Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Ictiraafka Somaliland ay caalamka ka doonayso ma reer keliya ayaa keeni kara?

$
0
0

publicopinion2Awdalpress – London – Maalintii Arbacadii ee ay taariikhdu ahayd 02/04/2014,  waxa xildhibaannada magaalada Sheffield u codeeyeen in Somaliland ay noqoto dal ka madax bannaan Somalia, oo mudan in caalamku ictiraafaan. Waxana si mug leh isku abaabulay dad reer Somaliland ah oo aad u tiro badan, laakiinse 99% ahaa jaaliyadaha beesha dhexe ee Ingiriiska waddammo kale. Dadkaa oo  isaga kala yimid gobollada dalka Ingiriiska iyo dalalka Jaarka la ah, ayaa si qurux badan shucuurtooda ugu hor muujinayey daarka uu vote ku ka dhacayo ee xarunta u ah dawladda hoose ee Sheffield. Shacabkaa u bannaan baxayey in Somaliland ay dawladda hoose ee Sheffield ictiraafto, ayaa watay calanka Somaliland iyo boodhadh ay ku qoran yihiin halku dhagyo muujinaya ujeeddadooda.

 

 

Wasiirka Arrimaha Dibadda u qaabilsan Maamulka Somaliland Mudane Mohamed Bihi Yonis iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan Somaliland ayaa iyaguna xaadir ku ahaa meesha uu kulanku ka dhacayey. Warfidgaasi oo qoraallo u gudbiyey dawladda Sheffield ayaa si weyn ugu mahad celiyey sida ay xildhibaannada degaanka Sheffield uga go’an tahay in hiil iyo hooba la garab istaagaan Somaliland iyo gooni isu taaggooda.

 

Laakiin dhinaca kale waxa ay siyaasiyiin reer Somaliland ahi wax iska weydiiyeen culayska siyaasadeed ee ay arrinta Sheffield ku yeelan karto qaddiyadda gooni isu taagga Somaliland. Taasi oo ay siyaasiyiintu aad ugu kala geddisanaayeen, oo ay qaar u arkaan tallaabo cusub oo qorxinaysa siyaasadda dibadda ee Somaliland, halka ay qaar kale u arkaan in ay tahay arrin aad u hoosaysa oo aan waxba ka tari karin ictiraaf ay Somaliland ka hesho beesha caalamka. Maamulka Somalilandna uu ku jahawareerinayo shacabka.

 

 

Si kastaba ha ahaatee, waxa iyaguna ka faallooday dad badan oo aad u isticmaala facebook, kuwaasi oo iftiimiyey sida ay weli  beelaha Somaliland u kala qaybsan yihiin, sawirka muujinaya kala qaybsanaantaasina waxa ay markhaati u soo qaateen, sida beesha dhexe ee Somaliland uni ugu heellan tahay keligeed in ay ictiraafka u halgamaan, halka beelaha darifyada ee qurba joogga Ingiriiska iyo guud ahaanba waddammad reer galbeedku ay ula muuqato in aan la gaadhin wakhtigii ay Somaliland noqon lahayd Qaran. Sababtana ay u aanaynayaan habka ay dawladda, golayaasha iyo maamulka Somaliland uu u dhigan yahay. Ee aan caddaaladda ahayn.

 

 

Maamullada Jaaliyadaha Somaliland ee dalka Ingiriiska iyo dalal kale oo Yurub ah ee muraayadda u ah wada jirka qurbajoogga beelaha Somaliland ka soo wada jeeda, ayaan loo dhammayn, waxana ka maqan dadka ka soo jeeda beelaha darifyada sida Awdal iyo Soon. Sidoo kale waxa TVga qaranka Somaliland oo isna ah hay’ad muhiim ah in loo siman yahay aanay haba yaraatee  shaqo ku lahayn dadka gobollada darifyada Somaliland,  halka maamulka TVga iyo shaqaalihiisuba ay isugu biyo shubtay uun beesha dhexe.

 

 

Haddaba dad badan oo ka soo jeeda beelaha darifyada oo aan wax ka weydiinnay sida arrinta Sheffield ula muuqato iyo ictiraafka Somaliland in ay soo dhaweynayaan iyo in kale.  Ayaa shakhsiyaadka aan waraysannay oo ka gaabsaday in aan magacyadooda shabakadda ku soo nashriyo noo sheegeen, in ay aad uga soo horjeedaan xilligan in Somaliland caalamku aqoonsado. Waxana ay noo sheegeen, in aanay marnaba maamulka Somaliland iyo siyaasadda Somaliland ku taageerayn in reer keli ahi uu isa siiyo amma uu wax walba xaabsado. Xubno kale oo sheegtay in ay Somaliweyn yihiin balse dhalasho ahaan ka soo jeeda Awdal iyo Sool ayaa iyana fikirkooda ku tibaaxay in Somaliland ay ka mid tahay maamul goboleedyada Somaliland, Sool iyo Awdalla ay wakhti dhaw noqon doonaan maamullo la siman.

 

 

Kala fikir duwanaanshaha beelaha wada dega Somaliland ee qurba joogta ayaa wakhtigan aad u sii xoogaysanaya, waxana meesha ka maqan is dhex gal iyo dood wadaag la is fahmo, sidoo kale waxa cad in ay xukuummadda Somaliland soo kala dhaweysato reeraha wada dega Somaliland ee ay maamulka u sheeganayso. Gaar ahaan wasaaradda arrimaha dibadda, oo iyadu dhayalsanaysa in ay shacabka qurba joogta ah ee weliba beelaha darifyada waajahdo oo ay wada shaqayn la yeelato. Balse aan xidhiidh la lahayn.

 

 

Su’aasha meesha taallaana waxa ay noqonaysaa, haddii aanay shacabkii Somaliland  wada socon amma ay soo kala horjeedaan, maxay ka tari kartaa halganka gooni isu taagga Somaliland? Sidani ay wax u socdaanse ictiraaf ma ku heli kartaa?

 

Dunida horumartay ee ay Somaliland ictiraafka ka doonaysa waxa u caado ah in ay warqad kasta oo ay u soo qoraan mujtamac maamul sheeganaya amma maamulkaa diiddani ay fiiro gaar siiyaan, dawladaha reer Galbeedka ahna waxa u soo qaxay dad aad u badan, oo tiro ahaan aan reer kasta oo Somaliyeed la dhayalsan karin, dadkaasi oo muwaaddiyiin cashuur bixiyayaala ah, waxa u furan albaabada dawladaha reer galbeedka. Sidaasi daraaddeed, haddii ay arrintu  Somaliland mid ku sifowda in reer iska leeyahay ama dhalliilo caddaalad darri ah lagu sheego, waxa imanaysa in codsigooda laga fiirsado amma loo qaato in ay dadka Somaliland sheegtaa ay yihiin reer kaliya, in ay la macaamilaanna ay gaf ku tahay reerihii kale.

 

 

Isku soo wada duuboo, waxa aan la dafiri karayn in maamulka Somaliland aanu ahayn mid ummadda uu sheeganayo wada raalli geliya, loona baahan yahay in muddakarka beeluhu si run ah isaga arkaan, sixitaanka wada noolaanshaha iyo siyaasadaha iska soo horjeeda ee cawaaqibka xun keeni kara.

 

Awdalpress.com

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images