Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

US reportedly targets leader of al-Shabaab with Somalia drone strike

$
0
0


Tuesday, September 2, 2014

A U.S. drone reportedly targeted the leader of the Al Qaeda-linked al-Shabaab group in a strike in southern Somalia Monday.

xaaqidii alshabaab

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Members of al Shabaab, al Qaeda-linked insurgents, ride in their pick-up trucks after distributing relief to famine-stricken people outside Mogadishu, Somalia, Sept. 3.Reuters

 

Pentagon Press Secretary John Kirby provided few details about the nature of the operation, the results of which he said were being assessed.

“We are assessing the results of the operation and will provide additional information as and when appropriate,” he said in a statement.

A senior Somali official, speaking on condition of anonymity, told The Associated Press that a U.S. drone targeted al-Shabaab leader Ahmed Abdi Godane as he left a meeting of the group’s top leaders. The official told AP that intelligenceindicated Godane “might have been killed along with other militants.”

 

The official said that the strike took place in a forest near Sablale district, 105 miles south of Mogadishu, where the group trains its fighters. The governor of Somalia’s Lower Shabelle region, Abdiqadir Mohamed Nor, told The Associated Press that as government and African Union forces were heading to a town in Sablale district, they heard something that sounded like an “earthquake” as drones struck al-Shabaab bases.

“There was an airstrike near Sablale, we saw something,” Nor said.

The U.S. action comes after Somalia’s government forces regained control of a high security prison in the capital that was attacked Sunday by seven heavily armed suspected Islamic militants who attempted to free other extremists held there. The Pentagon statement did not indicate whether the U.S. action was related to the prison attack.

Somali officials said all attackers, three government soldiers and two civilians were killed. Mogadishu’s Godka Jilacow prison is an interrogation center for Somalia’s intelligence agency, and many suspected militants are believed to be held in underground cells there.

The Somali rebel group al-Shabaab, which is linked to Al Qaeda, claimed responsibility for the attack that shattered a period of calm in Mogadishu after two decades of chaotic violence. The attack started when a suicide car bomber detonated an explosives-laden vehicle at the gate of the prison, followed by gunmen who fought their way into the prison.

It was al-Shabaab gunmen who attacked the upscale Westgate Mall in Nairobi, Kenya, with guns and grenades last September, killing at least 67 people. Al-Shabaab had threatened retaliation against Kenya for sending troops into Somalia against the extremists. Godane said the attack was carried out in retaliation for the West’s support for Kenya’s Somalia invasion and the “interest of their oil companies.”

 

 


Idaacaddii iyo TVgii dawladda ee ay qabsadeen dadka taageera Mucaaridka Baakistaan ayaa ay ciidammada ammaanku la wareegeen.

$
0
0

Baakistaan

Ciidammada dowladda Pakistan ayey u suurto gashay in ay dib ula wareegaan xarunta TV-ga qaranka Dalkaasi, oo  ay qabsadeen Kooxo dibad baxayaal ah oo ka soo horjeeda Xukuumada Dalkaasi.

Dad dibada baxayaal Cadhaysan oo taageersan Hogaamiyaasha Mucaaradka Dalkaasi ayaa xoog ku galay xarunta TV-ga qaranka Pakistaan, waxa ayna dibad baxayaasha hawada ka saareen Tv-ga Qaranka.

Ciidamada amaanka Pakistan ayaa dib gacanta ugu dhigay xarunta TV -ga Dowlada Pakistaan, waxaana hadda xaruntaasi gacanta ku haya oo ilaalo xooggan ka haya Ciidammada ammaanka Dalkaasi.

Dibad baxayaal Taageersan hoggaamiyaha mucaraadka Imran Khan iyo wadaad dalka aad looga yaqaan oo la yidhaa Tahir Ul-qadri, ayaa Caasimada Dalkaasi waxa ay ka wadaan dibad baxyo ay uga soo horjeedaan Dowlada Dalkaasi , waxana ay ku baaqayaan inuu is casilo Ra’iisalwasaaraha dalkaas Nawaz Sharif.

