Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ciidammada Dowladda Somalia iyo AMISOM oo la Wareegay Degmada Ceelbuur

$
0
0

Awdalpress – Muqdisho - Ciidammada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Itoobiya ayaa kala wareegay Al-shabaab degmada Ceelbuur ee Gobolka Galguduud, kaddib dagaallo culus oo ka dhacay duleedka degmadaas oo 100-km dhinaca koonfurta kaga beegan degmada Dhuuso-maeeb ee xarunta gobolka.

 

Dagaal culus oo ka dhacay duleedka degmada Ceelbuur ayaa waxaa ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa ka socda dalka Itoobiya ee AMISOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmada Ceelbuur.

 

Sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo ku sugan degmada Ceelbuur ayaa sheegay in degmadu ay haatan deggen tahay ayna iyagu gacanta ku hayaan, balse ay ka barakaceen dadkii ku sugnaa oo dhan.

 

“Xaalada degmadu waa mid wanaagsan, waxaana gudaha u galnay saacadu markay ahayd 1:30 duhurnimo, xoogagii Al-shabaab ee ku sugnaana way isaga baxeen,” ayuu sarkaalkan sheegay, isagoo intaas ku daray in ciidamadoodu ay horay u sii socon doonaan.

 

magaalada Ceelbuur ayaa noqonaysaa degmadii tobanaad oo laga qabsado Al-shabaab, iyadoo Al-shabaab aysan weli ka hadlin la wareegida degmada Ceelbuur oo ka mid ahayd degmooyinka uguugu ee gacantooda ku jira.

 

Maalmihii lasoo dhaafay waxay ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM ay howlgalo ka wadeen deegaannada u dhexeeya degmooyinka Ceelbuur iyo Dhuuso-mareeb, iyadoo ay horay u diidday Ahlusunna inay dagaalladan ka qayb-qaadato.

 

Ceelbuur ayaa waxay ka mid tahay degmooyinka Al-shabaab ay ka talinaysay ee ku yaalla gobolka Galguduud ee bartamaha Soomaaliya, waxaana ay noqonaysaa tii ugu horreysay degmooyinka gobolka Galguduud oo ay Al-shabaab ka qabsadaan.

 

Weli lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkii maanta dhexmaray ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga Al-shabaab, iyadoo weli ay Al-shabaab ka talinayso degmooyin kale oo ku yaala gobolkaas.

HOL

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images