbaahintu ka qaadan karto xasilinta iyo dib u dhiska dalka,” .
Awdalpress.com