Awdalpress

Duqayn ba’an oo diyaaradaha Maraykanku u geysteen goob ku taalla shabeellada Hoose oo la sheegay in ay ku shirayeen saraakiisha Al Shabaab laguna dilay rag magac weyn ku leh Al Shabaab.

$
0
0

Diyaaradaha DoroonsAwdalpress – Marka – Wararka laga helaayo Gobalka Shabeellaha hoose, ayaa sheegaya in Diyaaradaha dagaalka Dalka Mareykanku ay duqeyn ka geysteen meelo u dhaxeeya deegannada Haawaay iyo Dhaaytubaako oo ka tirsan Gobalka Shabeellaha hoose. Diyaaradahaasi ay halkaasi la beegsaday illaa iyo siddeed Gantaal oo ay la beegsadeen Xarumo ay ku shirayeen Saraakiil ka tirsan Kooxda Alshabaab.
Duqeynta ayaa dhacday habeenimadii xalay waxaana Duqeyntaasi Xaqiijiyey Sarkaal ka tirsan Mareykanka oo lagu magacaabo John Kirby oo sheegay in Diyaaradahooda ay fuliyeen duqeyntaasi, inkastoo uu sheegay inay faah-faahinta dib kasoo bixin doonaan.

Duqeyntan ayaa waxaa xaqiijiyay Guddoomiyaha Gobalka Shabeellaha hoose C/qaadir Siidii oo la hadlay Warbaahinta ayaa waxa uu tilmaamay in Duqeymaha lala eegtay Hogaamiyaha Al Shabaab, Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Al Shabaab oo xiligaasi ku sugnaa goobta la duqeeyay oo aheyn meel ku dhex taal deegannada Haawaay iyo Dhaaytubaako.

Sarkaalkan Maraykanka ahi waxa uu intaa ku daray, in Duqeyntaasi ay ku soctay xog laga helay Shir halkaa uga socday saraakiisha Al Shabaab, sidaana lagula beegsaday. Waxana uu taageeray sida DF-ka iyo Beesha Caalamka ay uga go’antahay inay jaan-rogaan Kooxda Alshabaab, sida uu hadalka u dhigay.

Dhanka kale, Illaa hadda waxaan si rasmi ah loo hayn khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay duqeyntaasi, iyo haddii ay jiraan waxyeello soo gaadhay saraakiisha sar sare ee Shabaab.

Awdalpress

Wararkii Ugu dambeeyay ee Salaadiinta Awdal/Salal/Gabiley ee Hargaysa Ku sugnaa iyo Gudi Xukuumadu u saartay Dacwadooda

$
0
0

57Awdalpress(Hargaysa) 02 Sep. 14– Xukuumada Somaliland ee uu gadhwadeenka ka yahay Axmed Siilaanyo ayaa caawa soo saartay Gudi uu u xilsaaray eegista iyo dabagalka dacwad qoraal ah oo ay u gudbiyeen M/weynaha gudida Salaadiinta ee gobolada Awdal/Salal/gabilay ee Beelaha Gadabuursi, sidaas waxa u sheegay mid ka mid ah Ergada Salaadiinta ee ku sugan Hargaysa oo la soo xidhiidhay shabakada Awdalpress, wuxuu intaas raaciyay in gudidu ka kooban tahay 7 wasiir oo uu gudoomiye u yahay Wasiirka Gaashaandhiga Cadami, waxa kale oo xubinta nala soo xidhiidhay sheegtay in xubnaha ay ka mid yihiin Wasiirka X/Xoolaha, Beeraha, Boosaha iyo Isgaadhsiinta iyo kuwo kale, sidoo kale wuxuu noo xaqiijiyay in Wasiirka Maaliyadu ka maqan yahay Gudida, Xubintaasi Ergada ka midka ah oo diiday in la magacaabo wuxuu intaas raaciyay in dalabkoodii ahaa in gudi Siilaanyo u saaro Arintooda ay u arkaan Guul ay soo hooyeen, Isla markaana ay ka warsugi doonaan waxa gudidaasi baadhistooda ku saaraan waa sida hadalka uu u dhigaye, waxaanan ku laaban doonaa ayuu yidhi anaga oo guushaas wadna Borama.

