Awdalpres(Garaawe) 17 Mars, 14–Taliyihii ciidamada Daraawiishta ee jiidda Galgala ee Puntland, Korneyl Jaamac Saciid Warsame (Af Guduud) ayaa caawa u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax gaarigiisa lala eegtay galabta,xilli uu ka ambabaxay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Wariyaha Bar-kulan ee gobolka Bari ayaa xaqiijiyay in taliyaha uu ku geeriyooday isbitaal ciidan oo ku yaalla magaalada Boosaaso, in kastoo mas’uuliyiin maamulka aanay wali ka warbixinnin dhimashada Korneyl Af-guduud.
Qarax ayaa galabta gaarigii uu watay taliyaha lagula eegtay tuulada Laag oo 30 kilo mitir koonfur ka jirta Boosaaso, iyadoo isla goobta uu ku geeriyooday darawalkii waday gaariga.
Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali ayaa dhowaan sheegay inuu maamulkiisu ku filan yahay inuu la dagaallamo Al-Shabaab, balse wuxuu sheegay inay u baahan yihiin taageero caalami ah.
RBK




