Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

War Deg Deg Ah Baarlamaanka Soomaaliya oo goordhaw Codka Kalsoonida siiyay Xukuumada Cusub ee Somalia

$
0
0

breaking-news2
Awdalpress – Muqadisho – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Daqiiqado yar ka hor waxa ay codka Kalsoonida siiyeen Xukuumada uu dhawaan soo dhisay Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed oo maanta Baarlamaanka la horkeenay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ee Kulanka joogay ayaa gaadhayay ilaa 233-Xildhibaan , Baarlamaanka ayaana Kahor inta aan codka loo Qaadin Xukuumada Cusub ee Ra’izul Wasaare Cabdi Wali waxaa dood kulul ka yeeshay Xildhibaano Baarlamaanka kuwaa oo ku kala aragti duwanaa Xukuumada Cusub ee dhawaan lasoo dhisay.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaaana markii Dooddii dhammaatay waxa ay Su’aalo weydiiyeen Ra’iisul Wasaare Cabdiweli oo maanta hor yimid Baarlamanaka , Ra’iisul Wasaaraha ayaana kaga jawaabay Baarlamaanka Su’aalihii ay weediiyeen.

Intaas kadbib ayaa Guddoonka Baarlamaanka waxa uu Baarlamaanka ka codsaday in ay codka Kalsoonida u qaadaan Xukuumada Cusub ee Ra’iisul Wasaare Saacid iyada oo aanan Baarlamaanka laga doonayay in Codka siiyaan ama u diidaan Xukuumada Cusub.

Codka Kalsoonida waxaa siiyay Xukuumada Cusub Xildhibaano gaaraya ilaa 186-Xildhibaan waxaana diiday Xildhibaano gaaraya 46-Xildhibaan waxaana ka aamusay kaliya Hal Xildhibaan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof Jawaari ayaa si cad u shaaciyay in Xukuumadda Cusub ee Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Sheekh Axmed ay tahay ansax lagana doonayo in Wax qabad latimaado Xukuumada.

Golaha Wasiirada Cusub ee Xukuumada Soomaaliya ee goordhaw helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka ayaana lagu wadaa in maalinta Berito ah la dhaariyo sida uu sheegay Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Awdalpress.com


Tacsi tiiraanyo leh oo ku socota reer Ali Kaahiye meel kasta oo ay ka Joogaan Caalamka.

$
0
0

INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN….

tacsiAllaha u naxariistee Marxuum Saleebaan  Ali Kaahiye oo muddo ku xanuunsanayey  Magaalada Borama ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Borama ee gobolka Awdal. Naf walliba geerida wey dhan dhamin, waana xaq,  geerida Marxuum Saleebaanna goorteed ayey timid, waxase ay ka nixisay kumanyaal tolkii iyo saaxiibbadii ah. Waxanay ugu ducaynayaan in Ilaahay Qabrigiisa u nuuro, Jannadii fardawsana ka waraabiyo. Ehelkiisii iyo asxaabtiisiina uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Dadka illaa iyo immiga tacsida na soo gaadhsiiyey oo kala jooga dunida daafeheeduna  waa kuwan magacyadoodu hoosta ay ku qoran yihiin:

1. Maxamad Sh. Xasan Taani

2. Bashir Sh. Omer Goth

3. Mohamed Faarax Igaal

4. Nuh Amin Are

5. Hassan Muuse Khalif

6. Omer Amarre

7. Dr Mohamed Nuh Ali

8. Ahmedweli Sh. Omer Goth

9. Abdisalaan  Ahmed Ilburo

10. Yusuf  Mahamoud Awale

11. Ibrahim Absiye

12. Ismail Nuux Barkhadle

13. Abiib Hassan Dugsiye

14. Mahamoud Muhumad Bookh

15.Yusuf Mohamuud Awaale

16. Mohamed  Aden Kaahin ( Samriye )

17. Farxaan Daahir Aden

18. Bashir Caqli Caateeye

19. Xasan Bile Camir

20. Mohamed Daahir Bullaale

21. Abdirahman Abdillaahi Aden

22. Omer Xaaji Tubeec

23. Idiris Mohamed Hussein

24. Mohamed Abdillaahi Wacays

25. Mohamoud Mohamed Hussein.

26. Abdillaahi Ibrahim Hussein

27. Abdirahman Abdillaahi Amin ( Atom )

28. Mohamed Ahmed Aden ( Shaarloo)

29. Mustafe Ahmed Aden

30. Ismail Ahmed Aden

31. Abdo Ahmed Aden

32. Maxamed Adan Kahin

33. Mohamed Hirsi Gudaal

34. Barre Cabdi Muxumad

35. Saleebaan Abdi Dugsiiye

36. Mohamed Osman Dhiirane

37. Rashid Aw Nur Hirsi

38. Ahmed Mohamed Haji ( Amash )

39. Cabdiraxman Cabdillahi Adan

40.Mohamud Mohamed Hussein

41.Ahmed Ibrahim Tani

42. Ahmed Sh. Hassan Tani

43. Muse Cawaale Faahiye

44. Omer Aden Liibaan

45. Hassan Husein Migane

46. Abdi Barkhad Ismail.

47. Ali Sh. Omer Sh. Muuse

48. Osman Sh. Omer Sh. Muuse

49. DR  Sacad Xaaji Hirsi Awale

50. Abdilqaadir Aw Muxumad Bade.

51. Ibrahim Abdillaahi Mohamed

52. Cilmi Maxamud Cilmi

53. Mustafe Daud Sh Xassan

54. Bashir Caqli Caateeye

55. Khadar Abdi Aden

56. Abdilqani Sh. Muhumed Faarax

57. Hassan Ismail Yey

58. Mukhtar Nur Ahmed

59. Haashim Nur Ahmed

60. Laqanyo Nur Ahmed

61. Mustafe Cisman Muse

62. Muktar Hussein Migane

63. Ahmed Hassan Barket

64. Ismail Aden

65. Mahamoud Mahamed Husein.

66. Mahdi Ali Aw Abdi

67. Yusuf Jamac

68. Maxamed Cali Aw Cabdi

69. Mohamed Abdi Muhumad

70. Idiris Mahamed Husien

71. Axmed Cabdi Khalif

72. Faisal Abdullahi Abdi

73. Abdirahman Abdullahi Abdi

64. Barre Abdi Muhumed

65. Maxamed Muse Wabari

66. Cabdi Xashi Muxumed

67. Maxamed Ibrahin Muxumed

68. Abiibakar Xuseen Miigane

69. Cali Muxumed fadal

70. Mukhtar Xuseen Xandule

71. Farxan Dahir Adan

72. Axmed Yusuf Maxamed

73. Abdi Aden

74. Abokor Hussein Migane

75. Daahir Cisman Raage ( Cilmi Dheere )

76. Abdillaahi Shoodhe

77. Aden Ali Warmahaye

78. Rashid Abdillaahi Qalib

79. Saleebaan Hassan Nur

80. Mohamed Ali Muhumad

81. Abdirahman  Abdillaahi  Yonis

82. Harawe Sh. Omer Goth

83. Mohamed Osman Dhirane

84. Mohamed Ali Baase

85. Ali Abdillaahi ( Adduur )

86. Abdi Samaale

87. Sayid Omer

88. Abdikarim Xaaji Ibrahim Nur

89. Muse Aw Hassan Lodon

90. Keyse Nur Ahmed Jibril.

91. Mohamed Muuse Waabari

92. Daahir Muuse Waabari

93. Mahdi Ali Aw Abdi.

94. Hassan Hussein Riiraash

95.Ahmed Abdi Dugsiye

96. Saleebaan Abdi Dugsiye

97. Rashid Abdi Dugsiye

98. Caydiid Muumin Yonis

98. Faysal Abdillaahi Aw Abdi

99. Ali Muhumed Fadal

100. Ahmed Aden

 

Awdalpress.com

Tacsi ku socota dhammaanba eheladii marxuum Saleeban Cali Kaahiye oo ku geeriyooday magaalada Borama.

$
0
0

tacsiShalay oo bisha janaury ahayd 21 Janaayo, 2014 waxaa magaalada Borama ku geeriyooday Allaha u naxariistee Chief-Caaqil: SALEEBAAN CALI KAAHIYE.

Dhamman dadka hoos ku qoran oo kala jooga dalalka CANADA iyo MARAYKANKA, ayagoo ka tiiraanyeysan geerida ku timid Caaqil SALEEBAAN waxay tacsi u dirayaan qoyskii uu ka baxay iyo walaaladii oo ay ka mid yihiin: Xaawa Cali Kaahiye, Cabdiraxmaan Cali Kaahiye, Caasha Cali Kaahiye, Xasan Cali Kaahiye…,waxayna leeyihiin samir iyo iimaan Allaha inaga siiyo asagana Eebe Janada ha geeyo:

1.Dr. Cumar Ibraahim Xuseen
2.Ibraahim A.Cabsiiye
3.Cabdisalaam Axmed Ilburo
4.Xasan Xuseen Rirash
5.Cali Gaas Sugaal
6.Maxamuud Faarax Cigaal
7.Mahdi Aw Axmed Qaalib
8.Cabdi Barkhad Ismaaciil
9.Cabdillahi(Dheere)Ibrahim Xuseen
10.Dr.Maxamed Nuux Cali
11.Saleebaan Cabdi Dugsiye
12.Maxamed Cismaan Dhiirane
12.Cumar Ismaaciil-Dahable
13.Cabdiwahaab Xaaji Hadliye
14.Cabdikariim Dahir Sancase
15.Cabdisamad Xasan Lodon
16.Harowo Sh Cumar Good
17.Cabdirazaq Muse Caynaan
18.Muse Ciise Dugsiiye
19.Muse faarax Cigaal

Hassan Rirash,
hrirash@yahoo.com

Madaxweynaha Somalia oo ka hadlay wadahadalka ay la leeyihiin Somaliland

$
0
0

Madaxweyne_Xasan_Sheekh_Max'uudAwdalpress – Mugadisho – Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud ayaa ka hadlay wadahadallada u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Somaliland iyo weliba shirkadaha ammaanka ka shaqeeya ee ku sugan Muqdisho.

Xasan Sh. Maxamuud ayaa hadalkiisa ku sheegay in uu rajo weyn ka qabo in wadhadalka socdaa uu noqon doono mid midho-dhala, isaga oo xusay inay ujeeddada dowladdiisa ugu jirtaa ay tahay sidii lagu heli lahaa Soomaaliya oo mid ah.

“Meelaha ay dowladda Somalia aadka u higsanayso waxaa ka mid ah in wadahadalladu ay dibadda ka yimaaddaan oo dalka gudihiisa lagu qabto, sida in lagu qabto Hargeysa ama Muqdisho iyo meeshii kale oo lagu heshiiyo,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynuhu wuxuu xusay in hadafka dowladda ay ugu jirto wadahadalladan inuu yahay mid cad kaasoo ah in la helo Soomaaliya oo hal dowlad ah oo mideysan, taasoo uu sheegay inay qayb ka tahay tiirarka ay ku shaqeynayaan.

“Hadafka dowladda ay ugu jirto wadahadalladan waa sidii loo heli lahaa Soomaaliya oo mid ah, waana tiir ka mid ah lixda tiir ee aan ku shaqeynayno, taasna waxaan u maranaynaa wadahadallada socda” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhanka kale, madaxweynaha Soomaaliya ayaa ka hadlay ha’yadaha amniga ee dlka ka howlgala, isagoo xusay inaysan jiri doonin hay’ado kale oo ay la geli doonaan heshiis, kuwa hadda dalka ku suganna uu waqtigoodu ku eg-yahay sannadkan.

“Waxaa dalka ku sugan hay’ado badan oo dhammaantood sheegaya inay ka shaqeynayaan ammaanka dhibaato badan ayaana ka taagan, dowladduna waxay go’aan ku gaartay in la joojiyo oo aan loo cusboonaysiin sharciga,” ayuu ku daray hadalkiisa madaxweynuhu.

Ugu dambeyn, madaxweynuhu wuxuu sheegay in hay’adda ugu dambeysa ee ka shaqeysa ammaanka uu heshiiskeedu ku eg-yahay bisha lixaad ee sannadkan, wixii ka dambeeyana aysan dalka joogi doonin.

HOL

Maanso

$
0
0

gggMaansadan waxaan curshay ka dib markii aan helay warka ah in xukuumaddii la ansixiyey oo Baalamaanku kalsoonida siiyey. Midda aan dul istaagay ee maansada curinteeda igu dhalshay ayaa ahaa, in la yiri “COD AQLABIYAD AH” ayaa lagu meelmarshay. Yaab. Sida aan horay u barannay caadana iska noqotay sanad ama ka yarba waxaa laga geyn doonaa Mooshin ka dhan, markaa baa waxaan iri:

 

Carrab hadal madaayoo

Waano lama cusleystee

Casirkaan waraan helay

Oo caadku uu wadey

Aan ka curiyo maansoo

Suugaanta caynleey

Cutub gabay ka tiriyoo

Cir mareen u sii faro

Inta joogta ceelkii

Cawo maalinteed lehe.