Hadaba Salaadiinta ee dhaqanka ee gobolada Awdal/Salal iyo Gabiley ee la xisaabtanka maamulka Siilaanyo u tegay Hargaysa ayaa dadka ka faalooda siyaasada Somaliland u macnaynayaan siyaabo kala gedisan, dadka qaar ayaa Aaminsan in Socdaalka Salaadiintu uGu safreen Hargaysa ay ka dhalatay socdaalkii Siilaanyo ku yimid Borama xili jaamacada Camuud ay ka qalinjabinayeen 621 Arday,taas oo lagu wargeliyay inay Hargaysa kaga daba yimaadaan si loo eego tabasho wixii ay qabaan, taas oo xukuumada Siilaanyo uga dan lahayd inay iskaga qaboojiso mucaaradada ka haysata caasimada Hargaysa ee siyaasiyiin iyo qabailka hargaysa ay ku dhaliilayaan in Siilaanyo dalkii gacanta u geshay Jilibkiisa, markaas waxa la leeyahay cabashada duqayda Samaroon waa mid maamulka Siilaanyo u arkayay inay wax ka tarto nacaybka xukuumadiisa ka haysta gudaha Hargaysa iyo Burco, Arintaas oo durba ififaale laga Arkay.

Mida kale dadka qaarkii oo u badan dhalinyarada ayaa u arka in salaadiintu yihiin wakhtigan kuwo dedaal dheeraad ah muujiyay oo xaqooda u raadinaya, xili badankoodii ay tahriibeen amase deegaano Puntland ka mid tahay u shaqeeyaan. Halka Aqoonyahanka iyo Siyaasiyiinta  gobolkuna ku kala qaybsan yahay qadiyada Salaadiinta, ee qaar u shaqeeya xukuumada Siilaanyo daaha hoostiisa ay ka hagayaan, kuwo kalana ay aaminsan yihiin inay haboonayd wadatashi balaadhan oo la yeesho qaybaha bulshada ee Awdal oo midaysan in lala meel maraa inay fiicnayd, Halka xubno siyaasiyinsiin ahina ay rumaysan yihiin inaan wax midho dhal ahi ka soo baxayn gudi Siilaanyo magacaabo, balse ay ka haboonayd in wakhti la siiyo M/weynaha uu ku arko masuulliyiinta meelaha ay hayaan laga cabanayo iyo in wasiirka damiirkiisu yahay qabiilkiisa keli ah umada loo iftiimiyo lagu ceebeeyo hortooda.

Si kastaba ha ahaatee marka dib loo jaleeco talaabooyinkii iyo talooyinkii u dambeeyay ee gacanta madaxda dhaqanka ku jirtay, ee ay ka midka ahaayeen Ololihii qaadhaan Ururinta Dekeda lughaya iyo Abaabulkii shirweyne Gadabuursi oo bishii dhamaatay qabsoomi lahaa, hase yeeshee madaxda dhaqanku sheegeen in dib loo dhigay ayay dadka badankiisu isweydiinayaan sida mooshinada intaas le’eg ay wada fulinyaan odayaal dhaqameedka oo keli ahi, Maadaama Aqoonyankii iyo intii kale ee indheergaradka sheeganayay ay Arimahan ka madax diinlaynayaan, waxaas oo dhana waxay midho dhal noqon karaan qaybaha bulshada oo Caqligooda mideeya yeeshana wadatashi ay ka soo baxdo Aragti midaysan iyo qorshe cad oo lagu socdo, taas oo meesha ka saaray kolba meel u boodka iyo talo cusub Abuurka, waana mid Jahawareer iyo maanwareer ay ka qaadayaan Qurbajooga goboladan amase bulshadan, oo Aalaaba marka arimaha danta guud ah la qabanayo loo raadsado dhaqaale hawlahaas lagu qabto.

