Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Somaliland: Where Customary and Statutory Laws Collide Head On By Jaafar M Sh Jama

$
0
0

Three hundred camels, some nursing bellowing calves, snorted and grunted along the way to Ceel Dhaab, a village in the Sarar region of Somaliland. The wooden bells hanging from their necks jangled noisily as a man drove them to lot where elders and arbitrators waited on an open tarpaulin. They took a head count of the camels, and were also handed two girls and a wad of U.S. dollars.
The exchange of camels, money and women was a blood compensation transaction for the purpose of ending a long-standing feud between Cali Barre and Reer Barre—a feud that had caused the loss of countless lives, including the assassination of the police commander of Caynabo town’s main prison in 2013. The elders with the Minister of Interior, Cali Maxamed (Waran Cadde), ruled in favor of Cali Barre. They were to receive the price of 314 camels, the value of 65 camels in cash, with the value of the remaining amount to be paid with live camels and two girls. The primary purpose of the two girls’ marriage to Cali Barre men was to solidify kinship bonds and limit future feuds (Godob Reeb). The Minister was to release prisoners of the tribe unconditionally.
The settlement points out how statutory laws are unable to replace the customary laws so deeply rooted in Somali society. In the Habar Jeclo lineage case, the Minister was a mediator of customary law rather than a government official enforcing statutory law. The police officer killed was treated as the citizen of the tribe rather than the citizen of a state. Both the state and the assassin’s tribe were liable for his murder based on customary law. The state was treated as a tribe and forced to pay blood compensation.
Tribal elders indicted the state and law enforcement officials who murdered their tribesmen while enforcing court orders. The elders act as had hoc judges and police. Nothing is accomplished without their involvement and consent. Suldan Saleban Cali Ismail said, “We are not in the ‘book’ and our role is not delineated in the statutory laws. We don’t know where we stand.” The Penal code doesn’t encompass customary law, though it is widely practiced in Somaliland.
The Minister emphasized that customary law and the elders are obstacles to enforcing statutory law. The state wants and expects the support of the elders in the arrest of a perpetrator who kills police or army personnel. He explained that criminals seek the protection of their elders and chiefs. Suldan Ibrahim Jamac Samatar said, “Tribal elders have always been peacemakers, resolving disputes when there was no state, no politicians nor any law enforcement provided by the state. Criminals, members of parliament and cabinet members all seek the backing of the elders when they are in crisis or seeking office. Tribal elders have always been there to help them.”
The elders are leery of backing statutory law because they consider their tribesmen as citizens of the tribe rather than citizens of the state. The elders have carte blanche authority to override court rulings of the Somaliland government unless they find the state to be in agreement with their verdict. Once tribes see that people from a particular tribe have become dominant in the judiciary, elders from other tribes ignore the verdict reached by judges. In the Ceel Dhaab case there were no court hearings or physical appearance of the parties involved in court. The Minister of Interior was summoned and the state had to step aside. The matter was resolved by direct negotiations between tribes. The Minister had to be there symbolically. He was not allowed to interfere with the resolution reached by customary law. The Minister openly stated, “I have over a thousand cases that are waiting to be resolved. Tribes are pressuring me on a daily basis to rule cases in their favor; otherwise they have threatened to take up arms.”
jaafarjama@hotmail.com

The post Somaliland: Where Customary and Statutory Laws Collide Head On By Jaafar M Sh Jama appeared first on Awdalpress.com.


Dawlada Kenya oo gudbisay cadaymo ku saabsan dacwada Badda Somalia

$
0
0

imageAwdalpress(Nayrobi)23 Oct. 2015-Dowlada Kenya ayaa Guddiga Xadaynta Qalfoofka Badda ee QM u gudbisay caddymo la xariira muranka xuduudda dhinaca badda ee kala dhexeeya Soomaaliya.

Wargeyska Daily Nation ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa warbixin uu daabacay ku sheegay in caddeymahan oo uu xeer ilaaliyaha qaranka Kenya Githu Muigai u gudbiyey guddigan fadhigiisu yahay magaalada New York, ay yihiin xog la ururiyey toddbadii sano ee tagtay.

Dowladda Kenya waxa ay dooneysaa in xadka badda uu ahaado sida ay ayada u dooneyso oo ah in calaamadda xadka loo soo qalloociyo dhinaca Soomaaliya, halka Soomaaliya ay ku doodeyso in caalamadda xadka ee dhulka iyo tan badda ay isla socdaan.

Kenya waxa ay horey u sheegtay inaysan sax ahayn dacwadda ay Soomaaliya u gubisay maxakamadda fadhigeedu yahay magaalada Hague ee dalka Holland, waxayna dooneysaa in arrintan lagu dhammeeyo si ka baxsan maxkamadda.

VOA

The post Dawlada Kenya oo gudbisay cadaymo ku saabsan dacwada Badda Somalia appeared first on Awdalpress.com.

