Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Maxaa ka jira in dalka Ingiriisku Ictiraafayo Somaliland? Daawo Video-ga hoose

$
0
0

Breaking_NewsAwdalpress – London – Warar hoose oo ay shabakadda Awdalpress.com ka heshay siyaasiyiin ku jira golayaasha baarlamanka dalka Ingiriiska ayaa u xaqiijiyey in ay dhawaan dood ka yeelan doonaan ictiraaf dawladnimo oo ay gaadho Somaliland. Mar aan wax ka weydiinnay xildhibaan aannaan magaciisa sheegayn oo ka mid ah kuwa ugu awoodda badan xisbiga talada hayaana waxa uu noo sheegay in MPyada Councilo badani ay mooshinkaa soo hor dhigeen golayaasha degaannada magaalooyinka qaar sida Shaffield iyo kuwo kale oo London ah. Immigana lagu wado in Baarlamanka iyo Guriga odayadu ay ka doodi doonaan.

Si kastaba ha ahaatee, waxa maalmahanba la hadal hayey in dooddii ugu horreysey ee Ictiraafka Somaliland ay ka dhici doonto magaalada Shaffield, waxana arrintaa u yimid dalka Ingiriiska, wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga caalamiga ah Dr. Mohamed Biihi Yonis oo dhawaanahan booqasho ku joogay dalka Australia. Waxa kale oo dooddaa ka qayb galkeeda u diyaar ah guddoomiyaha xisbiga Wadani isla markaana ah guddoomiyaha Baarlamanka Somaliland Mudane Cirro.

Haddaba waxa maanta ka warramay arrintan wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah, oo lagu waraystay maddaarka Heathrow:

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images