Awdalpress

Hargaysa Desk

Doorashada soo socta ee dalka Ethoipia, loollanka Adag ee ka dhexjira EPRDF iyo Saamaynta durba ee kililka 5aad

$
0
0

Ethio-FlagDawladda fedraalka ah ee dalka Ethoipia oo ah dalka ugu dadka badan bariga iyo Geeska Afrika, isla markaana ah waddanka 3aad ee ugu tiro badan Afrika ayaa sannadka soo socda 2015 waxaa ka dhici doonto doorashooyinka Baarlamaaniga ah ee qowmiyaadka dalkaasi ku dooran doonaan golaha shacabka fedraalka ee dalkaasi, kaasi oo isagu doorta Raysal/Wasaaraha hoggaamin doona waddankaasi Ethoipia, tan iyo wakhtigii la tuuraykeligii taliyihii Mangiste ee xukunkii Dhargiga 1991, waxaa dalkaasi soo xukumayay xisbiga EPRDF oo ahaa kii talada xooga kaga tuuray wakhtigaas dawladii Dhergiga loo yiqiinay.

Xisbiga EPRDF oo ay ku midaysan yihiin Ururradii  Tigraha, Oromada, Axmaarada iyo Shucuubta koonfureed ayaa ah midka ugu weyn ee dalkaasi Ethoipia ka soo talinayay illaa iyo wakhtigii meesha laga saaray dawladdii Dergiga, wuxuuna ku socday fikirkii iyo hogaamintii R/weysaarihii Geeriyooday ee Malas Zinawi, hogaamiyahaasi oo dalka xukumayay muddo 21 sano ah. Waxana uu waddanka Ethoipia kala dabbaashay dhibaatooyin iyo marxalado badan. Kadib markii uu geeriyooaday sannadkii 2012kii, waxa xisbigu isku raacay in uu ra’iisal wasaaranimada dawladda Itoobiya saaro Mudane Hayle Deasale oo ahaa K/xigeenkii R/wasaare Zinawe, haddaba waxaa la isweydiinayaa maadaama doorashadii Ethoipia ay dhici doonto bilawga sanadka 2015 siday wax noqon doonaan, waxaa dhawaan dhici doona shirweyne ay yeelan doonaan Xisbiga talada dalkaasi haya ee EPRDF oo hada uu hogaamiyo R/wasaare Hayle Deasale oo ka soo jeeda Qowmiyada Shucuubta Koonfurta Ethoipia, balse waxaa hada bilaabmay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo siyaasiyiin xisbgaasi ka tirsani ku doonayaan inay majaraha xisbiga qabtaan, waxaana durba muuqda in siyaasiyiin Qowmiyada Axmaaraha ka soo jeedaa ay doonayaan inay hogaanka xisbiga la wareegaan, waxa kale oo jira in Siyaasiyiinta Tegra ee uu ka soo jeeday Zenawi ay doonayaan in Kursigaasi iyaga ku soo noqdo, Inkasta oo Qowmiyada Tigre ay tahay mida haysata amase maamusha Awooda ciidan ee dalka, hadana Qowmiyada Axmaaraha oo iyadu u soo talinaysay Ethoipia in ka badan 200 sano ayaa rabta in xukunka ay ku soo noqdaan, Inkasta oo siyaasadii furfurnayd ee Zinawe ay qowmiyadaasi Axmaaraha dhulka gelisay fikirkoodii ahaa Axmaaraynta qowmiyadaha Ethoipia, Isla markaana qowmiyad walba noqotay dawlad hoosaad is maamul ka tirsan Fedraalka Ethoipia ka mid ah, taas oo kor u soo qaaday Qowmiyadaha qaarkood ee Ethoipia oo xukunkii Axmaara cagta hoosteeda geliyay, waxaana ka mid ah Qowmiyadahaasi la faquuqay Soomaalida, Oromada, Canfarta, Ganbeelaha, Bishanguulka, Tikraha iyo Shucuubta Koonfurta Ethoipia.

