Awdalpress – Brussels – Boqolaal ka tirsan jaaliyadda Jabuuti ee ku nool Qaaradda Yurub ayaa muddaharaad ay kaga soo horjeedaan madaxweyne Ismail Omer Gelle waxa ay maalintii Arbacadii ee ay taariikhdu ahayd 02/04/2014, ka hor dhigeen afaafka hore ee dhismaha baarlamaanka Midowga Yurub ay ku leeyihiin magaalada Brussels ee dalka Belgium oo xarun u ah, waxana ay dibadbaxayaashu ay wateen boodhoodh ay ku masawiran yihiin xubno mucaarad ah oo ay dalbanayeen in la sii daayo isla markaana ay ku qoran yihiin hal ku dhagyo lagaga soo horjeedo xukunka Mudane Gelle.


“Dibadbaxa waa mid si wanaagsan u dhacay, waxayna dadkan halkaan isugu yimid ee dibadbaxa ka qaybgalayay muujinayeen dareenkooda ku aaddan sida aysan ugu qanacsanayn maamulka ka jira Jabuuti,” Sidaa waxa yidhi C/raxmaan Boorre oo ka mid ah ganacsatada sida weyn looga yaqaan dalka oo dibadbaxa ka qaybgalay.

Sidoo kale, Boorre wuxuu sheegay in dibadbbaxan ay ka qaybgaleen xisbiyo badan oo mucaaradka Jabuuti ka tirsan kuwaasi oo ku mideysan isbahaysiga SNA, isaga oo ku daray hadalkiisa in tani ay meesha ka saarayso hadallo ay faafin jirtay dowladda Jabuuti oo ahaa in mucaaradku ay dhexdooda is-haystaan.
Awdalpress.com