 

Waa loo codeeyoo

La caleema saaroo

Loo dhaarshay carshigii

Cosob weeye cusub iyo

Caabbane cargaagtamay

Cillad kuma dhammaatee

Caqli kale ma heysaan?.

 

Cidda yaan la hodinoo

Cirid iyo cadceed kulul

Cagaag cagaha muda iyo

Ciirsi waagi baas iyo

Ha u celinnin tiihii!

 

Adigoon caqiidada

Caynkeeda soo baran

Masjid culimmo joogaan

Cunsur laguma sheegee

Caallayaasha joogee

Carbis aan la soo marin

Caqli samata bixiyiyo

Maan curiya nabaddiyo

Garaad ceyminaayiyo

Celmi caafimaad iyo

Mey lahan cisiyo sharaf!

 

Cirroolihiyo waayeel

Carruurtiyo haweenkiyo

Marrastiyo ciyaalkiyo

Kulli caam ahaanteen

Ciriirigaan ku sugan nahay

Iyo calaalcalkeennii

Cidi aysan caawimin

Ma hayaan caaqibadood?!

 

Dadku wuxuu cod hoosiyo

Uu ci’ dheerba ku cabbiray

Inaad camal abuurtaan

Ood cayaarta dhaaftaan

Carro nabada keentaan

Cudurkiyo caqabaddiyo

Caabuqana dhammeysaan

Calafka iyo cududdiyo

Ciidankana mideysaan

Calankana difaacdaan

Cadawgana ka celisaan

Caadi maahan saaniye

Waa cajaa’ib yaabliyo

Waxaan noo cuntaminoo

Ceeb nagu ahaayoo

Caajis nagu diloodoo

Na cuuryaanshey waayee

Noo iclaansha talo culan.

 

Cadka leysku heystoow

Ama waan ku cunayaa

Ama waan ku ciideyn

Cimrigeenni gooyoo

Cabashaan ka keennaye

Wax cillani dushiinniyo

Cindigiinna yey noqon!

 

 

Dhammaad.

21/01/14

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

www.bilediraac.wordpress.com   

 

 

 

Hambalyo: Xamda C/kariim Xasan Tarantoote iyo Mahdi Maxamed Daahir

$
0
0

HambalyoDhamaanba bahda shabakada wararka ee Awdalpress iyo dadka magacdoodu hoos ku xusan yihiin waxay tahniyad u dirayaan Meherka Mahdi Maxamed Daahir iyo Xamda C/kariim Xasan Tarantoote oo ka dhacay Magaalada Boorama, waxaanay leeyihiin noqda kuwii guurkoodu noqdo guri barwaaqo, kuwii badhaadhe iyo Barwaaqo ku waraa, Ubad iyo Awlaad khayrqabana kala hela.. Aaaaaaaaammmmmmmmmmiin

Suldaan Ciise Suldaan C/laahi Suldaan Cumar

Xaaji C/laahi Jaamac

Xaaji MAxamed caawaale

Shabcaan Xasan Ducaale

Maxamed Xaaji Nuur

Xamse Sh Cumar Good

Maxamed Kaahiye Seeman

Sacad C/raxmaan Qaadi

Ismaaciil Xasan Mataan

Farxaan Aw Aaden

Xildhibaan Axmed Yaasiin Sh Cali

Xildhibaan Xasan

Xamse C/kariim Xasan

iyo Asxaab faro badan oo aan la soo koobi Karin ayaa hambalyo u diraya Boqorka iyo Boqorada is mehersaday.

Awdalpress

Khilaafkii Maamulka D/hoose oo soo laba kacleeyay iyo Duqa iyo Xoghayaha oo Hargaysa looga yeedhay iyo Xaruntii D/hoose oo aan shaqo ka socon

$
0
0

newsAwdalpress(Borama) 22 jan, 14– Khilaafkii u dhexeeyay Maamulka sare ee Golaha deegaanka ayaa dib u soo laba kacleeyay, ka dib markii khilaafkooda ay kala dhexgaleen Aqoonyahan iyo waxgarad ka soo jeeda degmada, isla markaana gacmaha la isku saaray gudoomiyaha iyo K/xigeenkiisa ayaan la garanayayn waxa dib u soo celiyay, warar ku dhawdhaw labada masuul ayaa u xaqiijiyay in khilaafkoodu circa isku sii shareeray, taas oo xubnihii heshiika ka dhex Abuuray ay ka yaaban yihiin durba waxa soo ceshay amase soo nooleeyay arinkii muranka ahaa ee ka dhexeeyay labada masuul.

Qaar ka mid ah xildhibaanda golaha deegaanka oo diiday in magacooda la sheego ayaa u sheegay shabakada warara Awdalpress in Hargaysa looga yeedhay Gudoomiyaha iyo xoghayaha D/hoose oo uu wehelinayay Badhasaabka G/Awdal, balse ma sheegin sababta loogu yeedhay inay tahay khilaafka soo kala dhexgalay gudida fulinta degmada iyo in kale, waxay intaasi raaciyeen in G/xigeenku uu isagu weli joogo Boorama, waanay ka gaabsadeen xildhibaanadaasi in g/xigeenku diiday in Hargaysa lagu soo heshiisiiyo iyo in kale.

Dhanka kalana mar Shabkada Awdalpress isku dayday inay masuulyiinta D/hoose iyo Badhasaabkaba wax ka weydiiso Arimaha soo kordhay ayaa waxa u suurageliweyday Awdalpress in aan helo sababao la xidhiidha Isgaadhsiinta gacanta lagu qaato oo ka xidhnayd darted masuuliyiintaasi.

Si kastaba ha ahaatee Arintan khilaafka maamul ee soo kala dhexgalay gudida fulinta degmad Boorama ayaa ah mid aan hore u soo marin maamuladii ka horeeyay maamulkan, wey jireen khilaafyo soo kala dhexgali jiray masuuliyiintii ka horeeyay xubnaha hada xilka haya, balse khilaafkooda marna ma saamayn dhinaca shaqada iyo adeega ay u hayaan bulshadooda.

Wasiirka Arimaha gudaha ee Somaliland Mudane Cali Warancade ayaan isagu arimahan ka dhextaagan maamulada D/hoose ee Boorama, gabilay iyo Hargaysa oo isku si khilaaf uga dhextaagan yahay gudoonadooda sare ee golaha deegaanada degmooyinkaasi ilaa hadal ka soo saarin, dadweynaha degmooyinkaasina ka dhursugayaan in xal loo helo dhalinyarada xilalku ku cusub yihiin ee loo doortay gudoomiyayaasha.

Awdalpress

Cheif Caaqil Sulaymaan Cali Kaahiye oo ka mid ahaa Madaxda dhaqanka ugu waaweyn gobolada Somaliland oo maanta lagu Aasay Boorama

$
0
0

tacsiCheif Caaqil Sulaymaan Cali Kaahiye oo ka mid ahaa Madaxda dhaqanka ugu waaweyn gobolada Somaliland oo maanta lagu Aasay Boorama..


Ciidanka Itoobiya oo maanta si rasmi ah ugu biiray AMISOM

$
0
0

ethiopian-army-Awdalpress(Baydhabo0 22 Jan, 14–Xaflad weyn oo ku saabsan sidii ciidanka Itoobiya si rasmi ah loo hoos-gayn lahaa taliska ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa maanta oo Arbaco ka dhacday xarunta madaxtooyada ee magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Saraakiil sare oo ka socda AMISOM, Burundi, Itoobiya iyo Uganda ayaa goob-joog ahaa munaasabadda.

Weriyaha Bar-kulan ee Baydhabo ayaa ku soo warramay in isla maanta magaalada lagu arkayo askar ka tirsan ciidanka Itoobiya oo wata dareeska iyo astaanta lagu yaqaanno ciidanka AMISOM.

War lagu qoray bogga AMISOM ay ku leedahay Twitter ayaa lagu sheegay in ciidanka Itoobiya ay u suurta-galin doonaan xoogagga dalalka Burundi iyo Uganda inay u dhaqaaqaan qeybo ka tirsan Shabeellaha Hoose iyo Shabeelaaha Dhexe.

Ciidanka Itoobiya oo ka kooban saddex guuto ayaa lagu wadaa inay ka howlgalaan gobollada Baay, Bakool iyo Gedo si loo dardar-geliyo dagaalka dowladda federaalka Soomaaliya iyo ciidanka Afrikaanka ah ay kula jiraan kooxda Al-Shabaab.

RBK

Daawo: Xayaysiiska Companyga reer Awdal ee keena Gaadiidka Bajaajta iyo Abwaanka Aaden Faarax

$
0
0

BajajDaawo: Xayaysiiska Companyga reer Awdal ee keena Gaadiidka Bajaajta ee sida weyn loogu badhaadhay magaalooyin faro badan oo ka mid ah gobolada Soomaalida iyo Abwaanka Aaden Faarax..

Golaha Wasiirrada oo la dhaariyay iyo Baarlamaanka oo lasoo xiray

$
0
0


Dhaarintii_Golaha_Wasiirrada_Somalia_1

Awdalpress – Mugadisho – Wasiirrada cusub ee xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta lagu hordhaariyay baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo dhaarinta ay goobjoogayaal ka ahaayeen madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ra’iisul wasaarihiisa C/weli Sheekh Axmed Maxamed iyo guddoomiyaha baarlamaanka, Maxamed Cismaan Jawaari oo kulanka shir-guddoominayay.

Xubnaha wasiirrada ee la dhaariyay ayaa waxay tiradoodu ahayd 55-ka xubnood ee goluhu uu ka kooban yahay, kuwaasoo isugu jiray 25-wasiir, 25-wasiir ku xigeen iyo shan wasiir u dowle, waxaana dhaariyay guddoomiyaha maxkamadda sare ee dalka, Avv Caydiid C/llaahi Ilko-xanaf.

Dhaarinta kaddib waxaa kulanka hadal ka jeediyay ra’iisul wasaaraha Somalia isagoo uga mahadceliyay xildhibaannada baarlamaanka sidii ay kalsoonida u siiyeen xukuumaddiisa shalay oo Talaado ahayd, isagoo ballan-qaaday inay wadashaqeyn wanaagsan la yeelan doonaan baarlamaanka.

Guddoomiyah baarlamaanka oo isna hadlay ayaa ka warbixiyay waxyaabaha u qabsoomay baarlamaanka, isagoo sheegay in intii ay howsha ku gudo jireen ay geeriyoodeen siddeed mudane oo qaar ka mid ah la dilay, sagaal xubnood oo kalena ay xilalkooda iska casiyeen.

Sidoo kale, guddoomiyuhu wuxuu sheegay in 17-kursi ee ka bannaanaaday baarlamaanka ay u buuxiyeen sida uu qabo dastuurka KMG ah ee dalka, ayna kalsoonida kala laabteen xukuumaddiii hore, iyagoo ansixiyeen xukuumadda cusub ee lasoo dhisay.

 

 

Prof. Jawaari oo sii hadlayay ayaa ka warbixiyay ajandayaal fara badan oo uu sheegay inay qaarkood akhirtooda ku gudo-jiraan, laakiin la meel-mariyay hindise sharciyeedyo ay ka mid yihiin: heshiiskii iskaashi ee milateriga Soomaaliya ay la galeen dalal caalamka ka tirsan, heshiiskii caalamiga ah CONTENUE, heshiiskii shirkadda FAVORI ee dib dhiska garoonka diyaaradaha Muqdisho iyo kuwo kale.

Afhayeenka baarlamaanka wuxuu jeediyay khudbad dheer oo uu kaga warbixiyay howlaha baarlamaanka Somalia uu qabtay iyo kuwa horyaalla, isagoo xusay inay wada-shaqeyn wanaagsan kala dhexeyso dhammaan hay’adaha kala duwan ee dowladda Soomaaliya.

Xildhibaannada baarlamaanka ayuu kula dardaarmay maadaama ay fasax galayaan inay dib ugu laabtaan gobollada iyo deegaannada ay kasoo jeedaan wixii ay kala soo kulmaanna ay dib ugula soo laabtaan baarlamaanka si ay ugu sharraxaan.

Ugu dambeyn, guddoomiyaha baarlamaanka wuxuu khudbadiisa ku sheegay in xafladda xirtaanka kalfadhiga saddexaad ee baarlamaanka Soomaaliya lagu qaban doono caawa xafiisyada guddoonka baarlamaanka ee Villa Hargeysa, isagoo wasiirrada cusub ugu baaqay inay kasoo qaybgalaan.