Haddaba iyada oo lix bilood uuni ay ka hadhsan tahay doorashada dalkaasi Ethoipia, isla markaana durba loollan siyaasadeed bilaabmay, ayaa waxa muuqata in Qowmiyadda Tigre oo ah awooda Ciidan ee dalka si dadban u maamushaa ay bilaabeen qaar ka mid ah Saraakiishoodu inay siyaasiyiinta ka soo jeeda Tigre ee ku jira EPRDF ku mashquuliyaan sidii tallaabooyin isbedel ah ay uga qaadi lahaayeen Kililada qaarkood sida ka Ismaamulka Soomaalida, Inkasta oo aanay arinta mashquulinta siyaasiyiinta damacu ku jiro ee EPRDF ku koobnayn  Tigre, balse waxa la sheegayaa  saraakiil sarsare oo Tigre ah oo damaca siyaasiyiintooda EPRDF aan la socon,..

Marka aynu hoos ugu gundo degno Kililka Soomaalida Ethoipa iyo doorashada soo socota ayaa waxa muddooyinkan dambe soo baxayey khilaaf soo kala dhexgalay hoggaanka sare ee xisbiga Soomaalida Ethoipia, xisbigaasi oo ah kuwa bahwadaagta la ah EPRDF, khilaafka madaxda kililka Soomaalida Ethoipia ayaa laga baqayaa inay horseedo fawdo iyo colaad laga soo gudbay oo dibu dhac Kililka Soomaalida kuu noqda, maadaama Deegaanka Soomaalida Ethoipia deris la yahay dalka Soomaaliya oo aanay ka jirin dawlad dhexe oo dalka xukuntaa, Maamulka Kililka 5aad ee wakhtigan talada DDSI haya ayaa suurta galiyay in mucaaradkii hubaysnaa ee ka jiray deegaanka uu ka sifeeyo iyo in shacabka deegaankaasi noqdaan kuwo ka soo reeya cadaawadii ay u qabeen Ethoipia, ee ay isku arkayeen in nacayb ku salaysan diin iyo qowmiyad lagaga qaadanayo dhulkooda, isla markaana loogu geysanayo colaad iskugu jira dil iyo boob, waxa bilaabmay wixii ka dambeeyay 2010 in kililku yeesho TV ku hadla Soomaali oo baahiya Ciyaaraha hidaha iyo dhaqanka iyo wararka horumarka ku saabsan, waxa hirgalay dhismaha kaabayaasha Adeegyada bulshada, ha jiraan meel ka dhacyo iyo gefaf gaadhay shacabka qaarkii hadana waxa la dareemayaa inay Abuurantay qowmiya Soomaaliya Ethoipia ah oo jecel dalkeeda iyo Dadkeeda, waxa haboon in la dhayo oo Dawlada fedraalka iyo Xisbiga EPRDF oo iskaashanayaa toosiyaan meelaha uu ka qaloocday maamulka deegaanka Soomaalida Ethoipia iyo Xisbiga bahwadaagta la ah ee ka taliya DDSI, Isla markaana ay iska ilaaliyaan talaabo kasta oo keenaysa Fawdo, taas oo ka dhalan karta kursi nin la saaro nina laga qaado, waxa muuqda ififaale aan la garanayn wax uu ku dambayn doono oo dadka qaar ka saadaalinayaan colaad dib uga hurta kililka Soomaalida hadii wakhtigan faraha lala galo xil ka eryid IWM ah, xalku waa midnimo guud iyo in la fahmo heerka uu marayo kililka 5aad iyo inaan dib loo celin ee hore loo wado, Qabyaalada iyo wixii dhaliilo muuqdana si wadjir ah u saxaan maamulka heer fedraal iyo midka kililka 5aad..dhaqdhaqaaqa siyaasadeed iyo kala riixashada kursiga ee ka bilaabmay xiligan DDSI ayaa dadka ka faalooda saiaayasa Ethoipia cidhibta u saarayaan Ololaha shirweynaha EPRDF ee la doonayo inuu qabsoomo dhawaan inuu saamayn ku leeyahay, maadaama xidhiidh dhaw ay leeyihiin Siyaasiyiinta Tigreega ee hogaanka doonaysa  iyo M/weynaha DDSI…

Awdalpress

Madaxweynaha Somalia iyo wasiirkiisa arrimaha dibadda oo ku soo laabtay Muqdisho ( Daawo Video )

$
0
0

Beyle DucaleAwdalpress – Muqdisho – Madaxweynaha Somalia  Mudane Hassan Sheikh iyo wafdi uu hoggaamiye oo uu ka mid ahaa wasiirka arrimahda dibadda iyo maalgashiga caalamiga ah, ayaa ku soo laabtay caasimadda magaalada Muqdisho. Kadib markii ay safarro ugu bexeen dalka Turkey iyo Kenya.