Xayiraadii hubka Soomaaliya oo la kordhiyay

$
0
0

Golaha Amaanka ee QM ayaa kordhiyey xayiraadda hubka ee saaran Soomaaliya ilaa iyo November 2016. Qaraarka ayaa waxaa u codeeyey 14 dal, halka Venezuela ay ka aamustay. Goluhu wuxuu kaloo kordhiyey hawsha kooxda QM u qaabilsan la socodka arrimaha Somalia iyo Eritrea ilaa iyo 15 December 2016. Golaha amaanka ayaa walaac ka muujiyey wararka sheegaya, musuqmaasuq, lunsashada hantida qaranka iyo wax is daba marinta xagga lacagaha ee ay ku lug leeyihiin xubno ka tirsan maamullada xukuumadda Federaalka iyo baarlamaanka federaalka. Golaha Amaanka waxa uu hoosta ka xarriiqay in shaqsiyaadka faraha kula jira falalka khatarta ku ah amaanka iyo hanaanka dib u heshiisiinta ay suurtogal tahay in ay xannibaado la kulmaan. Ku xigeenka madaxa ergada Soomaaliya u fadhida QM Cawaale Cali Kulane ayaa sheegay in eedaymaha ku qoran warbixinta ay dawladda Soomaaliya ku raacsanayn.
UN
Shabakada Awdalpress.com

The post Xayiraadii hubka Soomaaliya oo la kordhiyay appeared first on Awdalpress.com.

Wasiirka Beeraha Oo Kashifay In Aamina-weris Si Qarsoodi Ah Ula Shaqaynayso Muuse Biixi Oo Aanay Dhex U Ahayn Murashaxiinta Shirka Kulmiye Ku Tartamaya