Intaas kaddib waxaa isaguna goobta ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu ugu horreyn ugu mahadceliyay xubnaha baarlamaanka howsha ballaaran ee ay dalka ka qabteen, isagoo sheegay in Soomaaliya aysan wax badan u qabsoomeen haddii aan la heli lahayn gole baarlamaan oo sidan oo kale.

 

 

“Mudanayaasha baarlamaanku waxay waqtigooda iyo naftooda u hureen sidii ay wax ugu qaban lahaayeen dalkooda iyo dadkooda, taasna waa howl-karnimo dheeraad ah oo ay muujiyeen,” ayuu yiri madxweynaha Soomaaliya.

Howlaha baarlamaanka uu qabtay kuwood ugu muhiimsan ayuu ku sheegay inay ka mid ahaayeen inay ansixiyeen xukuumadihii kala duwanaa ee dalka soo maray iyo sdiii dib loogu soo celin lahaa gacanta dowladda deegaanno fara badan oo ay hadda dowladdu ka taliso.

“Sannadkan cusub ee 2014 waxaa na horyaalla howlo muhiim ah, waxaana dhammaan na-looga baahan yahay inaan si wadajir ah uga wada-shaqeynno,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya oo sheegay in la xisaabtan xukuumadda ay tahay mid muhiim ah, in wax la isku diido ama wax la ogolaado oo keliyana aanay ahayn shaqooyinka baarlamaanka, balse loo baahan yahay in howlaha na horyaalla oo dhan wadajir looga wada-shaqeeyo.

Gababadii madaxweynaha Soomaaliya wuxuu si rasmi ah ugu dhawaaqay inuu xiran yahay kalfadhigii saddexaad ee baarlamaanka Somalia, inkastoo xalflad weyn oo xiritaan ah ay caawa dhici doonto.

 HOL

Hoggaamiyihii Jarmal ka Bari Erich Honecker iyo Fidel Castro oo 1977 kii u dhagar-maleegaaya Soomaaliya

$
0
0

HFedal Castrooggaamiyihii  Jarmalka Bari Erich Honecker iyo Fidel Castro oo 1977 kii u dhagar-maleegaaya Soomaaliya

Turjumaad: Maxamed Haaruun (mbiixi@gmail.com)

Fiiro gaar ah: (Qoraalka aan halkan ku turjumay wuxu wax ka iftiiminayaa dhacdooyin taariikheed oo Soomaalida iyo dadyawga Geeska Afrikaba  ay dhibaato ka soo gaadhay. Dhibtaasi inteeda u badan, (naf iyo maalba) waxa ay ku habsatay Soomaalida, ilaa maantadan na dhacdooyinkaas raadkoodii waan la noolnahay. Arinta koleyba aniga si gooni ah ii xiiso galisay, in aan qoraalkan turjumo na I gu kaliftay, waa sida waynee ay u ka la duwanyihiin sida ay masuuliyiintii Soomaaliyeed ee waagaasu u macneeyaan dhacdooyinkaas, iyo sida dhab ahaan ay xaaladu ahayd. Tusaale ahaan, waxay tilmaamaan in wadamadii uu Soofiyeedku hormuudka u ahaa ay taageero la ma filaan ah oo military iyo dhaqaale Itoobiya u fidiyeen, taasu na ay ahayd sababtii Soomaalida loo jabiyay. Waa run taasu qayb ahaan, oo taageeradii caalamiga ahayd ee Itoobiya ay heshay natiijadii dagaalka saamayn bay ku yeelatay, laakiin qaybta aanay masuuliyiintii Soomalidu runta ka sheegin, ee qoraalkani qeexayaa waa in Soomaalida loo cadeeyay in Itoobiya la taageeraayo haddii ay arintu dagaal noqoto iyo hadii kale ba. Digniinihii la siiyay askartii Soomaalida u talinaysay, ee Siyaad Barre uu hormuudka u ahaa way fahmi waayeen, ama in ay fahmaan may doonaynin, wixii ka dhacay na warkeedii waan wada haynaa. Dhacdooyinkii dagaalkii 1977 ka horeeyay, dabeecaddii iyo hab dhaqan kii Siyaad Barre sida ay wadamadii shuuci gu u arkaayeen, iyo digniinihii Soomaalida la siiyay baa meeshan lagu sheegayaa. Akhris wanaagsan)

 

 

Qoraalkan waxa markii u horaysay la faafiyay – 6dii Ogosto, 2011.

 

Waa qaybo ka mid ah hadal-qoraalka kulan kii hogaamiyaha Jarmal ka Barri, Erich Honecker iyo Hogaamiyaha Kuuba, Fidel Castro. Kulan ka oo ku saabsanaa booqashadii uu Castro Itoobiya iyo Soomaaliya ku tagay, waxay masuuliyiintu cambaaraynayaan Siyaad Barre, waxayna falanqeeyeen sida loogu baahanyahay in Itoobiya iyo kacaanka ka curtayba la taageero.

 

 

Kulanka madaxdaasu wuxu dhacay: Axad, 3 April, 1977.

11:00 subaxnimo ilaa 1:30 duhurnimo, iyo isla galabtaas, 3:45 ilaa 6:00 fiidnimo.

 

Bar-kulan ka: Xafiiska Gudiga Golaha Dhexe, Baarliin (Berlin)

 

Ka qayb-galayaasha – dhinaca Jarmal ka: Jaalayaal Hermann Axen, Werner Lamberz, Paul Verner, Paul Markowski (waxa weheliyay Jaale Edgar Fries iyo Jaale Karlheinz Mobus oo turjumaayay), iyo Kuubaan ka: Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo iyo Jose Abrantes.

 

 

- Jaale Erich Honecker wuxu si diiran u soo dhaweeyay Jaale Fidel Castro iyo jaalayaashii Kuubaan ka ahaa ee la socday. Aad baanu u gu faraxsanahay booqahadiina aad ku timaadeen Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Jarmalka (GDR), iyo is dhaafsiga xogaha ku saabsan booqashadaadii aad ku tagtay wadamada Afrika iyo Carabaha qaarkood. Aniga oo ku hadlaaya afka Xafiiska Siyaasadda, waxan mar kale ku celinayaa in aanu booqashadan u aragno mid muhiim ah. Waxan ka dalbanayaa Jaale Fidel Castro in uu hadalka qaato.

 

(16 kii bog ee hadal-qoraalka u horeeyay meesha waa ka maqanyihiin)

 

-Hadalladii Jaale Fidel Castro:

 

……Ka hor intii aanan ka amba bixin Cadan, waxan hogaankii Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Dadwaynaha Yemen (Yamen tii Koonfureed) ka codsanay in ay sameeyaan wax kasta oo suurtagal ah, si loo gaadho is faham dhex mara Soomaaliya iyo Itoobiya. Si wacan baa la ii gu soo dhaweeyay Soomaaliya. Waxan ka dalbaday in aan la samaynin wax isu soo baxyo dadwayne ah. Cashadii ugu horaysay ee Siyaad Barre aanu wada yeelanay, wuxu muujiyay jawi saaxiibtinimo. Ka hor safarkayga Soomaaliya, waxan ka helay warqad jawaab-celin ahayd oo daba socotay mid aan anigu horey u gu diray oo ku saabsanayd arinta xidhiidhka Itoobiya iyo Somaaliya. Sidoo kale, waxan diray wakiil Kuubaan ah si uu ula xaajoodo Madaxwayne ku xigaha Samatar (Cali-samatar) iyo Wasiirka Daakhiliga Sulaymaan (Axmed Saleebaan-dafle). Samatar wuxu matalaa kooxda Bidixda (Hantiwadaaga), Sulaymaan na wuxu matalaa garab ka Midigta (Hanti-goosiga). Hadaladii wakiilkayagu uu la yeeshay (Sulaymaan) waxa ay ahaayeen kuwo adag. Intii aanan Cadan ka taginba waxan haystay xog badan oo ku saabsan xalada Soomaaliya.

 

Waxa si joogto ah u soo kordhaaya awoodda iyo saamaynta ay leeyihiin kooxaha Midigta (Honti-goosi ga) ee ku dhex jira dawladda Soomaaliya. Wasiirka Daakhiliga, Sulaymaan wax kasta oo karaan kiisa ah waa uu samaynayaa si uu Soomaaliya ugu jiido dhinaca Sucuudiga iyo wadamada Isticmaari ga ah. Wax kastaa waxa ay muujinayaan in uu Samatar awoodii lumiyay, oo ay koonaha u riixeen kooxaha Midig tu. Habeenkii koobaad, waxan doonayey in ay ii kala cadaato fikradda aan ka haysto Siyaad Barre iyo kacaanka ka curtay Soomaaliya ba. Wax wadahadal siyaasadeed oo adagi cashadaas koobaad ma dhicin. Siyaad Barre ayaa iiga sheekeeyey Kacaanka Soomaaliya iyo marxaladihii uu soo maray. Maalintii xigtay na, waxan u baxnay kormeer balaadhan. Waxan booqanay mashaariic Kuuba ay dhistay, sida dugsi ga carbis ka maleeshiyooyinka, Iskuulka Beeraha iyo Iskuulka  caruurta reer-guuraaga ah. In kastoo aanu saacado ku qaadanay kormeerka, hadana ilaa intaas wax wada hadal siyaasadeed oo muhiim ahi ma dhicin, galabtii na waxa la qorsheeyay isu soo bax baladhan oo dadwayne, kaas oo ka dhacaayay garoonka kubadda. Waxan garawsaday in aanay doonaynin in wax wada xaajood ahi dhaco ka hor isu soo baxa dadwaynaha. Isu soo baxu wuxu bilaabmay iyada oo aan hadal sidaas ahi noo ka la bixin aniga iyo Siyaad Barre, sidaas darted na, aad baan u taxadiraayay. Wuxu ahaa qof is-la-weyn oo aad u daran. Wuxu doonaayay malaha in uu na cabsi geliyo.

 

Khudbaddaydii aan isku soo baxa u jeediyey, waxa aan ku soo qaatay siyaasadda waddamada Isticmaariga ahi (Reer-galbeed ka) ay ka wadaan Gobol ka Bari ga Dhexe, door ka dib-u-socodnimada ah ee Sucuudi ga, iyo falka xoogagga kale ee dib-u-socod ka ah. Ogaan baan sidaas u sameeyay, waliba aniga oo ka war qaba awoodda way nee ay leeyihiin kuwa  la haya sidii ay Soomaaliya xidhiidh dhaw u la yeelan lahayd wadamadaas dib-u-socod ka ah. Waxan ka hadlay halgan ka Urur ka Xoraynta Falastiin (PLO), Kacaan ka Itoobiya, Kacaan ka Liibiya iyo, nidaamka hore-u-socod ka ah ee Aljeeriya, ee ay doonayaan in ay go’doomiyaan. Waxan ka hadlay Muusanbiik (Mozambique), markii u gu dambaysay uun na, waxan taabtay Soomaaliya iyo sida xoogaga Isticmaariga ahi ay u doonayaan in ay dib u celiyaan nidaam ka hore-u-socod ka ah ee ka jira. Siyaad barre ayaa dadkii ka qayb qaadanaayay isu soo baxa u sheegay qofka aan ahay, laakiin hal erey oo siyaasad ku saabsan ma odhanin. Intii aanu bilaabmin isu soo baxu, waxa la soo gabagabeeyay ciyaar kubad ah oo kala badh uun maraysay. Ma hubo in ay ciyaartaasu qayb yar oo isu soo baxa ka mid ah uun ahayd, iyo in ay arintuba sidaas cakis keeda ahayd. Khudbadaydu waxay ka hor jeeday kooxaha Soomaaliya dhexdeeda ee garabka midigta (hantigoosi ga), waxay na taageraysay kooxda Garabka Bidix (Hanti-wadaagga).