Wasiirka Arriimaha dibadda Mudane Beyle ayaa ka warbixiyey safarka ay dalalkaa ku soo mareen, waxana uu sheegay in ka qayb galka xafladda Madaxweynaha Turkey lagu caleema saarayey ee lagu casuumay ay sharaf u ahayd. Waxa kale oo uu ka warramay shirka la dagaallanka argagixisada ee ay dawladaha Afriki ku yeelatay dalka Kenya, oo isna muhimad weyn u lahaa.

Xukuumadda Madaxweyne Hassan ee uu hoggaaminayo ra’iisal wasaare Abdiweli Sh. Ahmed ayaa si weyn ugu guulaysatay in ay wiiqaan xooggii ay Al Shabaab iyo kooxaha argagixisada ahi ku lahaayeen koonfurta Somalia. Waxana ay ciidammada DF Somalia oo garab ka helaya ciidammada beesha caalamku ay qabsadeen dhammaanba gobollada koonfurta ee ay xoogga ku lahaayeen Al Shabaab.

Wafdigan Madaxweynaha ayaa waxa maddaarka ku soo dhaweeyey ra’iisal wasaaraha dalka Somalia iyo madax sare oo ka mid ah dawladda Federaalka Somalia.

Awdalpress

WAR DEG DEG AH: Odayadii Gadabuursi oo ku kala qaybsamay war-saxaafadeedkii ay kaga hadli lahaayeen guddigii uu Madaxweyne Ahmed Siilaanyo u saaray tabashadoodii

$
0
0

SALAADIINTA-AWDALAwdalpress – Hargeysa – War naga soo gaadhay ilo xog ogaal ah ayaa sheegaya in oday dhaqameedyadii u socday tabashooyinka saamiga shaqaalaha Somaliland ee gobollada Awdal, Salal iyo Gebilay ay ku leeyihiin Somaliland, ay ku kala jabeen go’aankii ay ka sugayeen Madaxweyne Siilaanyo. Kaasi oo uu khilaafku ka dhacay kadib markii Madaxweyne Ahmed Siilaanyo magacaabay guddi wasiirradiisa ah, si ay u soo eegaan tabashooyinka ay odayadu qoraal ugu gudbiyeen, kadibna  ay si fool ka fool ah uga wada hadleen. Muranka khilaafka dhaliyeyna waxa uu yimid markii ay arrintu soo gaadhay in ay saxaafadda la hadlaan.

Guddigan uu Siilaanyo u magacaabay, ayaa oday dhaqameedyada qaar u arkeen in ay ku jiraan wasiirro ay awal horeba farta ugu godayeen, kuwaasi oo ay ka biyo diideen. Halka Suldaannada qaar ay Madaxweynaha ka oggolaadeen, iyaga oo raalli ku ah guddiga dawladdiisa ka tirsan ee uu u magacaabay.

Haddaba khilaafkan ayaa muujinaya in ay odayadu marka horeba arrintoodu ahaayeen kuwo aan  hoosta isaga xidhanayn oo si deg deg ah loo maamulay. Markii ay Borama ka soo kicitimayeenna waxa qaar ka mid ahi ay saxaafadda awdalpress.com u sheegeen, in ay salaaddiinta qaar aamminsanaayeen in horta shir ballaadhan laga sameeyo arrintan, oo si weyn loo munaaqasheeyo doodda lala shir tageyo. Balse aan deg deg uun loola boodin.

Wixii war ah ee kale waan idinla socodsiin doonnaa.