$
0
0

Wax Dhexdhexaad la Yidhaahdaa Ma Jiree, Garabka Muuse Ayay Marwadda Iyo Qoyskeeduba Nala Socdaan
Finland(Awdalpress)-Wasiirka beeraha Somaliland Md Maxamed Aw Daahir ayaa kashifay heshiis iyo wada shaqayn qarsoodi ah oo ka dhexeeya Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina-Weris Sheekh Maxamed iyo garabka Xisbiga Kulmiye ee taageersan Murashaxnimada Muuse Biixi Cabdi, oo ka mid ah siyaasiyiinta u taagan tartanka murashaxnimada Madaxweynaha Xisbiga Kulmiye oo lagu dooran doono kalfadhiga Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee la qaban doono 10-ka bisha November ee 2015-ka.
Wasiirku waxa uu sidaa ka sheegay kulan uu shalay magaalada Hargeysa kula yeeshay xubno ka tirsan Xildhibaanada Golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye oo ka soo jeeda Gobolka Gabiley, kuwaas oo uu ku xod xodanayey inay ku soo biiraan garabkooda oo uu sheegay inay taageero ka haystaan xukuumadda iyo qoyska Madaxweynahaba gaar ahaan marwada Madaxweynaha Aamina-Weris Sheekh Maxamed Jirde, sidaas aawadeedna aanay suurto gal ahayn in murashaxooda laga guulaysto.
Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa kale oo uu waxba kama jiraan ku tilmaamay in Madaxweynaha iyo Qoyskiisu dhex dhexaad u yihiin murashaxiinta ku tartamaya shirka Golaha dhexe ee xisbul xaakimka Kulmiye, waxaanu ku dooday in hadalka ku saabsan in Xisbiga Kulmiye si cadaalad ah loogu tartamayo iyo in Madaxweynaha iyo Marwadiisu dhex u yihiin raga ku tartamaya Xisbiga Kulmiye uu yahay hadal siyaasadeed oo aanay waxba ka jirin, balse xaqiiqadu tahay in Marwada Madaxweynuhu dhinacooda la socoto oo ay Muuse Biixi dhisayso. Isaga oo arintaas xaqiijinayana Wasiir Maxamed Aw Daahir waxa hadalkiisii ka mid ahaa uu yidhi “Haddii aad arrintaas cadaynteeda I weydiiseen waxaan idiin sheegayaa oo aan been ahayn maalintii dhoweyd ee Madaxweynaha iyo weftigii la socdey u ambabaxayeen Ireland iyo Ingiriiska habeenkii ka horeeyey waxaa Madaxweynaha la balansanaa niman reer Nuux Ismaaciil ah oo uu soo abaabulay ninkan Wasiirka Khaarajiga ah ee dhowaan magaca cusub loo bixiyey….. Maxuu ahaa magacii ? Habeenkaas laftiisa ayaaba magaca loo bixiyaye.. Haa Jug soo dhacay buu ahaaye, ayaa waxa maalintaas ay caawa oo kale nimankaasi Madaxweynaha la kulmayeen ayaa gelinkii dambe iyada oo aanu aniga iyo Shucayb Wasiirka Wershadahu joogno Geed Balaadh oo aanu Riiggii la qodayey arrintiisa u tagnay ila soo hadashay Aamina-weris Marwada Madaxweynaha, waxaanay igu tidhi caawa waxaa Madaxweynaha la balansan odayaal Sacad Muuse ah oo uu Maxamed Biixi wato, arrinta ay ka hadlayaana waa arrintii shirka Kulmiye iyo murashaxnimada Maxamed Biixi oo ay leeyihiin Muuse ma taageeri kartid, markaa Wasiirradiinii Sacad Muuse ee Muuse Biixi taageersanaa waa inaad kulankaas goob ka noqotaan, oo odayada Madaxweynaha loo keenayona ogaataan oo qaar idinka idin taageersan ku soo darsataan. Markaa u sheeg arrintaas Wasiirrada kale ee Shucayb iyo Muuse Qaasimba, Samsam-na anigaa u sheegi doona, dabadeedna aniga iyo Shucayb-ba halkii baanu ka soo cararnay.
Waxa kale oo ay la hadashay Muuse Biixi iyo qolyihii kale ee halkan joogay oo ay ku tidhi fadhiga ka kaca oo idinkuna isa soo abaabula oo markay nimankaasi Madaxweynaha u yimaadaan idinkuna u kaalaya oo idinba Sacad Muuse ayaad tihiine u sheega Madaxweynaha inaydaan la qabin waxa nimankaasi wataan. Wixii halkaas ka dhacayna waatii aad maqasheen ee aniga iyo Shucayb aanu kaxaynay qoladii dhinacayaga, ee weliba aanu annagu Madaxweynaha ka hor aragnay qoladii kale ee balantoodu naga horeysay, taasi miyaanay cadayn idiinku filayn in Marwadu annaga nala socoto oo wax dhex dhexaad la yidhaahdaa aanu jirin.”
Wasiirka Beeruhu isagoo arrintaasi u sii jilcinayay Xildhibaanadda waxa uu yidhi “Haddii aad u baahan tihiina boqolaal cadaymood oo kale ayaanu idiin haynaa waa haddii aad intaas ku qanci weydaan. Markaa adeer been idiinma sheegayno’e na rumaysta oo waxaanu diidanahay inaad cidla ku dhacdaane na raaca oo hadaad cid taageeraysaan ninka wax haysta ee dawladu wadato taageera intaad mid Garanwaa ah oo cirka ka soo dhacay iyo Mid aan waxba haysan oo Jug-soo dhacay ahi idin kaxaysan lahaa. Hadaad u baahantihiina Marwada waanu idiin geyn oo indhihiina ayaad ku soo arki doontaan inay dhex tahay iyo in kale, Madaxweynuhuna waa la mid oo way is ogyihiin isaga iyo Marwadu ileyn naagina waxaanu ninkeedu ogolayn ma samayso’e.”
Wasiirku waxa kale oo uu xusay in qoddobka labaad ee daliilka u ah in Marwadu la socota garabkoodu yahay arrintii maalintii dhoweyd dhacday ee Ciidamada RRU-du murashaxiinta Muuse Biixi la tartamaya kaga horjoogsadeen shirkii ay ku qabsan lahaayeen Hotel Maansoor, kaasoo uu sheegay inay Marwadu ku soo amartay taliyaha Booliska iyo Wasiirka daakhiliga inaanu shirkaasi qabsoomin oo laga horjoogsado inay Huteeladda wax shirar ah ku qabsadaan.
wasiirka Beerahu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa kale oo uu intaas raaciyey in dhammaanba amar la siin doono Wasiirrada iyo raga kale ee xukuumadda u shaqeeya ee Muuse Biixi ka soo horjeeda, midkastana lagu odhan doono raaca Muuse Biixi, kii hadal ka keenana xilka laga qaadi doono, waxaanu intaas ku daray in haatanba qaar Wasiirradaas ka mid ah uu Telefoonka kula soo hadlay wiilka uu Madaxweynuhu sodoga u yahay ee lagu magacaabo Baashe, isla mar ahaantaana uu amar ku siiyey inay ka hadhaan qolyaha kale ee ay la socdaan, kuna biiraan garabka Muuse Biixi.
Hadalkan ka soo yeedhay Wasiirka Beeraha Somaliland Dr Maxamed Aw Daahir ayaa hadii rumoobo noqonaya mid fadeexad iyo ceeb weyn ku ah Madaxweyne Siilaanyo oo isagu si toos ah ummada ugu cadeeyey inuu Xisbiga Kulmiye yahay xisbi dimuquraadi ah, shirka golahiisa dhexena loogu tartami doono si cadaalad ah oo loo siman yahay, isaguna uu dhex u yahay Murashaxiinta ku tartamaya golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye.
Wasiirka-Beeraha
Shabakada Awdalpress.com

The post Wasiirka Beeraha Oo Kashifay In Aamina-weris Si Qarsoodi Ah Ula Shaqaynayso Muuse Biixi Oo Aanay Dhex U Ahayn Murashaxiinta Shirka Kulmiye Ku Tartamaya appeared first on Awdalpress.com.

Hay’adda Sirdoonka Oo Soo Ban Dhigtay Wiil ka Tirsan Kuwa Dadka Qarijiya Video

$
0
0

Hay’ada Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa maanta magaaladda Muqdisho ku soo bandhigay wiil dhalinyara ah oo la sheegay in uu katirsan kooxaha wax qaarijiya ee Ururka Al Shabaab.
Wiilkan ayaa la soo qabtay isaga oo fulin raba dil qaarijin ah, markii lagu amrayna inuu gacmaha kor u taago bilaabay inuu dagaalamo.
Ciidanka Sirdoonka ayaa toogtay wiilkani kadib markii uu billabay in uu xabadeeyo ciidanka, oo uu bistoolad lasoo baxay

mm-300x155
Shabakada Awdalpress.com

The post Hay’adda Sirdoonka Oo Soo Ban Dhigtay Wiil ka Tirsan Kuwa Dadka Qarijiya Video appeared first on Awdalpress.com.

