Awdalpress(Muqdisho) 31 May, 13–Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka ee dowladda federaalka ah ee Soomaaliya C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in sharciga maamul u sameynta degmooyinka iyo gobolada dalka uu hormuud u noqon doono xaqiijinta in degmooyinka dalka ay si sharci ah ku dhisan yihiin.
Wasiirka, oo maanta sharaxaad dheer ka bixiyey sharciyada dhowaan wasaaradiisa ay horgeysay golaha baarlamaanka, ayaa sheegay in ay jiraan degmooyin iyo gobollo lagu dhawaaqay wixii ka dambeeyey burburka dowladda uu hoggaaminayey Maxamed Siyaad Barre, wuxuuna sheegay in si dhammaan degmooyinkaas la magacaabay dib loogu laaban doono oo la waafajin doono sharciga maamul u sameynta degmooyinka iyo gobolada dalka.
C/kariim Xuseen Guuleed, ayaa sheegay in sharuudaha sameynta degmo cusub ay ka mid yihiin in goobta degmo noqoneyso oo ay raacsan yihiin ugu yaraan shan tuulo ay ku nool yihiin tiro ahaan dad kor u dhaafaya konton kun oo qof iyo in ugu yaraan degmada kale ay u jirto afartan Kiilo Mitir (kilometre) Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka wuxuu sidoo kale sheegay in gobolada cusub ee laga yaabo in ay ku soo biiraan gobolada hadda jira ay sidoo kale jiraan sharuudo adag oo horyaala. C/kariim Xuseen Guuleed, wuxuu sheegay in sharcigaan iyo laba sharci oo kale oo uu ku jiro sharciga la dagaalanka argagixisada ay horyaalaan golaha baarlamaanka oo laga sugayo in ay anisixiyaan ama ay wax ku daraan, markaasna uu sharci jira oo rasmi ah noqon doono. Halkan ka Dhageyso wasiirka RBK