 

Waxan dareennay in gabi ahaanba xubnihii Golaha Dhexe ay wada sacbiyeen, marka laga reebo Saleebaan (Axmed Saleebaan-dafle) iyo dadkiisa. Cali-Samatar isagu aad buu u qanacsanaa, xataa waxa muuqatay in uu Siyaad Barre qudhiisu ka helay hadalkayga. Sidaas oo ay tahay, hadana isu soo baxaas idaacadda iyo Telefishan ka toona si toos ah loo ga ma baahinin. Fiidnimadii maalintaas uun baanu bilawnay in aanu guriga aan daganaa ka ga hadalno arimo xadidan oo siyaasadda ku saabsan. Waxa ii caddayd  in uu Saleebaan-dafle guriga aan dagganaa ku rakibay qalabka wax lagu dhagaysto, sidaas darteedna aad baan u taxadirayey. Aakhirkii fiidnimadaas ayuu Siyaad Barre bilaabay in uu ka hadlo Itoobiya. Wuxu kala mid dhigay boqortooyadii Ruushka (Tsarist Empire), waxaanu sheegay in ay Itoobiya tahay gumaysiga kaliya ee haatan jira. Boqortooyadii Ruush ku waxay meesha kaga baxday xikmaddii Lenin, laakiin Itoobiya ayay qudheedi ka dhisantahay – ayuu yidhi. Waxa jirtay wakhti hore in uu Siyaad Barre Itoobiyaan ka u soo jeediyay in ay labadooda wadan fadaraali ama xataa midnimo wada galaan, oo aanay iyaku na ka jawaabin, laakiin imika Itoobiyaan ka ayaa ba xalka qudhiisii wada. Si aad u xamaasadaysan buu u ga hadlay dadaaladiisa ku saabsan xal uu Itoobiyaan ka la gaadho. Aniga oo fursadda ka faaiidaysanaaya, waxan u sheegay in aan maalinta barito ah u safraayo dhinaca Itoobiya, waxaanan waydiiyay in uu diyaar u yahay kulan uu Mingisto la yeesho, waanu aqbalay.

 

Maalinti xigtayba waxa aan u duullay Itoobiya, horeyna waxan isu la qaadannay in aan soo dhawayn ballaadhan la ii samaynin. Xilligaas waxa ay ku jireen oo socday dagaalkii sokeeyaha, xabadaha dhawaaqoodana waa la maqlaayey. Markii aan gaadhayba Mingisto waxa uu ii kexeeyey qasrigii qaddiimka ahaa ee Boqortooyada, wada hadalkayaguna durbadiiba wuu bilaabmay. Waxa ii caddaaday xogihii aan hore u haystay. Maalintii xigtayna waannu sii wadnay wada xaajoodkii. Taxadir dheeraad ah oo dhinaca amniga ah in aan qaadannay lama filaan may ahayn, sidaas darted Itoobiyaanku waxa ay keeneen koox ciidammadooda ah, anigana waxa ila socday askar Kuubaan ah. Maalintii aan imid  waxa la isla dhex marayey warar sheegaaya af-gambi, laakiin waxba ma dhicin. Waxa sii xoogoobay dareen kayga ah in kacaan dhab ahi uu waddankan ka curanaayo. Waddankan boqortooyada dhul-goosiga ah soo ahaan jiray, haatan dhulkii ayaa loo qaybinayaa beero-falatada saboolka ah. Halkii beerwaleba waxa la siinayay 10 higtar . Magaalooyinka qudhooda waxa ka socoday dib-u-habayn. Waxa la soo rogay in muwaadinkiiba uu hal guri uun yeelan karo. Dhulal baa loo banneeyey si guryo cusub looga dhiso. Sida oo kale, waxa jira dhaqdhaqaaq ballaadhan oo xoog leh. Magaalada caasimadda ah dhexdeeda, waxa suurowda in si lama filaan ah nus malyan qof dad gaadhaaya lagu abaabuli karo. Waftigii bishii Febraayo aanu dirnay, kadib markii ay soo qiimeeyeen qaybaha ka la duwan ee ciidamada qalabka sida, waxa ay go’aamiyeen in laba mooyee boqolaalka Janaraal ee ciidanka lawada caydhiyo.

 

Saraakiisha ciidamada, iyo saraakiil-xigeen shaqada ka fadhiyay ayaa haatan wadanka caynaanka u haya. Hogaanka wadan ku waxa ay ka fikirayeen sidii ay xisbi u samayn lahaayeen. Meeshaas waxa ka jira halgan daran oo u dhexeeya dabaqadaha danyaar ta ah, iyo dhiigmiiratada (dhul-goosi ga) wadanka. Koox yar oo ah dabaqadda burjuwaasiyiinta ayaa doonaaya in ay kacaanka dadka ka hor keenaan. Jabhad gooni u goosi ah oo xoogan baa dhinaca Ereteriya ka jirta. Halis muuqata ayaa dhinaca Suudaan ka ga furan, halka Soomaaliya na ay sheeganayso ka la badh dhulka Itoobiya ka mid ah. Muddo ku siman ilaa shan boqol oo sano, ayaa gobol kaas ay ka jireen dagaalo ku salaysan dhulka. Mingisto wuxu I ga ga yaabiyay in uu yahay nin degen, daacad ah, oo aan dheeldheelaynin,  aaminsan na quwadda dadwaynaha. Waa shakhsiyad garaad badan, xikmadiisa na wuxu muujiyay saddex dii Febraayo. Kooxaha Midig ta (Hanti-goosi ga) ayaa qorsheeyay in ay ka takhalusaan kooxda Bidix da (Hanti-wadaagga). Qorshahan waxa bilaw u ahaa khudbad xooggan oo Madaxwaynuhu (Tafari Bantay) uu jeediyay, oo uu ka ga hadlay wadaniyadda. Mingisto wuxu ka ga hor tagay afgambi gaas, isaga oo isugu yeedhay shir ay ku kulmaan golihii kacaanku, kaas oo dhacay saacad ka hor xiligii loo qorsheeyay. Kulanka dhexdiisii, Mingisto wuxu xidhxidhay kooxihii Midig ta, waanu wada toogtay.

 

Maalintaas (3dii Febraayo, 1977) Itoobiya waxa ka hirgalay go’aan leh saamayn xoogan. Khariiraddii siyaasadda ee wadan ka ayaa is bedeshay, waxaana la qaaday talaabooyin aan suurtagal ahayn ka hor 3dii Febraayo. Awal hore kooxaha Bidix da (Hanti-goosiga) si dadban uun baan u taageeri karaynay, laakiin hadda si toos ah, oo aan wax xanibaad ah lahayn baan u saacidi karnaa. Mingisto waxan waydiiyay in uu diyaar u yahay in uu magaalada Cadan Siyaad Barre ku la kulmo iyo in kale, waanan isla ogolaanay. Markii wada xaajoodku noo dhamaaday ba, waxan u duulay dhanka Cadan. Subaxnimadii ba Siyaad Barre wuu soo gaadhay Cadan. Mingisto ma imaanin ilaa galabnimadii dambe. Waxan la sheekaystay Siyaad Barre, waxaanu la baxay cidiyahiisa. Wuxu I gu yidhi – hadii uu Mingisto yahay Kacaanyahan dhab ah, waa in u sameeyaa sidii Lenin oo kale, ka na baxaa dhulkayga. Mawqif aad u adag buu istaagay. Waxan ku idhi – ma waxad dareensantahay in aanu Itoobiya kacaan dhab ahi ka curanin, isla markaana Mingisto aanu ahayn hogaamiye hanti-wadaag ah oo dhab ah? Wuxu I gu yidhi – haa, Itoobiya wax Kacaan ahi ka ma curanin. Markii aan Muqdisho la joogay, Siyaad Barre waxa uu I tusay khariirad muujinaysa dhulka Soomaali-wayn, oo ay ku jirto nus dhulka Itoobiya ka mid ahi. Ka dib hadaladii aan Siyaad Barre la yeeshay, waxan la kulmay Mingisto, waxaanan u ga waramay hab-dhaqan ka Siyaad Barre, aniga oo ka codsaday in uu degenaan muujiyo.

 

Dhab ahaan waan ka xumaaday in aan Mingisto Cadan ku marti qaaday, xili amuuro qaydhini ay ka jiraan wadankiisa, iyo xaaladaha sidaas u murugsan, in uu dhagaysto doodda Soomaaliya ee dhul doon ka ah. Waxan la soo qaaday xaaladda ciidamada Itoobiya, waxaanu ii sheegay, in kasta oo ay dhibatooyin iska jiraan, hadana in ayna u muuqanin halis inqilaab oo taagani. Siyaad Barre ayaa durbadiiba hadalka qaatay kolkii uu shir ku furmay. Siyaad Barre waa Janan (General) wax bartay xiligii isticmaarka. Kacaanka Soomaaliya waxa hogaamiyaa waa jananno (generals) awood badan yeeshay xiliyadii gumaysiga. Anigu fikradda aan Siyaad Barre ka qaatay markaas ba way ii cadayd. Wax kale ma aha ee waa uun qof ‘qab-bilaash’ ahi ka dhaadhacsanyahay. Qab-bilaashnimadu waa xaqiiqada ugu muhiimsan ee Siyaad Barre. Hanti-wadaagnimadu waa qolof sare oo uu u ga jeedo uun in uu dadka ku soo jiito. Wadamada Hanti-wadaagga ah ayaa hub ku taageeray, isagu na hanti-wadaagnimada mabdd’a ahaan u ma haysto, dadwaynaha uun buu ku maaweeliyaa. Xisbiguna waxa kaliya ee uu u jiraa waa in uu awoodiisa shakhsi ga ah ku ilaashado. Xukunka Siyaad Barre marka la eego, waxa isku jira is-dhalyo aan dabiici ahayn oo ka timid isku darka niman askar ah oo soo maray iskuuladii gumaystaha, iyo is muujin hanti-wadaagnimo. Isku soo wada duuboo, Siyaad Barre wax ka mid ah Hanti-wadaagnimada ayaa soo jiitay, waxase wadanka si wayn uga jira kala sed-roonaan iyo cadaalad darro. Guud ahaan na, fikradaha dhabta ah ee Siyaad Barre waxay ku qotomaan waa wadaniyad iyo qab-bilaash ah, ma aha Hanti-wadaag.

 

Hadaf kiisu waxa uu yahay waa uun Siyaasad duugowday: saaxiibtinimo iyo ereyo macaan. Siyaad Barre wuxu u hadlaa sida nin xikmaawi ah oo kale; kaliya wuu hadlaa uun. Hogaamiyayaal siyaasadeed oo badan, oo aan aqaano aad buu uga duwanyahay. Hogaamiyayaasha Masar (Anwar Sadat), Aljeeriya (Houari Boumedienne), Mozambique (Samora Machel), Angola (Agostinho Neto) iyo kuwo kale oo badani ba waa shakhsiyado adag. Sidaas oo ay tahay, hadana way ku dhagaysan karaan, ma na aha kuwo qandhadh ah oo mar kasta isla quman. Dhamaantood waa kuwo lala hadli karo. Siyaad Barre wuxu isu qabaa in uu gaadhay figtii ama heerkii u gu sareeyay ee xikmadda. Ilaa iyo imika arimuhu si toosan bay u gu socdaan. Talyaani ga iyo Ingiriis ka ayaa janan (General) ka dhigay. Kacaankii isla daqiiqaddii ba wuu hirgalay, iyada oo aan xataa hal xabadna la ridin. Waji Hanti-wadaag buu soo gashaday, caawimo dhaqaale iyo hub na Soofiyeed ka (Soviet Union) ayuu ka helay. Wadankiisu waa mid muhiimad saraysa leh, isaguna wuxu jecelyahay mudnaanta. Barre aad buu isu gu khushuucsanyahay. Hadalkiisa ku saabsan Hanti-wadaaggu ma aha mid la xamili karo. Waa hanti-wadaag ga ugu wayn; toban erey ma odhan karo isaga oo aan hanti-wadaagnimada soo qaadin.

 

Qaab-hadal kiisa noocaas ah ayuu shirka dhexdiisii Mingisto ku la hadlay. Wuxu bilaabay in uu bixiyo cashar ku saabsan Itoobiya, Mingisto na ka dalbaday in uu yeelo tabtii uu Lenin sameeyay oo kale – ka takhalus Boqortooyada Itoobiyaanka – buu yidhi. Mingisto daganan buu muujiyay, waxaanu yidhi: anaku xal waanu doonaynaa, diyaar na waanu u nahay, waxaana loo baahanyahay in talaabooyin kii u gu horeeyay oo muuqda la qaado si labada dhinac ay is faham u gaadhaan. Siyaad Barre si jeesjees ah buu hadalkaas ka ga jawaab-celiyay, waxaanu sheegay in uu ka niyad jabay Mingisto, hogaanka kacaanka Itoobiya na ay la yimaadeen caqliyaddii Xayle Salaase oo kale uun. Kulan ku wuxu soo bilaabmay 11 kii habeenimo, wax xal ahi na ma soo muuqanin haba yaraatee. Halkaas markii la maraayay, ayuu Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku Xigihii Kuuba) soo jeediyay talo ah in la sameeyo gudi joogto ah, oo xal raadisa, xubno na ay ka yihiin wakiilo ka socda Itoobiya, Soomaaliya iyo Jamhuuriyadii Dadwaynaha ee Yemen. Anaku na (Kuuba) in aanu gudigaas joogtada ah ka mid noqono waxa na gu khasbay gabi ahaan ba qaybihii ka la duwanaa ee shirka ka soo qayb galay. Siyaad Barre wuxu sii waday in uu jilo door kiisii ahaa nin wayn oo xikmad leh, ah na hantiwadaaga u gu wayn iyo, shuuci ga u gu wayn. Isla goobtii, wuxu u hadlay si af-miishaarnimo ah, isaga oo sheegay in waftiga Soomaalidu ay yihin koox talo wadaag ah, kalsooni na ka haysta xafiiska siyaasadda, ayna tahay in uu tashi ku la noqdo marba hadii uu yahay uun qof kaliya oo ka mid ah kooxda.