Daawo Muuqaalo Lahelay Taariikhda Madow Ee Xaglatoosiye Iyo Inta Meelood Ee Uu Iska Sharaxay Ka Shifaad (VIDEO)

$
0
0

Taariikhdu waa giraan wareegaysa, aadamuhuna wuxuu maalinba ka galaa meel, in wax tegay la xasuusto ceeb maaha, in wax dhacay oo dhab ah, la sheegaana dhib maaha, in dhirta iyo bani’aadamku isbedelaana waa shay nolosha aan qariib ku ahayn, meel ka dhaca iyo deelqaafkuna milgaha uma fiicnaa, si hufan baynu u guud mari sooyaal la soo dhaafay
Hadaba aniga oo umuurahaasi ka duulaya waxaan jeclaystey in aan hortiina keeno Dr Saleebaan Ciiise Axmed Kaar Xaglotoosiye, inta siyaabood ee marba doc u xuubsiibtay, kolay sababaha keenayna inaguna wax waynu ka odhan karnaa isna runta wuu ka sheegi karaa. Muuqaaladan ayaan inoo soo xidhiidhiyey aniga oo ka duulaya siday u kala horeeyeen, idinkana waxaan idiin dhaafaya faallada iyo falanqaha isbedeladan siyaasadeed ee Dr Xaglotoosiye, mana fiicna in aflagaado shakhsiyadeed lala yimaado, balse kor ka xaadis waa furan yahaye, aan idin kala baxo.
n


Shabakada Awdalpress.com

The post Daawo Muuqaalo Lahelay Taariikhda Madow Ee Xaglatoosiye Iyo Inta Meelood Ee Uu Iska Sharaxay Ka Shifaad (VIDEO) appeared first on Awdalpress.com.

Daawo:-Qiso Naxdin Badan Oo Hargeysa Kadhacday Taksiile Kufsaday Gabdh 16 Jir Ah

$
0
0

kufsi-150x150

Fadumo waa gabar 16 sano jir ah, waxay taagan tahay dariishada xafiis NGO oo ku yaal Hargeysa, waxay ka fikireysaa markii la kufsaday labo bilood kadib markii ay kasoo laabaday arooska saaxiibteed.
Waa arin murugo iyo dareen gelinaya qof kasta oo fiirsada muuqaalkaan oo hay’adda Unicef ka diyaarisay Fadumo oo guurkii ay ku balansanaayeen lamaanaheeda ku weyday xadgudubka jinsiyadeed ee lagula kacay.

Waxay celin weyday ilin kasoo daadatay indhaheeda, markii ay bilowday in ay ka sheekeyso qisadii xanuunka badneyd ee xadgudubka jinsi uu kula kacay nin taksiile ah oo ay kireysatay gaarigiisa, xili ay kusoo socotay gurigooda, wuxuuna ku leexiyay meel cidlo ah, dabeeedna ku amray in ay la sameyso galmood qasab ah.

Waxaan isku dayay inaan ku ordo guri meesha ka dhawaa, laakiin wuu iga soo daba orday, wuuna iga itaal roonaaday ul ayuuna igu dhuftay, kadibna halkaasi ayuu igu kufsaday” ayey tiri Fadumo oo ilmada ay ka qubanayaan

Arintan ugu dhibka badan ayaa ah, Fadumo waxay isu diyaarineysay guurka saaxiibkeed oo qaban qaabadiisa socday, laakiin rajadii guurka uu halkaasi ku dhamaaday.

Hadda Fadumo waxay ka tirsan tahay dadka kaalmada ka hela xarunta daryeelka dumarka la faquuqo ama kufsi jinsi lagula kaco, halkaasoo ay taageero ka hesho Baahi Koop Group.

Soomaaliya, ayaa waxay kaalimaha hore kaga jirtaa dalalka xadgudubyada jinsi iyo dhibaateynta dumarka. Warbixin dhawaan ay soo diyaariyeen ururada u dooda xquuqda dumarka ee ka dhisan Hargeysa ayaa qeexday n bishiiba la qabto 25 dumar ah oo kusfi loo geysto.

Xarunta Baahi-Koob Hargeysa waxay bixisaa adeegyo kala duwan oo loogu talagalay dadka ka badbaada rabshadaha jinsiga ku dhisan (GBV) sida kufsiga. waxayna bishiiba qaabishaa 25 dumar ah oo qaarkood la dhaafsiiyay gabarnimoadoda ama bigranimadooda. Sidoo kale, dumarka la kufsada ayaa waxaa la siiyaa dawooyin ay ku jiraan kuwa cudurka dilaaga ah ee HIV/AIDS.

Shabakada Awdalpress.com

The post Daawo:-Qiso Naxdin Badan Oo Hargeysa Kadhacday Taksiile Kufsaday Gabdh 16 Jir Ah appeared first on Awdalpress.com.