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga mucaaridka ah ee Wadane oo si mug leh uga hadlay sida aan caddaalad looga fadhiyin xisbiga Kulmiye. ( Video )

$
0
0

Gud.-ku-xigeenka-wadaniAwdalpress – Hargeysa – Mudane Seed oo ah guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga waddani ee mucaarid Somaliland, ayaa waraysi uu sii yey saxaafadda, waxa uu kaga warramay qaabka uu Madaxweyne Siilaanyo ula arrimaha bulshada Somaliland u soo jeediso ee uu diiddan yahay. Waxana uu yidhi:

Awdalpress


DOOD XASAASI AH:Hoggaankii dhaqanka Beelaha Somaliyeed ee soo jireenka ahaa oo siyaasaddii ku milmay.

$
0
0

DoodIlaahay qur’aankiisa waxa uu innoogu sheegay in uu dadka u abuuray shucuub iyo oqabiilooyin, laakiin ka ugu khayr badani yahay, ka agtiisa u dhaw, oo ah ka waajibaadkii uu Alle faray fulay, lagana aqbalay. Iyada oo ay sidaasi tahay, ayaan haddana dhaqan ahaan isku kala qaad qaadnaa qoys qoys, jufo jufo, jilib jilib, beel beel iyo qabiil qabiil. Jaran jarooyinkaa dabiiciga ah ee abtirsiinta iyo ollogga ku dhisan ayaa ah kuwa ay Somalidu dhaqan muddo dheer soo jiray u soo lahayd. Oo nabaddooda, maamulka gudahooda iyo wada noolaashahooduba ku xidhnaa.

Oday, beel daajiye, malaaq, qotin, caaqil, duub, Islaan, Imaan, Suldaan, Ugaas, Garaad iwm ah ayaa ah magacyada hoggaanka beelaha, Jilibyada iyo qabiilka. Hoggaanka magacyadan sitana waxa aan ku soo dhaqmaynay muddo boqollaal sano ah, oo jiilba jiil ka soo dhaxlayey. Wakhtigii gumaysigu yimid dhulkana habkii dhaqan ee noocaasi ahaa meesha kama suulin, ee ninkii caddaa ee dhulka Somalida gumaystay waxa uu taladii dadka dhulka ku noolaa uu u daba fadhiistay hoggaamiye dhaqameedyadii magacyadaa lahaa.

Xilligii gumaysiga ka dambaysayna waxa habkii dhaqanku noqday mid ixtiraamkiisa mudan, shaqadii uu shacabka u hayeyna uu halkiisii ka sii socdo. Dawladihii illaa muddadii xorriyaddii soo talin jirayna ay wada shaqayn la yeeshaan oday dhaqameedyada.

Oday Dhaqameedkii hore

Oday dhaqameed waxa uu ahaa nin garaad badan, oo lagu yaqaan dhaqan diimeed oo toosan, gar yaqaan ah, xeerka Somalidana yaqaan ama ku xeel dheer. Sidoo kale waxa uu ahaa nin daacad ah, oo aan lagu xaman caddaalad darro. Dadkiisna ugu dooda waxa ay xaq u leeyihiin, wixii xaq loogu leeyahayna u sheega.

Wakhtigii hore iyo wakhti walba xeerka Somalidu ma lahayn ama ma oggolahayn oday dhaqameed ka sareeya oday dhaqmeed kale, beel badi sheegata ama odaygoodu ku faanaa way jirtay, laakiin may jirin  beel ku faanta in ay ka fiican tahay beesha kale.

Xilliyada colaadaha ee dadka Somaliyeed dhexdooda colaadi timaaddo ama is dilaan waxa ay oday dhaqameedyadu ahaayeen kuwo ka ciyaari jirey door aad u wanaagsan oo nabad soo celin ah, manay jiri jirin in maxaabiix la kala qabsan jiray la laayo ama si xun loola dhaqmo, dhul lama kala qabsan jirin,  hantida la kala qabsadaana waxa ay ahayd mid xeer ku jirta. Oday dhaqameedyada ayaana xeer fiican ka lahaa oo ka fekeri jiray waxa hadhow taariikhdu qori doonto ee reeraha is garab deggen xeer u noqon doonta. Sidaasi daraaddeed may jirin in la is addoonsado amma si xun loola dhaqmo maxaabiista, haddii ay dadka dagaalka lagu soo qabtay ay dumar yihiinna wixii gabdho ah waa la guursan jiray.

