Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Madaxweyne Ahmed M Siilaanyo oo shacabka Somaliland u muujiyey in uu yahay hoggaamiye daacad u ah dadkiisa iyo dalkiisa.

$
0
0

siilaanyo1-620x330Awdalpress – Burco – Haddii aan ku hor marro  socdaalka Madaxweyne Siilaanyo uu maanta ku joogay Burco oo si weyn loogu soo dhaweeyey, ayaa ahaa mid aad u qiimo badan, aadna u farax geliyey shacabka iyo madaxweynahaba. Waxana uu shalay ku sugnaa gobollada Bariga. Ka horna waxa uu socdaalkiisa ka bilaabay gobollada Awdal ay hormoodka ka tahay ee galbeedka Somaliland.

 

Markii uu marayey gobollada galbeedka ee warkii socdaalkaasi laga soo daayey shaashadaha TVyada Somalida, ayaan arkayey dad masaakiin ah, oo baahan, laakiin u ducaynaya, iyaga oo ku dhawaaqaya, Ilaahay hannoo kaa daawyo, Noolow iyo ducooyin iyo salaan, waxana ay maalintii oo dhan taagnaayeen bacadka, iyaga oo u heellanaa soo dhaweyntiisa.

Socdaalkii maanta uu ku joogay Burco ayaad mooddaa in uu  socdaalladii kale oo dhan isku fuuqsaday, waxana uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo uu fagaaraha kala hadlay kumannaan shacab ah oo aragtidiisa iyo farriintiisa u qiiraysan.

Dhawaqiisa ugu horreeyey oo ahaa ALLAAHU AKBAR ALLAAHU AKBAR ayaa u dhan dhamaysey mid ka run ah, kaddibna Bisinka oo uu si fiican ugu dhawaaqay ayaa iigu muuqday in uu daacad yahay . Waxana uu qudbaddiisii kaga warramay sida ay uga go’an tahay in ay isaga iyo dawladdiisuba wax ugu qaban lahaayeen dadka iyo dalka.

Intii uu socdaallada ku marayey gobollada dalka ayuu gobol walba kaga farxiyey mashaariic uu dhagax dhigayey, hawsha noocaasi ah oo aan hore loo arag.

Dadka siyaasadda ka faallooda ayaa iyagu socodaalkan ku tilmaamay mid guul u soo hooyey sumcadda iyo sharafta Madaxweyne Ahmed Siilaanyo. Waxana ay aamminsan yihiin in aanay shaki ku jirin in mar labaad la dooran doono. Taasina waxa ay naxdin ku noqonaysaa xisbiyada mucaaridka ah ee u ordaya sidii ay kursiga dalka u sarreeya u soo fuuli lahaayeen.

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images