 

Nasasho gaaban oo waftigiisa uu gooni u gu soo arkay ka dib na, wuxu soo jeediyay wada hadal fool-ka-fool ah oo ay isaga iyo Mingisto wada yeeshaan. Mingisto oo hadaladii hore ee Siyaad Barre awgeed dareemay meel-ka-dhac iyo kalsooni darro, wuxu sheegay in uu kulan ka noocaas ah ogolyahay, laakiin hadda aanu diyaar u ahayn. Waa in la isla meel dhigo arintii gudiga joogtada  ah. Iyada oo kulankii sii socdo, saacaddu na 3:15 habeenimo ay marayso, ayuu Siyaad Barre keenay qoraal uu soo diyaariyay, kaas oo uu ku ogolaaday dhismihii gudiga joogtada ah, laakiin shaqadeeda koobaad uu ka dhigay in ay noqoto xalinta arinta xuduudaha. Taasu waxay ka dhignayd, in shaqada gudigu ay bilawga ba ku dhaqaaqdo arinta dhulka. Maxaa la filan karaa in ay Itoobiya ka ga jawaab-celiso qaabkaas daandaansi ga ah. Intii la gu jiray nasashada, waxan la hadlay Mingisto, ma nuu qarsanin sida uu Siyaad Barre u diidanyahay. Sidoo kale, waxan la kulmay Siyaad Barre, waxaanan waydiiyay in uu dhab ahaan doonaayo in xal la gaadho iyo in kale. Wuxu I gu yidhi – su’aashaas waa in uu Mingisto ka jawaabo. Wuxu sii waday qaab-hadal kiisii kacaanyahanimada ahaa, isaga oo yidhi – qof ay dhab ka tahay hanti-wadaagnimada, kacaanyahanimada iyo shuucinimadu ma aha in uu indhaha ka qarsado waaqica hortiisa yaala. Wuxu yidhi – dhab ahaan Mingisto waa nin adag, talaabooyin adag na wuu qaaday, maxay tahay sababta uu sidaas oo kale go’aan adag oo sax ah u gu qaadan waayay goobtan iyo goortan aynu joogno, ee uu u xalin waayay xaajada meesha taala?

 

Jawiga noocaas ah, waxa I la soo gudboonaatay xaalad adag, oo ay tahay in aan laba uun midkood yeelo – in aan iska aamuso, iyo in aan ka hadlo sida aan u arko mawqif ka Siyaad Barre. Sidaas darted, waxan go’aansaday in aan badheedho sababaha soo socda awgood:

1. In aan afka xidho waxay ka dhignaan lahayd, taageero aan u muujinaayo siyaasadaha Soomaaliya ee ku dhisan qabka bilaashka ah, iyo wixii natiijooyin ah ee ka dhalan karaba. Sidoo kale, aamus kaasu wuxu taageero u noqon lahaa kooxaha dib-u-socod ka ah ee Soomaaliya dhexdeeda.

2. In aanan Siyaad Barre u jawaabin waxay ka dhignaan lahayd, in wax kasta oo hadda ka dib ay wadamada hanti-wadaagga ahi ku caawiyaan Itoobiya, si kasta oo taageeradaasu u yartahayba, in uu Siyaad Barre ku tilmaamo khiyaamo dhabar-jabin ah.

3. Duruufta noocaas oo kale ahi, Jamhuuriyadda Yaman xaalad caynkee ah bay galin lahayd hadii ay Itoobiya ku taageeraan taangiyo, gaadiid iyo madaafiic, oo lagu daabulo maraakiibta Soofiyeed ka?

 

Intaas waxa dheeraa, in aanu Siyaad Barre ku gaabsanin meel-ka-dhacyada uun, wuxu se isku dayay mar dhexe in uu fariin hanjabaad ah gudbiyo, waxaanu yidhi – qof na ma sheegi karo arimahan oo dhami waxa ay inna gayeysiin karaan. Sababahaas awgood baan u dhiibtay badheedhahayga. Waxan sharaxay in aanu Siyaad Barre aaminsanayn in Itoobiya uu kacaan dhab ahi ka curtay, iyo dhacdooyinkii 3dii Febraayo in ay dareenka noocaas ah jawaab-celin u yihiin, iyo in uu Mingisto kacaanyahan dhab ah yahay. Waan sii waday hadalka aniga oo idhi – anaku waxan qabnaa in waxa Itoobiya haatan ka socdaa uu yahay kacaan dhab ah, in dhacdadii 3dii Febraayo ay ahayd marxaladii is bedelka, iyo in Mingisto uu yahay hogaamiye kacaanyahan ah, oo ku hawlan is bedel baaxad leh. Waxan si qayaxan u cadeeyay, in ayna suurtagal ahayn in aanu mawqif ka Siyaad Barre si na ba u ayidno. Waxan sheegay in mawqif ka Siyaad Barre uu halis ku yahay kacaan ka Soomaaliya, Itoobiya midka ka curtayna halis galiyay, isla markaana uu Jamhuuriyadda Yaman xaalad qalafsan galin doono. Sidoo kale, waxan carabka ku adkeeyey in mawqif ka Siyaad Barre uu u faa’iidaynayo kooxaha Soomaaliya dhexdeeda ee dib-u-socod ka ah, iyo dadaal kooda ay kaga hor jeedaan hanti-wadaagga, Soomaaliya na u gu jiidayaan dhinaca Sucuudiga, iyo isticmaarka caalamiga ah. Waxan tilmaamay in mawqif ka noocan oo kale ahi uu xumaynaayo xidhiidhka ay Soomaaliya la leedahay wadamada hanti-wadaagga ah, aakhirkana uu keenayo kacaanka Soomaaliya oo fashilma.

 

Aniga oo doonaaya in aan dareensiiyo masuuliyaddooda taariikhi ga ah, waxan u gacan-haadiyay Siyaad Barre iyo waftiga Soomaalida ah dhamaantood. Waxan idhi – ma u malaynayo in arimahani ay dagaal Itoobiya iyo Soomaaliya dhex mara sababi karaan, , laakiin waan warwarsanahay marba hadii aan ogahay halista dagaalku leeyahay. Ma rumaysni in ay jiraan dad sabab u noqon kara in ay umaduhu dagaalamaan. Ka dib markii aan sidaas cadaan ka ah u hadlay, Siyaad Barre ayaa kolkiiba hadalkii u baxay, in aanu abidkiis dagaal doonin na wuu sheegay. Kacaanyahan ahaan iyo hanti-wadaag ahaan jidkaas anigu ma doorteen, haddiise wadamada hanti-wadaagga ahi ay Soomaaliya ka goosanayaan, waa arin iyaka u taala – ayuu yidhi. Hadda waxan door bidi lahaa, in aan cadaadis badan uun Siyaad Barre saaro, laakiin Mingisto kulan kaas ma ku soo marti qaadeen. Halkaas kolkii ay maraysay, waxan sheegay in aan ayidsanahay kulan madaxeedkan (Mingisto iyo Siyaad) ay isugu yimaadeen, laakiin waxba ma ka odhanin hadaladii meel-ka-dhaca ahaa ee Siyaad Barre uu Mingisto ku yidhi. Waxan sheegay in Kuuba ayna doonaynin in xidhiidhka ay ka goosato kacaanka Soomaaliya, taas badalkeedana, aanu taageernayba. Shirkiina gabi ahaanba wuxu ku soo dhamaaday natiijo la’aan.

 

Immika haddii aynu taageerno Itoobiya, Siyaad Barre xaq u ma laha in uu khiyaamo innagu eedeeyo. Si cad baan ugu sheegay in Itoobiya uu ka socdo kacaan dhab ahi, sidaas dartedna, loo baahanyahay in aannu taageerno. Si kastaba, waxan dareemay in uu Siyaad Barre tabashooyinka sheeganaayo dhinaca Soofiyeedka. Wuxu ka cadhaysnaa shidaal ay ugu ballan qaadeen marar badan oo ka soo daahay, iyo in aanay u soo dirin qalab dayactir iyo cagafcagafyo ay ka sugaayeen. Ambaasatoorkii Soofiyeed ka oo shirka joogay ayaa arintaas tafsiir ka bixiyay, wuxuuna sheegay in sababtu ay tahay Soomaalida oo marar badan waxa ay doonayaan wax ka badalay, taasina ay dib u dhac weyn keentay. Intaas wuxu raaciyay, in nasiib darro ay dhacday, oo markabkii shidaalka Soomaaliya u soo sidday uu dhexda ku degay. Markii aan siyaad Barre warkaas u sheegay, wuxu iigu jawaabay in Soofiyeedku ay beenaalayaal yihiin. Wuxu sheegay in qaladku aanu ka soconnin dhinaca Xafiiska Siyaasadda ee Soofiyeedka, laakiin ay kharbudaad wadaan qaar dhinaca hoose ee maamulka joogaa. Sidaa oo kale, cadhada iyo cambaaraynta Siyaad Barre ee Soofiyeedku marar kalena way soo baxday. Wuxu sheegay in wadankiisa ay biyo yaraani ka jirto, xoolaha, gaar ahaan l’o du ay dhimanayso,. Xiligii muusku bislaan lahaa na ay dib u dahcday. Wuxu sheegay in waxaas oo dhan na sababtoodu ay tahay, mishiinadii biyaha soo saaraayay ee Soofiyeed ku ay bixiyeen oo shaqayn waayay.

 

Marka la eego hab-dhaqan kaas Siyaad Barre, waxa ii muuqata halis wayn. Sidaas darted, ayaan si qayaxan kuu gu sheegay wixii ay ila tahay, oo runna ah, aniga oo aan wax ba maldihin. Waxan jecelahay in aan aragtidayda si daacad ah kuu la wadaago. Wadamada hanti-wadaagga ah dhibaato ayaa haysata. Haddii la taageero Itoobiya, waxan luminaynaa saaxiibtinimada Siyaad Barre. Haddii aan Itoobiya taageeri weyn na, kacaanka halkaas ka curtay wuu fashilmayaa. Taas weeyaan arrinta ugu muhiimsan ee meesha taallaa. Waxa jirtay codsiyo dhawr ah oo ku saabsan caawimo milatari – Hogaamiyaha Liibiya (Qadaafi), Mingisto iyo madaxda Koongo ayay na ka yimaadeen. Intii aanu Afrika joognay, waxan Moosko u soo dirnay Mr Carlos Rafael Rodriguez (Madaxwayne ku xigaha Kuuba) si uu ula soo xaajoodo jaallayaashayada Soofiyeedka, iyo dhinaca Hafaana si uu u la soo tashado hogaanka Kuuba intooda kale. Si aynu u helno xal ka ugu wacan, waa in aan arrintan si gun dheer oo daggen uga fikirno, maankana ku hayno xaaladda guud ahaaneed ee waddammada hanti-wadaagga ah. Intaas oo dhanse waxa ka mudani waa in aan Mingisto wax u qabanno. Annaku haddadanba waxan wadnaa qorshe aan Itoobiya ugu daabulayno hub bakhaaradayada iska yaallay, gaar ahaan hubka fudud ee gacanta oo ay sameeyeen Faransiis ka, Jeegga iyo Biljam ku. Waxa loo baahanyahay in la hubeeyo maleesiyooyin tiradoodu gaadhayso 45000. Hadda waxan diraynaa khubaro military oo maleesiyadaas ku carbiya isticmaalka hubka. Itoobiya waxa jooga dad badan oo ciidanimada ku haboon. Waa in aan carbino ciidamadaas.