Gudoomiyaha gobolka oo dhagaxdhigay xarunta wasaarada macdanta ee Awdal iyo digniin uu udiray qolyaha D/hoose ee dhulka dawlada sharciyada u samaysta


War Degdeg ah: Gaadhi Hub Sida Iyo Ciidammo Boliis Oo Isku Hor-fadhiya Waddada Buuraleyda Waqooyiga

$
0
0

hubka

Awdalpress: Hubkan oo ilaa hadda aan la xaqiijin tiradiisa iyo noocyadiisa iyo cidda uu gacanta ugu jiro toonna ayaa wararka hordhaca ahi sheegayaan inuu saaran yahay gaadhi nooca Iskarogada loo yaqaanno kaddibna ciidanka boliiska oo ka war helay iyo baabuurkan hubka sida ay goor xalayto ahayd ku kulmeen buurta ay marto waddada Tabca ee waqooyiga magaalada Ceerigaabo halkaasoo sida wararku sheegayaan ciidanka boliiska iyo ciddii wadatey baabuurkaas ay dhexmartay is rasaasayn taasoo la sheegayo in aanay jirin wax khasaare rasaastaas kasoo gaadhey labada dhinac midkoodna. Waxana wararku intaas kusii darayaan in baabuurkii hubka sidey dib ugu laabtay waddadii uu soo maray welina uu ku dhex jiro buuraleydaas halka ciidanka boliiskana la sheegayo inay ka ag dhow yihiin Wararka dheeraadka ah ee aannu arrintan ka helayno balse aan weli sugnayn qaarkood ayaa sheegaya in hubkani oo u badan rasaasta qorayaha fudud AK.47 uu yahay mid laga keensaday dhinaca Yemen oo kazoo degey xeebaha waqooyiga Ceerigaabo Halka qaar kalena sheegayaan in laga keensaday dhinaca magaalada Boossaaso (Puntland) oo uu kazoo wareegey dhinaca isla xeebahaas. Dhinaca kale Kusimaha badhasaabka G/Sanaag iyo Taliyayaasha Ciidammada Boliiska iyo Ilaalada Xeebaha oo goor dambe oo xalayto ah aannu isku daynay si aannu arrintan wax uga weydiinno ayaanay noo suurta gelin kaddib telefoonnadooda oo isugu jirey kuwo aan la heli karin iyo qaarkood oo xidhnaa waqtigaas iyo qayb la qaban waayey awgeed
Shabakada Awdalpress.com

The post War Degdeg ah: Gaadhi Hub Sida Iyo Ciidammo Boliis Oo Isku Hor-fadhiya Waddada Buuraleyda Waqooyiga appeared first on Awdalpress.com.

Aabo Soomaaliyeed oo lagu hor dilay carruurtiisa & Xaaskiisa (Warbixin)

$
0
0

aabe-150x150
Aabo Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Shuceyb Abuubakar ayaa lagu hor dilay Caruurtiisa iyo Xaaskiisa, xili ay kasoo baxeen Maqaaxi ku taal magaalada Columbus ee dalka Maraykanka, waxaa la sheegay inuu kusoo dhawaaday nin ku hubeysan Qori fudud, islamarkaasina uu rasaas ku bilaabay iyadoo ay daawanayaan cauurtii uu dhalay iyo xaaskiisa.

Allaha u Naxariistee Shuceyb Abuubakar oo da’diisa lagu sheegay 40-jir, oo dhaawac ahaan loo qaaday ayaa isbitaalka OhioHealth Riverside Methodist ku dhintay.

Dilka ayaa dhacay saacadu markeey ahayd abaaro 6:30 maalintii Jimciha, waxaana Shuceyb iyo qosykiisa ay kasoo baxeen Maqaaxi ay markaas kasoo quraacdeen, waxayna sugayeen Gaarigii qaadi lahaa inta uusan dilka dhicin.

Sarkaal u hadlay Booliska Ohio oo lagu magacaabo Holzhauser, ayaa sheegay ineeysan garaneyn sababta dilka uu ugu geystay iyo inuu rabay inuu dhaco, wuxuna xusay in caruurta ay daawanayeen marka aabahood la dilayay kan ugu weyn da’diisa lagu qiyaasay 9 ilaa 10 sano jir.

Ugu danbayntii Ninka dilka u geystay Shuceyb ayaa la tilmaamay inuu ahaa nin Madoow oo aad u dheer, islamarkaasina xirnaa dhar gaduudan, Booliska ayaa hada baadigoob ugu jira sidii ay gacanta ugu soo dhigi lahaayeen.
sh1
Shabakada Awdalpress.com

The post Aabo Soomaaliyeed oo lagu hor dilay carruurtiisa & Xaaskiisa (Warbixin) appeared first on Awdalpress.com.

DAAWO:Jimciyatu Bil Khayr Ee Dalka Swizerland 0o Lacag dhan $4350 Soo Gaadhsiiyay Gudida dhismaha Masjidka Sheekh Nuur

M/weynaha Switzerland oo booqatay Xeryaha qoxootiga Awbarre iyo M/weynaha DDSI oo ku soo dhaweeyay Garoonka Jigjiga

$
0
0

swiss3Awdalpress(Jigjiga) 25 Oct, 2015–Madaxwaynaha DDSI mudane Cabdi Maxamuud Cumar oo hogaaminaya wafti balaadhan oo kakooban mas’uuliyiinta ugu saraysa xukuumada oo ay weheliyaan dhalinyarada iyo kooxaha fanka iyo suugaanta deegaanka ayaa saaka garoonka diyaaradaha ee Garaad Wiilwaal kusoo dhaweeyay madaxwaynaha dalka Switzerland marwo Simonetta Sommaruga iyo wafti balaadhan oo ay hogaaminayso oo booqasho kuyimid deegaanka.

Soo dhawaynta kadib, kulan ay kuqaateen garoonka ayuu madaxwaynuhu kasoo jeediyay khudbad muhiim ah oo taabanaysay dhinacyo badan isagoo ugu horayn sheegay in xukuumada DDSI iyo shacabkeeduba ay kufaraxsan yihiin imaanshaha madaxwaynaha dalka Swiss uu yimaado deegaanka soomaalida itoobiya. wuxuuna uga mahadceliyay in madaxwaynaha dalka Swiss uu kadoorto deegaanada kale ee dalka ee leh qaxootiga sida deegaaanka Tigray, Benishangul inuu booqdo deegaanka soomaalida oo isna leh qaxooti. Madaxwayne Cabdi Maxamuud Cumar oo hadalkiisii sii wata ayaa sheegay in booqashadani ay xoojinayso xidhiidhka adag ee kadhexeeya itoobiya iyo Switzerland oo ay waliba kor uqaadayso xidhiidhkoodii soo jireenka ahaa. iyo waliba in booqashadani ay tahay mid taariikhi ah.

Waxaa kale oo uu madaxwaynuhu ka warbixiyay nidaamka federaaliga iyo dimoqraadiyada kudhisan ee dalka kajirta. wuxuuna tibaaxay in dadwaynaha reer itoobiya ay kucaanbaxeen soo dhawaynta qaxootiga oo kajirta deegaanada ay kamidka yihiin: Tigray, Benishangul, Gambelaha iyo deegaanka soomaalida-oo boqolaal kun oo qof oo soomaliya kasoo qaxay ay kunoolyihiin.

Sidoo kale, wuxuu madaxwaynuhu qeexay in xukuumada deegaanku ay door muhiim ah kacayaarto xalinta khilaafaadka qaxootiga haday tahay iyaga dhexdooda iyo hadii ay bulshada kale isku dhacaanba iyagoo la kaashanaya UNHCR iyo ARRA. isagoo intaa raaciyay in jiritaanka qaxootigu uu leeyahay dhibab kala duwan oo ay ka mid yihiin: xaalufinta deegaanka, cidhiidhi galinta fursadaha dhaqaalaha iyo waliba inay ula tartamaan fursadaha khayraadka deegaanku leeyahay bulshada deegaanka waxaana tusaale u ah biyaha. islakhudbada ayuu madaxwaynuhu carabka ku dhuftay in dhanka wadooyinka deegaanka oo dhibab kajireen intoodii badnayd lafuray balse wali wax u hadhan yihiin tusaale ahaan wadada udhaxaysa jigjiga iyo sheed-dheer oo wali raf ah qorshuhuse yahay in laamiga laga dhigo xili dhaw.

Madaxwaynaha ayaana hadalkiisii kusoo xidhay in laga yimaado wadan aad ufog si nolosha loola wadaago bulshada qaxootiga ah ay daliil u tahay in madaxwaynaha dalka Swiss ay tahay qof leh qalbi ay shucuur bini’aadamnimo kudheehan tahay. iyo in dumarku ay kanaxariis badan yihiin raga oo iyana cadayn u ah baahida loo qabo in dunida laga helo dumar badan oo madaxwaynayaal ah.

Dhanka kalana, madaxwaynaha dalka Swiss marwo Simonetta ayaa aad uga mahadcelisay soo dhawaynta diiran ee xukuumada iyo shacabkuba kusoo dhaweeyeen deegaanka. waxayna sheegtay inay aad ugu faraxsan tahay inay timaado dalka itoobiya gaar ahaana deegaanka soomaalida oo ay tahay booqashadani mid taariikhi ah. waxayna intaa raacisay, inay aad ugu faraxsan tahay muhiimada kawarhaynta iyo waliba kaqayb qaadaashada xukuumada iyo shacabkeeduba ay ka warhayaan iyo waliba doorka muhiimka ah ee ay kacayaareen jiritaanka qaxootiga iyadoo waliba kamahadcelisay. waxayna hadalkeedii kusoo gunaanaday in uu jiri doono barnaamij lamagac baxay jijiga one health initiative(johi) oo ay kala sixiixan doonaan jaamacada jigjiga.

Ka dib kulankaasi, ayaa waxaa madaxwaynaha dalka Swiss iyo waftigeeda lagu soo dhaweeyay bandhig dhaqameed iyagoo dhamaantoodna lagu gudoonsiiyay hadiyado kala duwan.

Ugu danbayna, kulan gaaban oo labada dhinac fadhi nasasho ah ku yeesheen ayuu madaxwaynaha dalka Swiss iyo waftigeeda loo sii galbiyay dhanka qaxootiga qabalaha shaad-dheer ee degmada Awbarre.