 

Geesta kale, dhinaca Ereteriya waxa ka jira xaalad qalafsan. Dhaqdhaqaaqa xoraynta laftooda qaarbaa horusocod ah, laakiin waxa ay ciyaarayaan door dib-u-socodnimo. Jabhadahaas Ereteriya ee gooni-u-goosiga ah waxa taageera wadamada Suudaan, Sucuudiga iyo Masar. Ciidan fiican oo dhaqan ciidanba Itoobiya waa leedahay, waxa ayse u baahanyihiin wakhti ay ciidamadooda ku diyaariyaan. Mingisto wuxu na weydiistay macallimiin illaa 100 gaadhaaya, oo maleesiyooyin ka u carbiya, haddase wuxu na waydiiyay illaa 150 khubaro ah oo ka caawiya sidii ay qaybaha ka la duwan ee ciidamada rigli ga ah u dhisi lahaayeen. Hadadan ba waxa halkaas na ga jooga khubaro la taliyayaal ah. Itoobiya way leedahay dad iyo duunyo ku filan si ay ciidan u dhisato. Maalmahan dambe waxa jiray warar la isla dhex maraayay oo sheegaaya in xoogaga dib-u-socod ka ahi ay laba bilood gudahood Asmara gacanta ku dhigayaan. Kacaanka Itoobiya ka jiraa se waa mid muhiimad aad u wayn leh.

Dhamad…

M Haaruun – mbiixi@gmail.com

 

Badhasaabkii Hore Ee Gobolka Salal Oo Sheegay Inay Ka Tanaasuleen Mawqif Ay Hore Beeshiisu Uga Qaadatay Khilaafkii Doorashada Deegaanku Sababtay una Jawaabay Cali Aareye

$
0
0

57Awdalpress(Hargaysa) 23 jan, 14–Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Muuse Bucul ayaa sheegay in iyaga oo eegaya danta ummadda iyo qaranimadda Somaliland inay ka tanaasuleen mawqifkii beeshiisu ka qaadatay shaqaaqooyinkii iyo khilaafyadii siyaasiga ahaa ee ka dhashay doorashadii deegaanka ee ugu danbaysay, kaas oo ku dooday inay diyaar u yihiin isaga iyo beeshiisa Ciise-ba inay nabadgalyo iyo jaar wanaag kula noolaanayaan beelaha kale ee ay wada degaan gobolkaasi.

Mr Bucul waxa uu sidaasi ku sheegay waraysi khaas ah oo uu shalay Haatuf ku siiyey khadka telefoonka isaga oo ku sugan magaaladda Saylac ee xarunta gobolka Salal, kaas oo uu kaga hadlay arimo badan oo ku taxaluqa deegaanadaasi.

Maxamed Muuse Bucul waxa uu eedo u soo jeediyey rag aanu magac-dhabin oo uu xussay inay isku beel yihiin oo uu ku eedeeyey inay faro-galin ku hayaan arimaha dadka iyo deegaanka gobolka Salal, kuwaas oo uu tilmaamay inay dawladu u dhago-nugushay oo ay wax badan ka waydiiso xaaladaha deegaanadaasi. Ugu horayna isaga oo ka hadlaya xaaladaha deegaanka gobolka Salal, waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Hadii aad xil hayso iyo hadii kaleba waa waajib inaad danta deegaanka iyo bulshadaada ka shaqayso, maadaama oo aanu odayaashii iyo siyaasiyiintii beesha nahayna waajibkii na saarnaa ayuun baanu gudanaynaa meelkasta oo aanu joogno, markaa run ahaantii xaalada deegaanku way wanaagsan tahay dadkii woxogaaga xurgufta ahi ka dhaxaysayna arintoodii way iska dhamaatay oo walaaltinimadii hore uga dhaxaysay iyo wanaagii ayaa maanta ka dhexeysa. Mida kale xaaladda deegaanku markii ay dhacday shaqaaqadii yarayd ee doorashada ka dhacday oo xaaladu yar xumaatay hadana dadku markay is khilaafaan dhinac ayuun buu tanaasulku ka yimaadaan, anaguna wiixi ku dhacay dadkayaga iyo beeshayada markaanu eegnay masuulnimada iyo sidii ay dawladu ula dhaqmaysayna waxaanu ka raacnay qaranimada Somaliland iyo midnimada ummadda inaanu u tanaasulno oo aanu tabashadayada liqno”.

Maxamed Bucul mar uu ka hadlayey Badhasaabka cusub ee todobaadkii hore loo magacaabay gobolka Salal, waxa uu yidhi “Badhasaabka cusub ee Salal mr C/risaaq waa nin aanu saaxiibo nahay oo waa nin aanu aad isku naqaano oo aanu hore-na u soo wada shaqaynay markaa ninkaas hambalyo ayaan leeyahay marka hore inkasta oo uu wasiir ahaa oo hore inuu u sii socdo ay ahayd hadana uu wakhtigu keenay inuu imika badhasaab uu noqdo waan bogaadinayaa, waxaanan u arkaa in la magacaabay wakhtigii ku haboonayd oo uu yahay nin aqoon badan u leh deegaanka iyo dadkaba”.

Badhasaabkii hore ee gobolka Salal Maxamed Bucul mar uu ka hadlayey rag aanu magacaabin oo uu ku tilmaamay afmiishaariin dawladda madaxwayne Siilaanyo u dhago-nugushahay, waxa uu hadalka ku bilaabay “Waxa jira rag aanu magaca oo kaliya uun wadaagno imika ahaana wax hawl ah oo halkan ka taalaa aanay jirin, waxaanay ragaas  oo faro-galin badan ku haya dadku waxay ka mid yihiin carqalada ugu wayn deegaanka Salal ka jirta, waxaana cadayn ah dhibta ay ragaasi ku hayaan dadka xataa xil ka qaadistaydii ayey masuul ka ahaayeen, dawladuna si qayrul-masuulnimo ah ayey ragaasi talo u waydiisaa oo way u dhago-nugushahay ragaasi. Markaa waxa aan leeyahay beesha Ciise waxay leedahay xildhibaano, siyaasiyiin iyo waxgarad badan markaa mawqifka ay xildhibaanadii arinta ragaasi ka hadlay halka ay ka taagan yihiin ayaan aniguna ka taaganahay”. Mr Bucul mar la waydiiyey cida ay yihiin ragaas uu faro-galinta deegaanka gobolka Salal ku eedeeyey iyo inuu cid ka magacaabi karo ayaa waxa uu ku gaabsaday inay ragaasi yihiin shaqsiyaad saamayn badan ku leh siyaasiyada beesha Ciise oo dalka Djibouti iyo Somaliland-ba ku kala nool, kuwaas oo uu ku dhaliilo fidmo iyo carqalad inay bulshadda ka dhex-wadaan isla markaana ay afmiishaaro xukuumada ku xidhan yihiin.

Badhasaabkii hore ee Salal Maxamed Muuse Bucul isaga oo hadalkiisa sii wata, isla markaana ka jawaabay eedo uu dhawaan xildhibaan Cali Aareeye oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland uu ku duray madaxwayne ku xigeenka dalka C/raxmaan Saylici uu xildhibaanka ku dhaliilay inuu hadalo fidmo dadka deegaankaasi ka dhexa abuuri kara inuu warbaahinta mariyey, kaas oo xusay inaanay kula soconin dhaliishaasi.

Haatuf

Wasiir Warancadde Weedhihiisa Siyaasiga Iyo Guulwadaynta Ha U Kala Caddeeyo Shacabka?

$
0
0

Awdalpress(Hargaysa) 23 Jan, 14–Wasiirka Daakhilga ee Somaliland Cali Warancade oo in badan siyaasada Somaliland ka muuqday mudo aad u dheer oo ku dhaw 20 sano, mudadaasna soo maray xilal kala duwan oo uu ka qabtay wasaarado kala gedisan, ayaa dadweynaha ku nool guud ahaan Somaliland waxay aaminsanaayeen inuu yahay nin daacad ah, isla markaana waxqabad ka sameeya kolba wasaarada loo dhiibo, waxaana ka muuqan jiray wakhtiyadaasi hore wasaaradaha loo dhiibo Warancade karti iyo hufnaan uu shaqada wasaarada ku maamulo.

Haddaba mudadii uu xisbiga Kulmiye ka guulaystay dawladdii uu wasiirka ka ahaa Warancadde ee UDUB, isla markaana xisbigoodii noqday mid mucaarad ah oo uu isku dayey siyaasiga Warancadde inuu qabto majaraha xisbigaa, si uu uga faa’iidaysto sumacadda bulshadu u haysay ayaa waxa uu kala kulmay Saaxiibbadii xagal daacin ay ku sameeyeen hankiisii siyaasadeed, isaga iyo siyaasiyiintii kale ee ay isku afkaarta ahaayeena ay ku bireen xisbiga Waddani oo ay u arkayeen mid qunyar socod ah sidii UDUB. Mudada uu ahaa mucaaradka Waddani wuxuu dhaliilaha dawlada ka abaari jiray dhinaca siyaasada khaarajiga, wuxuu warbaahinta inta badan ka sheegi jiray xogo ku saabsan dawlada Muqdisho oo heshay Hub iyo diyaarado iyo duulaan ay ku soo wado Somaliland, arintaas oo keligii uun uu ahaa siyaasiga diiradiisu qabanaysay.

Ka bacdi muddadaasi wuxuu bedelay Wasiirkii Daakhilga ee Duur oo isaga lagu Eedeeyo inuu ahaa nin xilka wasiirnimo dhaqaale inuu helo uga faa’iidaysanaya, waxa la sheegaa inuu musuqmaasuqay lacago amaanka dalka loogu talogalay.

Markii loo dhiibay Warancade wasaarada Arimaha gudaha ayay dad badan aaminsanaayeen inay wasaaradu noqon doonto mid horumarsamaysa, isla markaana ka baxda fadhiidnimadii ay ka dhaxashay wasiirkii isaga ka hereeyay, talaabadii u horaysay ee uu qaadaa waxay noqotay inuu sameeyo gaadiidka ay wataan ciidamda ilaalada nabadgalyada wadooyinka, taas oo ahayd talaabo aad loogu bogay, waxa kale oo uu sumacadiisii hore uu u lahaa warancade u keentay inuu noqdo nin nabad doon ah.

Hadaba marka laga fiiriyo dhanka kale Wasiir Warancade mudada uu xilka hayay Wasaarada Daakhilga waxa ka Abuurmay dhamaan golayaasha deegaanka caasimadaha gobolada ee waaweyn muran iyo is qabqabsi ka dhex dilaacay masuuliyiintii u saraysay magaalooyinkaasi, wasiirku wuxuu Aqoodi waayay inuu kala hagaajiyo murankan maamul ee dhexyimid golayaasha, waxaanay noqotay boog sii fidaysa oo dhawaan noqon doonta nabar weyn oo la daweyn kari waayo, lama garanayo inay tahay ku talogal dhankiisa ah iyo inay tahay khibrad la’aan amase aqoon aanu lahayn maamulka wasaaradan, Waayo waxa uu kulan kula qaatay Hargaysa shalay dhamaan madaxda caasimadaha gobolada lixda ah iyo badhasaabadooda, halkii uu kala hadli lahaa Arinta khilaafka dhexdoodu inay keeni karto burbur ku yimaad hanaankii dawladnimo salkeeda hoose, ayuu kala hadlay waxaad bilaabi doontaan waraaqaha Aqoonsiga ee muwaadinka oo uu ku celceliayay inay Ictiraafka Somaliland wax weyn ka tarayso, weedhaasi siyaasiga ah ayaa u muuqday qaar guulwadenimo oo uu sumcad kaga raadinayo M/weynaha, waayo maalmahan waxaa ka socday TVyada Afka Soomaaliga ku hadla Muqdisho oo waraaqaha Aqoonsiga dadweynaha la siinayo, Puntland oo iyadana Waraaqaha Aqoonsiga dadka la siinayo, Isna taas tu la mid ah ayuu yidhi dalka ayay ka bilaabmaysaa oo lix bilood ayay socosanaysaa, isla markaana uu ku qurxuniayay weedhi siyaasi oo uu leeyahay gooni isku taaga Somaliland ayay muhiim u tahay, Wasiirku miyaanu ogayn in bulshadu ka xog badan tahay? Sawkii odhan jiray Muqdisho cadawgeena weeyi goorma ayuu hadana dadka ka dhaadhicinayaa in Waraaqaha Aqoonsiga mar lala qaato Soomaaliya maamuladeeda? Weliba wuxuu intaas raaciyay markii uu la hadlayay madaxda gobolada iyo degmooyinka cid inaga caawinaysaa ma jirto ee 2 doolar oqfka muwaadinka ahi ha bixiyo, maxaan uga dambayn weynay lix bilood Soomaaliya hadii cid inaga caawinaysaa aanay jirin waraaqahan.