 

The post M/weynaha Switzerland oo booqatay Xeryaha qoxootiga Awbarre iyo M/weynaha DDSI oo ku soo dhaweeyay Garoonka Jigjiga appeared first on Awdalpress.com.

Cahdigii hogaaminta Rayaale ee Somaliland iyo Sidii bulshada caalamka uu uga dhaadhicin jiray qadiyada gooni isku taaga Somaliland

Nuxurka Kulan Xalay Qasriga Ku Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Ka Tirsan Gollaha Wasiiradda Go’aankuu U Qaddimay Iyo Ka-Biyo Diidkii Qaar Ka Tirsan Wasiiradda

$
0
0

timthumb

Hargaysa:(Awdalpress.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa si rasmi ah xalay Go’aan Ugu Gaadhay in uu Taageerada Musharraxnimo ee Xisbiga KULMIYE u garab istaago Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Musharraxa Madaxweyne Mujaahid Muuse Biixi Cabdi kadib markii Madaxweyne Siilaanyo arrinkaasi ku war geliyey 8 Xubnood oo ka mid ah Golihiisa Wasiirrada oo ka mid ahaa Wasiirrada aan la dhacsanayn Musharraxnimada Guddoomiyaha KULMIYE, kuwaasi oo Madaxweyne Siilaanyo si cad ugu sheegay in uu go’aankaasi qaatay ee ay ka wasiirro ahaan sidaa ula shaqeeyaan. Kulankan oo xalay ku qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa Madaxweyne Siilaanyo kulan uu ku war gelinayo Xubno Golihiisa Wasiirrada ka mid ah go’aanka uu ka qaatay Tartanka ka dhex curtay Xisbiga KULMIYE waxa uu ugu sheegay in uu ka Madaxweyne ahaan ahna aasaasihii xisbiga KULMIYE go’aansaday in tartanka KULMIYE aanu dhex ka ahaahin ee uu si rasmi ah u taageersan yahay Musharraxnimada Guddoomiyaha xisbiga Mudane Muuse Biixi Cabdi, go’aankaasi uu qaatayna ay kula shaqeeyaan ka xukuumad ahaan iyo ka xisbi ahaanba taasi oo keentay in saddex wasiir oo ka mid ahaa xubnihii golaha Wasiirrada ay arrinkaasi Madaxweynaha ka biyo diidaan kana codsadaan in aanay arrinkaasi Madaxweynaha ku taageersanayn talona ay isula noqon doonaan balse intii badnayd Wasiirrada Siddeeda ahaa ee Madasha fadhiyay ay Go’aanka Madaxweynaha ku soo dhaweeyeen Hawraarsan. Go’aankan Madaxweynuhu ku wargeliyey xubnaha ka tirsan Golihiisa Wasiirrada ee dhinaca kale u janjeedhay ayaa la filayay maalmihii ugu dambeeyey in uu rasmi ahaan u soo shaac baxo taasi oo keenaysa in tartankii kululaa ee xisbigaasi so oaf-jarmo maadaama aasaasaha xisbiga KULMIYE oo Madaxweynaha ahi si cad u garab joogsaday mid ka mid ah Musharraxiintii xisbigaasi ku loollamayay. Lama Oga Go’aanka uu qaadan doono Wasiirka Khaarajiga Mudane Maxamed Biixi Yoonis oo ka mid ahaa Musharraxiinta tartamaysay oo ka mid ah Golaha Wasiirrada.
Shabakada Awdalpress.com

The post Nuxurka Kulan Xalay Qasriga Ku Dhex-maray Madaxweyne Siilaanyo Iyo Xubno Ka Tirsan Gollaha Wasiiradda Go’aankuu U Qaddimay Iyo Ka-Biyo Diidkii Qaar Ka Tirsan Wasiiradda appeared first on Awdalpress.com.

DAAWO Wacdarihii Maxamed BK ka dhigay SOMALI WEEK FESTIVAL iyo Muuqaalka Heesta ISTAAHIL


War degdeg ah: Wasiirkii ugu Awooda badnaa xukuumada siilaanyo oo iscasilay Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiiro kale oo iscasilaya + xukuumadii Kulmiye oo burbur qarka u saaran