Si kastaba ha ahaatee, Wasiirka Daakhilaga waxaan odhan lahaa ha noqon mid weedhiisa siyaasadeed runta baal marsan tahay, maxaad ku qancin qofka ay u muuqato in waraaqaha Aqoonsiga laga bilaabay Muqdisho iyo Puntland bishan ee Adiguna aad tidhi maamuladii degmooyinka bilaaba ee amar aad ku bixisay? Aawey qalabkii lagu samaynayay Waraaqaha Aqoonsiga sida Soomaaliya oo kale? Aawey kharashkii hawsha lagu qabanayay waadiga sheegay inaan cidi inaga caawinayne ma 2 doolar oo qofka laga qaado ayaa hawsha intaas le’eg qabanaysa? Waxaan u malaynayaa in dadku ku baarugi doonaan Waraaqahan Aqoonsiga ee isku wakhti la isku beegay Somaliland iyo Somaliya inay tahay timir lafbaa ku jirta, waxa kale oo isweydiin leh waxa hay’adihii inaga caawinayay samaysashada waraaqaha Aqoonsiga aad u qarisay.. waxa kale oo xusid mudan waxa khilaafka golayaasha deegaanka ee ay caasimada Somaliland ee Hargaysa ka mid tahay aad mudnaanta uga siisay in Warqadaha muwaadinka oo mar lala qaato Soomaaliya aad u buubuunayso ee indha aad uga qarsanayso baylada Wasaaradaada ka muuqata.

Hashim Goth

Daawo:Warancadde oo tilaam ka bixinaya Caddaalad darrada ay Beesha Dhexe ka wado Somaliland iyo In Cadaalad iyo Sinaan lagu gaadhi karo dawladnimo, Muxuuse ka Aaminsan yahay Khaatumo iyo..

$
0
0

WarancaddeDaawo: Warancade oo tilaam ka bixinayaa Caddaalad darada ay Beesha Dhexe ka wado Somaliland iyo Caddaalad iyo Sinaan lagu gaadhi karo dawladnimo, Muxuuse ka Aaminsan yahay Khaatumo iyo..


Madaxweyne Axmed Madoobe iyo Masuuliyiin kale oo maanta gaadhay Garawe, si weyna loogu soo dhaweeyay.

$
0
0

Madaxweynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Islaam (Axmed Madoobe) iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta ka degey garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Axmed Madoobe waxaa socdalkiisa ku waheliyey,wasiirro ka tirsan maamulkiisa iyo Ra’iisal Wasaarihii horre ee Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi.

Waftigaan uu hor-socdo Axmed Madoobe waxaa soo dhaweeyey madaxweynaha dowladda Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo ku-xigeenkiisa Camey.

Madoobe iyo GaasAwdalpress – garowe – Sidoo kale waxa jidadka u safnaa boqollaal dadweynaha reer Garoowe ah oo a iyaguna ka qeyb-qaatay soo dhaweynta Madaxweyne Axmed Madoobe.

Waftiga maamulka Jubba iyo wafud kalaba waxaa ay Garoowe ugu soo qul-qulayaan si ay uga qeyb-qalaan munaasabada caleemo-saarka madaxda Puntland.

Dhanka kale Madaxweynaha maamulka Ximan iyo Xeeb Cabdullaahi Cali Maxamed (Baarleex) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta ka duulay magaalada Cadaado oo xarun u ah maamulkaas, isagoo ku sii jeeda Garoowe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in uu wafdigiisu uga qaybgalayo Garoowe caleemo-saarka madaxweynaha cusub ee maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali.

Baarleex ayaa sheegay inay maamulka Puntland kala hadli doonaan adkaynta xidhiidhka labada dhinac. Waa markii ugu horraysay ee wafdi ka socda maamulka Ximan iyo Xeeb uu ka qaybgalo caleemo-saar loo samaynayo madaxweyne maamulka Puntland loo doortay.

Awdalpress.com

Fidel Castro’s insight and reflection following his meeting with Siad Bare

$
0
0

German leader Erich Honecker and Fidel Castro conspiring against Somalia in 1977


Published: August 6, 2011

Description:
Transcript of a meeting between East German leader Erich Honecker and Cuban leader Fidel Castro, East Berlin (excerpts) regarding Castro’s visit to Somalia and Ethiopia, criticizing Siad Barre and discussing the need to help the revolution in Ethiopia

Fedal CastroTranscript of Meeting between East German leader Erich Honecker and Cuban leader Fidel Castro, East Berlin,
3 April 1977 (excerpts)

Minutes of the conversation between Comrade Erich Honecker and Comrade Fidel Castro, Sunday, 3 April 1977 between 11:00 and 13:30 and 15:45 and 18:00, House of the Central Committee, Berlin.
Participants: Comrades Hermann Axen, Werner Lamberz, Paul Verner, Paul Markowski (with Comrades Edgar Fries and Karlheinz Mobus as interpreters), Carlos Rafael Rodriguez, Osmany Cienfuegos, Raul Valdez Vivo, Jose Abrantes
Comrade Erich Honecker warmly welcomed Comrade Fidel Castro and the Cuban Comrades accompanying him to this internal conversation on behalf of the Central Committee.
We are very pleased about your visit to the GDR and the opportunity to exchange views about the result of your visit to several African and Arabian countries. On behalf of the Politburo I want to repeat that we consider your visit to these countries as important. I ask Comrade Fidel Castro to take the floor.

[first 16 pages omitted--ed.]

Statements by Comrade Fidel Castro: [...] Before my departure from Aden we discussed with the PDRY leadership the need to do everything possible to arrive at an understanding between Somalia and Ethiopia. I was well received in Somalia. I had asked them not to have any public demonstrations. Siad Barre was very friendly during our first dinner. Prior to my arrival, I had received his reply to a letter of mine regarding the question of relations between Somalia and Ethiopia. I had also sent an envoy to Somalia for discussions with Vice President Samantar and Interior Minister Suleiman. Samantar held to leftist positions, while Suleiman was a representative of the right wing. The discussion of our representative with him was very severe. I had already received considerable information in the PDRY regarding the situation in Somalia. The power and influence of the rightist group continue to increase. The Interior Minister, Suleiman, is doing everything possible to bring Somalia closer to Saudi Arabia and the imperialist countries. Samantar is losing influence. Everything seems to indicate that he is being driven into a corner by the right.
My first evening I wanted to clarify my thoughts about Siad Barre and the Somali revolution. No serious political discussion took place at this dinner; [Siad] Barre explained to me the evolution of the Somali revolution. The next day, we had an extensive sight-seeing program. We went to a Cuban-built militia training center, an agricultural school, a school for nomad children, etc. We were taken around for hours, although we had not yet had a political discussion, and a mass demonstration had been scheduled at noon in the stadium. I understood that they wanted to avoid such a conversation prior to the demonstration. As the demonstration began, Siad Barre and I had still not had a private conversation, and because of this I was very careful. Siad Barre was very arrogant and severe; maybe he wanted to intimidate us.
In my speech to the mass meeting I talked about imperialist policy in the Middle East, the reactionary role of Saudi Arabia, and the actions of other reactionary powers. I did this even though I knew that there was a considerable trend in the country in favor of closer relations with these countries. I talked about the PLO’s struggle, the Ethiopian revolution, and the Libyan revolution, and of progressive Algeria that they want to isolate. I talked about Mozambique, and only at the end about how imperialism is doing everything to reverse the progressive order in Somalia. Siad Barre introduced me to participants of the mass meeting without saying a political word.
Before the mass meeting they had played half of a soccer game. It is unknown whether the soccer game was simply an appendage to the demonstration or vice versa. My speech went against the right wing tendencies and supported the left wing. We observed that almost all of the Central Committee members applauded, with the exception of Suleiman and his people. Samantar was very satisfied, and even Siad Barre seemed content. Nevertheless, the mass meeting was not broadcast live on radio or TV.
Only that evening did we begin to discuss specific problems, at my residence. It was clear to me that we had to be careful because surely the interior minister had installed bugs. This same evening Siad Barre finally talked about Ethiopia. He compared it to the Tsarist Empire and said that Ethiopia was the only surviving colonial power. Thanks to Lenin’s wisdom, the Tsarist Empire had disappeared, but it lived on in Ethiopia. He had proposed to the Ethiopians, some time ago, to establish a federation or even a unification of the two countries. Ethiopia had not reacted then, but was now itself proposing this solution. He spoke very enthusiastically about his efforts to reach a solution with Ethiopia. I used the occasion to tell Siad Barre that I would travel to Ethiopia the next day and asked him if he would be willing to meet with Mengistu. He agreed.
The next day I flew on to Ethiopia. We had earlier agreed that there would be no great reception for me, since at the time they were still fighting the civil war. Shots constantly rang out. Mengistu took me to the old Imperial Palace and the negotiations began on the spot. I found the information that I already had to be confirmed. We continued our negotiations on the following day. Naturally we had to take extensive security precautions. The Ethiopians had come up with a division, and I had brought a company of Cuban soldiers with me. The day of my arrival there were rumors of a coup. It did not happen.
I developed the impression that there was a real revolution taking place in Ethiopia. In this former feudal empire, lands were being distributed to the peasants. Each farmer got 10 hectares. There were also reforms in the cities. It was established that each citizen could only own one house. Plots were made available for housing construction.
There is also a strong mass movement. In the capital, 500,000 people can be rapidly mobilized. In February, our study delegation, after inspecting the army divisions, had determined that of the hundreds of generals, all but two should be chased out. The officers and NCOs have taken over the leadership of the country. Currently, the leadership is considering creating a Party. There is a harsh class struggle against the feudalists in the country. The petit bourgeois powers are mobilizing against the Revolution. A strong separatist movement exists in Eritrea. Threats are coming from the Sudan, while Somalia claims 50% of Ethiopia’s territory. There have been border clashes in this area for 500 years.
Mengistu strikes me as a quiet, serious, and sincere leader who is aware of the power of the masses. He is an intellectual personality who showed his wisdom on 3 February. The rightists wanted to do away with the leftists on 3 February. The prelude to this was an exuberant speech by the Ethiopian president in favor of nationalism. Mengistu preempted this coup. He called the meeting of the Revolutionary Council one hour early and had the rightist leaders arrested and shot. A very consequential decision was taken on 3 February in Ethiopia. The political landscape of the country changed, which has enabled them to take steps that were impossible before then. Before it was only possible to support the leftist forces indirectly, now we can do so without any constraints.
I asked Mengistu whether he was willing to meet with Siad Barre in Aden. We agreed. After concluding my talks I flew on to Aden.
Siad Barre had arrived in Aden that morning. Mengistu did not arrive until the afternoon. I had a conversation with Siad Barre in which he bared his claws. He told me that if Mengistu was a real revolutionary he should do as Lenin, and withdraw from his territory. Siad Barre took a very hard position. I asked him whether he felt that there had been no real revolution in Ethiopia and that Mengistu was not a real leftist leader. He told me that there had been no revolution in Ethiopia. While in Mogadishu he had shown me a map of Greater Somalia in which half of Ethiopia had been annexed.
After my talk with Siad Barre, I told Mengistu about Barre’s attitude, and asked him to remain calm. I already felt bad about having invited Mengistu to Aden while there was still a powder keg situation back in his country and that in such a tense situation he was to hear out the Somalis’ territorial demands.
With regards to my question about the situation of the Ethiopian army, Mengistu said that there were still difficulties but that he didn’t think that there was an acute danger of a coup.
When the meeting started, Siad Barre immediately began speaking. Siad Barre is a general who was educated under colonialism. The revolution in Somalia is led by generals who all became powerful under colonial times. I have made up my mind about Siad Barre, he is above all a chauvinist. Chauvinism is the most important factor in him. Socialism is just an outer shell that is supposed to make him more attractive. He has received weapons from the socialist countries and his socialist doctrine is [only] for the masses. The Party is there only to support his personal power.
In his case there is a bizarre symbiosis of rule by military men who went through the school of colonialism and social appearances. Something about socialism appeals to him, but overall there is still a lot of inequality and unfairness in the country. His principal ideas are nationalism and chauvinism, not socialism.
His goal is old fashioned politics: sweet, friendly words. Siad Barre speaks like a wise man; only he speaks. He is different from the many political leaders that I know. [Egyptian President Anwar] Sadat, [Algerian President Houari] Boumedienne, [Mozambique President Samora] Machel, [Angolan President Agostinho] Neto and many others are strong characters. They can also listen and do not take a dogmatic attitude. One can speak with them. Siad Barre really thinks that he is at the summit of wisdom. Until now everything has gone smoothly for him. The Italians and the British made him a general. The revolution was accomplished in a minute, with hardly a shot fired. He put on a socialist face and got economic aid and weapons from the Soviet Union. His country is important strategically, and he likes prestige. Barre is very convinced of himself. His socialist rhetoric is unbearable. He is the greatest socialist; he cannot say ten words without mentioning socialism.
With this tone he began to speak in the meeting with Mengistu. He began giving a lecture on Ethiopia and demanded from Mengistu to do as Lenin had done: do away with the Ethiopian Empire. Mengistu remained quiet; he said that Ethiopia was ready and willing to find a solution and that there needed to be the first concrete steps on both sides to achieve a rapprochement.
Siad Barre theatrically responded that he was disappointed with Mengistu and that he displayed the same attitude as the Ethiopian Emperor. The Ethiopian revolutionary leadership had the same mentality as Haile Selassie. The meeting had begun at 11 PM and a solution was not in sight.
[Cuban Vice President] Carlos Rafael Rodriguez then proposed the establishment of a standing commission with representatives from Ethiopia, Somalia and the PDRY to find ways to a solution. All the other participants drafted us against our will into this commission.
Siad Barre carried on with his great wise man act, as the great Socialist, the great Marxist. At the same time he spoke demagogically as only one member of the “collective leadership” with a mandate from the Politburo and the need to consult with them on all matters. After a brief recess for consultations with his delegation he proposed direct talks between Mengistu and himself.
Mengistu, who had already become more insulted and mistrustful during Siad Barre’s previous statements, said that he was willing to do so, but not at this time. First the question of the commission had to be resolved.
We continued the meeting at 3.15 in the morning. Siad Barre had prepared the text of an agreement in which the idea of the commission was accepted but which directed that its main purpose should be to solve the outstanding territorial questions between Somalia and Ethiopia. The commission would thus take this approach from the start. How were the Ethiopians supposed to react to such a provocative proposal?
During the break I had spoken with Mengistu, who did not hide his rejection of Siad Barre. I also spoke with Siad Barre and asked him whether he was really interested in finding a solution. He said that Mengistu would have to answer that. He went on with his revolutionary rhetoric, about how real socialists, revolutionaries, and Marxists could not deny realities. He said that Mengistu was in fact a drastic man, one who has taken drastic measures: why could he not decide similarly drastically right here and now to resolve the question?
In this setting I was faced with the complicated question of either speaking my mind about Siad Barre’s position or keeping it to myself. I concluded that I had to speak out for the following reasons:
1. Keeping quiet would have meant endorsing the chauvinistic policy of Somalia, and its consequences. It would also have meant supporting the rightists in Somalia.
2. Not responding to Siad Barre would mean that any subsequent aid from socialist countries to Ethiopia, no matter how small, would be termed by Siad Barre as a betrayal.
3. In what kind of a situation would this put the PDRY, about to support Ethiopia with tanks, trucks and artillery with the help of a Soviet ship?
In addition, Siad Barre had not only been insulting, he was resorting to subtle threats. At a certain point he said that one could not know where all of this could lead.
Because of this, I spoke up. I explained that Siad Barre did not believe that there had been a real revolution in Ethiopia, that the events of 3 February had totally answered this question and that Mengistu was a revolutionary leader. I went on to say that we considered the events in Ethiopia as a revolution, that the events of 3 February were a turning point, and that Mengistu is the leader of a profound transformation. I declared that we could not possibly agree with Siad Barre’s position. I said that Siad Barre’s position represented a danger to the revolution in Somalia, endangered the revolution in Ethiopia, and that as a result there was a danger of isolating the PDRY. In particular I emphasized that Siad Barre’s policies were aiding the right wing in Somalia itself in its efforts against socialism, and to deliver Somalia into the arms of Saudi Arabia and Imperialism.
I said that these policies were weakening Somalia’s relations with the socialist countries and would have to lead to the collapse of the revolution in Somalia. I appealed to Siad Barre’s and the entire Somali leadership’s sense of historical responsibility. I said that I did not think that this would come to a war between Somalia and Ethiopia but that I was worried, since war would be a very serious thing. I do not believe that there are people who would provoke a war between the peoples.
Immediately after my speaking so frankly, Siad Barre took the floor. He said that he would never want war and that as a socialist and revolutionary he would never take this path. If the socialist camp wanted to cut itself off from Somalia then that was the affair of the socialist camp. I had put pressure on him, Siad Barre, but not demanded from Mengistu, to come to this meeting.
Now, I pointed out that I had supported the summit between Siad Barre and Mengistu but did not talk about Siad Barre’s insults vis-a-vis Mengistu. I said that Cuba had no intention of cutting itself off from the Somali Revolution, rather, we supported it. The whole meeting ended without any results.
If we now give our aid to Ethiopia, Siad Barre will have no moral right to accuse us of betrayal, etc. I told him very clearly that there was a revolution in Ethiopia and that we had to help it.
In any case I had detected during my meetings with Siad Barre a certain irritation on his part with the Soviet Union. He was agitated that the Soviet Union was not delivering spare parts or tractors and that oil came too late from the Soviet Union, in spite of repeated promises. The Soviet ambassador has explained the state of affairs to us. The Somalis were repeatedly changing their minds about their requests, which had delayed the matter. In addition, unfortunately the Soviet oil tanker had sunk on its way to Somalia.
As I told Siad Barre this, he called the Soviets liars. He said this was not the position of the Soviet politburo, but rather the result of sabotage by bureaucrats. His irritation and criticism of the Soviet Union also showed in other cases. He went on to say that there was not enough drinkable water in his country and that cattle were dying, the bananas were ripening too late, all because the pumps provided by the Soviets did not work.
Because of this attitude of Siad Barre I see a great danger. That is why I considered it appropriate to give you my impressions truthfully, without euphemisms.
I wanted to discuss my point of view frankly. The socialist countries are faced with a problem. If they help Ethiopia, they will lose Siad Barre’s friendship. If they do not, the Ethiopian Revolution will founder. That was the most important thing about these matters.
[comments on southern Africa, omitted here, are printed earlier in this Bulletin--ed.]
There were several requests for military aid from various sides: [Libyan Leader Moammar] Qadaffi, Mengistu, and the Congolese leaders. During our stay in Africa we sent [Cuban Vice President] Carlos Rafael Rodriguez to Moscow to confer with our Soviet comrades and to Havana for consultations with our leadership. In order to find the best solution we must think through this question calmly and thoroughly and consider it in terms of the overall situation of the socialist camp. Above all we must do something for Mengistu. Already we are collecting old weapons in Cuba for Ethiopia, principally French, Belgian and Czech hand-held weapons. About 45,000 men must be supplied with weapons. We are going to send military advisers to train the Ethiopian militia in weapons-use. There are many people in Ethiopia who are qualified for the army. We are supporting the training of the militia. Meanwhile the situation in Eritrea is difficult. There are also progressive people in the liberation movement, but, objectively, they are playing a reactionary role. The Eritrean separatist movement is being supported by the Sudan, Saudi Arabia, and Egypt. Ethiopia has good soldiers and a good military tradition, but they need time to organize their army. Mengistu asked us for 100 trainers for the militia, now he is also asking us for military advisers to build up regular units. Our military advisory group is active at the staff level. The Ethiopians have economic means and the personnel necessary to build up their army. Rumors have been spread lately that the reactionaries will conquer Asmara in two months. The revolution in Ethiopia is of great significance. With regard to military aid for the PR Congo and the Libyans we have not yet come to a decision.
I had consultations with Boumedienne in Algeria and asked for his opinion. He assured me that Algeria would never abandon Libya. Algeria is very concerned with the situation in the Mediterranean because of its security interests. It is in favor of supporting Libya, as long as military aid is confined to the socialist camp. That is not only a question between Cuba and Algeria. If we succeed in strengthening the revolution in Libya, Ethiopia, Mozambique, the PDRY, and Angola, we have an integrated strategy for the whole African continent.
Algeria would move closer to the socialist camp. It bought 1.5 billion rubles of weapons from the Soviets. Boumedienne thinks that Sadat is totally lost to us. In Syria there is also no leftist movement any more, either, especially after the Syrians defeated the progressive powers and the PLO in Lebanon.
[Indian President] Indira Gandhi gambled away the elections.
In Africa, however, we can inflict a severe defeat on the entire reactionary imperialist policy. One can free Africa from the influence of the USA and of the Chinese. The developments in Zaire are also very important. Libya and Algeria have large national resources, Ethiopia has great revolutionary potential. So there is a great counterweight to Egypt’s betrayal. It might even be possible that Sadat could be turned around and that the imperialist influence in the Middle East can be turned back.
This must all be discussed with the Soviet Union. We follow its policies and its example.
We estimate that Libya’s request is an expression of trust. One should not reject their request. Cuba alone cannot help it.

[remainder of conversation omitted--ed.]
[Source: Stiftung "Archiv der Parteien und Massenorganisationen der ehemaligen DDR im Bundesarchiv" (Berlin), DY30 JIV 2/201/1292; document obtained by Christian F. Ostermann and translated by David Welch with revisions by Ostermann.]

 

 

Collection The Cold War in Africa, The Horn of Africa Crisis
Creator Fidel Castro
Contributor
Type Meeting Minutes
Subject Erich Honecker
Coverage Ethiopia, Germany, Democratic Republic of, (GDR), Somalia

 

 

On Wednesday, 1 January 2014, 12:34, abdi hariir <abdibarud1980@yahoo.co.uk> wrote:

another declassified documents in relation to somali and usa

 

http://wardheernews.com/Articles_2010/May/Memorandum/Ambassador_Addou_and_US_Officials_Meeting_1977_to_1978.pdf

 

Xaabsade halkuu ku dambeeyey, hadalkii ugu dambeeyey iyo dardaarankii uu Somaliland kaga tegeyse ma xasuusataa?, Bal halkan ka dhegeyso.

$
0
0

Hadalkiisa waxa ka dhan dhamaysa qabiil sheeg, waxana uu carrabka ku dhufanayaa in ay isaga iyo Cadami isku yihiin Harti amma Daarood, oo ay labadooda uuni shirka dhex fadhiyaan. Oo dee reerku hadduu is mahadiyey aseenay dadkale doonayn ka sii dhex fadhiyaaba doqon ah, bal hadda nala dhegeyta.


Awdalpress

Caleema saarkii Madaxweynaha Cusub ee Abdiweli Gaas oo u dhacay si heer sare ah iyo xubno ka socda beesha caalamka oo ka soo qayb galay ( Daawo SAWIRRADA ).

$
0
0

???????????????????????????????Awdalpress – Garowe – Xarunta madaxtooyada maamulka Puntland ee magaalada Garoowe waxaa xalay ka dhacday munaasabad ballaaran oo isugu jirtey caleema-saarka madaxda cusub ee Puntland iyo weliba casho-sharaf loo sameeyey boqollaal wufuud ah oo Garoowe u yimid si ay xafladda caleema saarka uga qayb galaan.

hogan9

Khudbado badan ayaa madasha laga jeediyey sidoo kale waxaa lagu soo bandhigay suugaan heeso u badneyd, waxaana goobta ku sugnaa fannaaniin ay kamid yihiin Hibo Nuura iyo hobolka dhaantada caanka ku ah ee Cali Dhaanto.

Wufuudda Garoowe u yimid ka qayb galka xafladda caleema-saarka ayaa ka kala socdey: Qaramada Midoobay; dalalka Maraykanka, Norway, Turkiga, Qadar, Jabuuti iyo Itoobiya; dowladda federaalka iyo maamullada dalka ka jira sida: Jubba; ximin iyo xeeb, Gal-mudug iyo Ahlusunna.

Jewi aad u qorxoon ayey xafladdu ku dhacday, waxaana muuqatay in guddiga qaban qaabada xafladda loo saaray ay dadaal iyo fikir badan geliyeen sidii ay si habsami leh ugu dhici lahayd.

hogan10

DEG DEG Dagaal dhex maray ciidanka Puntland iyo dagaalyahannada Al Shabaab ee buuraha Gal Gala oo ka qarxay Puntland

$
0
0

dagaal2Awdalpress –  Boosaaso – Warar ay shabakadda awdalpress.com ka  heshay  ilo xog ogaal ah, ayaa sheegaya in dagaal xooggani uu dhexmaray ciidammada Puntland iyo Maleeshiyaadka ku duumaalaysta  Buuraha Gala gala ee ku yaalla duleedka magaalada Boosaaso, laguna xidhiidhiyo Al shabaab. Weli lama hayo warar faah faahsan oo ka soo baxaya khasaaraha halkaa uu dagaalku keenay.

Wararka qaar ayaase  sheegaya in ciidmmaada ammaanka Puntland ay weerar ku qaadeen fadhiismmda Al shabaabka Puntland ku leyihiin deegaanka buuraleyda Gal gala.

Weli waxaa socda dagaalka waxaana aad u yar helida khasaaraha soo kala gaadhay dhinacyada dagaalku u dhaxeeyo waxaana goor dhaw la filayaa maamulka Puntland inay ka warbixiyaan dagaalkii ay maanta la galeen Al shabaabka PL.

Waan idinla socodsiin doonnaa waxa ka soo baxa.

Awdalpress.co

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live