$
0
0

imageAwdalpress(Hargaysa) 26 Oct.2015– Wasiirka madaxtooyada Somaliland xirsi xaaji cali ayaa xilkii uu ka hayay xukuumada siilaanyo iska casilay sida uu wasiirku ku sheegay barta uu ku leeyahay Facebook.
Wasiir xirsi ayaa sheegay inay tahay sunaha dawladnimo tahay inuu xilka ka tego wuxuu mahad ceshay Madaxwaynaha Somaliland iyo xisbiga Kulmiye.
Wasiir xirsi qoraalkiisa kuma cadayn sababaha ku kalifay inuu xilka ka dego, balse wararka ka imanaya madaxtooyada ayaa sheegaya in ay jiraan aragtiyo kala duwan oo kala aaminsan yihiin Isaga iyo qoyska madaxtooyada Somaliland oo la xidhiidha musharaxnimadaas xisbiga Kulmiye qofka noqonaya..
Wasiir xirsi wasiirka wasaarada madaxtooyada Somaliland oo xilka hayay mudo ka badan 5 sano wuxuu ahaa laf dhabarka xukuumada siilaanyo, isla markaana wuxuu ahaa wasiirka ugu shaqada badan xukuumada uu ka tirsan yahay,
Sidoo kale wuxuu ahaa wasiir ka awood badan xilka wasiirnimo oo kalsooni xoogan ka haystay dhanka Madaxwayne Axmed siilaanyo.
Dadka ka faalooda siyaasada Somaliland ayaa aaminsan in xukuumada Somaliland ku waayi doonto taageero faro badan is casilaad a wasiir xirsi, balse waxa la dhawri doonaa ama la eegi doona sida uu madaxwaynuhu uga aqbalo iscasilaada wasiir xirsi.
Waxa kale oo is Casilay lix wasiir oo kale oo ay ka mid yihiin..
Wasiirka cadaalada
Wasiirka warfaafinta
Wasiirka Arimaha dibada
Wasiirka waxbarashada
Iyo kuwo kale oo badan
Awdalpress

The post War degdeg ah: Wasiirkii ugu Awooda badnaa xukuumada siilaanyo oo iscasilay Xirsi Xaaji Cali iyo Wasiiro kale oo iscasilaya + xukuumadii Kulmiye oo burbur qarka u saaran appeared first on Awdalpress.com.

Daawo: Wasiir Xirsi oo iscasilaada uu sameeyay sababaynaya iyo musharax Biixi Yoonis oo ay ka wadatashadeen oo isna garab taagan

Daawo: Waxaan inagu bilaabmay jawi khatar ah oo aan ilaahay ka baryayno inuu inooga sahlo… Wasiir Cukuse oo ka muujiyay argagax iscasilaada wasiirada xukuumada Somaliland

DHAGAYSO: MADAXWAYNE SIILAANYO OO SI FIR KA-NAX AH UGA HADLAY XUBNAHA ISKA CASILAY XUKUUMADDA

$
0
0

siilaanyoMadaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo goordhawayd warbaahinta kula hadlay Madaxtooyadda, kaas oo sheegay inay xaq u leeyihiin xubnaha is-casilay inay shaqada iskaga tagaan.

Sidoo kale sida ay  Haatuf u sheegeen ilo wareedo  xogogaal ahi Madaxwayne Siilaanyo galabta kulan degdeg ah la yeeshay Taliyaha Ciidanka Bilayska Cabdilaahi Fadal Iimaan, kaas oo uu ku amray inaanay masuuliyiinta is-casishay dhamaantood xafiisyadooda soo gali karin inta ka horaysa maalinta ay xilka wareejinayaan.

 Halkan hoose ka dhagayso codka madaxwaynaha:-

The post DHAGAYSO: MADAXWAYNE SIILAANYO OO SI FIR KA-NAX AH UGA HADLAY XUBNAHA ISKA CASILAY XUKUUMADDA appeared first on Awdalpress.com.

Boqor Buur Madoow Oo Ka Hadlay Iscasilaada Wasiirada Xukuumada Siilaanyo

$
0
0

BuurtaBoqor Buur Madoow Oo Ka Mid Ah Madax dhaqameedka Somaliland ayaa ka tacsiyadeeyay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xubnaha golaha wasiirada ee iska casilay xilalkii ay hayeen. sidaasna waxa uu ku sheegay mar uu warbaahinta u waramayay waxaanu yidhi

“Xukuumadda iyo Xisbiga KULMIYE waan uga tacsi yadeynayaa bur-burka ku yimi, kumana faraxsani runtii wax yarna maha dhawr iyo labaatan Wasiir ku dhawaad oo ah mixwarkii shaqada Dawladdu ku wareegaysay ma fududa, waxaase hadda taala in tallo degan laga yeesho sidii looga gudbi laha.”. Boqor Buurmadow oo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi. “Raggaas waxaa kamid ah qaar dalka waxbadan u soo qabtay ama Dawladan wax qabadkeedi ugu muhiimsana ama tariikhdubu xusi doonto ku suntan.”

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buurmadow oo ka hadlaaya siduu u arko arrinta muranka keentay ee ah in Madaxweynuhu cid dhabarka taabtu wuxuu yidhi. “Madaxweynaha kuma farax sani anigu sidan uu u dhigay, Shalay isagoo war lagu farxay laga maqlay oo labadii qoloba kaadhkii qaateen, inuu Xalay dib ugu yeedho oo uu yidhaahdo cidbaan dhabarka taabtay may ahayn, isagoo awoodi karaayay inuu cidii uu rabo si hoose ula shaqeeyo iyadoo Xisbigu isku duubanyahay ayay ahayd runtii, qolada Wasiirada ah ee Is-casishayna sidaan qabo way deg degeen, inay meeshi ama Xukuumaddi tacabka badani kaga baxay ee ay magaca ku yeesheen ay sidaa dhakhsaha leh uga baxaan may ahayn.”

 

 

The post Boqor Buur Madoow Oo Ka Hadlay Iscasilaada Wasiirada Xukuumada Siilaanyo appeared first on Awdalpress.com.

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live