Oday dhaqameedka xilligan

Siyaasadaha cusub ee xilligan bur burka la kowsatay, waxa soo baxay oday dhaqameed-siyaasadeed, inta badan isagu is bokhray, amma kooxi meel mijilis ah ku caleema saartay, kadibna si fiican loo suuq geeyey. Halkii uun kumuu ekaanne, waxa uu u tallaabsaday in uu sheegto magacyo guud oo kaba sarreeya beeshii loo caleema saaray, sida Suldaanka guud, Guddoomiyaha Salaadiinta, Af hayeenka Salaaddiinta iyo Suldaanka Suldaannadaiwm. Dhaqankan cusubi waxa uu wax weyn u dhimay hannaankii soo jireenka ahaa, welina ma helin dad ku soo celiya halkiisii. Sidoo kale waxa iyana taa garab socota, in dhaqankii uu oday dhaqeedku aqoonta u lahaa iyo tayadiisiiba ay meesha ka baxday. Oo aanu oday dhaqameedka xilligani garanaynba xeerkii ay beeluhu isku xukumi jireen amma aanu tayadii oday dhaqameed lahaan jirayba lahayn.

Hab dhaqankan cusub ee noocan ah ayaa waxa dhiirri geliya maamullada la bilowday bur burkan iyo kala googo’an uu dalkii Somaliya la odhan jiray uu ku danbeeyey. Oday dhaqameedka xilliganina waxa uu noqday tusbax furmay, oo aan cidna sheegashadiisa laga xigin. Titles ka ay xilliyadan la baxaan ee aan kor ku soo sheegnayna waa mid xataa suuq joogga ( qaaq laha ) ama baalashlayaashu isugu yeedhaan.

Shaqada uu immiga qabtaa waa siyaasadda oo uu dillaalo, mashaariicda horumarinta oo uu dhiniciisa ka galo, been uu u sheego dadkiisa si uu dhaqaale uga helo iwm. Dhinaca dawladda waxa ay ku  mishahar qaataan la shaqayn hoose oo ay la leeyihiin, sida caadada noqotayna waxa ay kolba la shaqeeyaan xukuumadda jirta oo ay taabacsan yihiin, minshaharka ay qaataanna waa ka badan yahay ka macallinka ama askariga doorka joogaa uu qaato,  oo weliba san dareero u dheer tahay. Oday dhaqameedyada qaarkood waxa ay hanti badan ka helaan qurba joogga dibadda, oo ay ku beer laxawsadaan in ay reerka sumcaddiisa iyo karaamadiisa kor u soo qaadeen. Hawl adagna u hayaan.

Oday dhaqameedka xilligan iyo mujtamaca ay leeyihiin.

Dadka gudaha joogaa way ka warqabaan dhaqanka noocan ah, mana kala jecla, baahida jirta ee ay ku dhex nool yihiin ayaana ay qayb ka tahay. In dadka qaar sidan ku shaqaystaan oo biilkooda ku soo ritaan. Laakiin dadka war moogayaasha ahi waa qurba joogga oo kalee,  had iyo jeer ay oday dhaqameedyada noocan cusub ahi ay u xilli eegaan, lalana eegto wakhtiyada ay siyaasado cusub, amma baahiyo ay ka jiraan dalka. Qurba joogguna kama koraan in ay baran waayaan sida dadka qaar hadal maal u yihiin ee ay beerlaxawsiga beenta ah gondaalka uga dhiganayaan.

Oday dhaqameedyada xilligani inkasta oo ay qurba joogta war-moogga ah ay aad ugu xidhan yihiin, haddana waxba kama oga siyaasadaha ay dillaallaan ee dibadda ka jira ama kaga xidhan dadkooda. Laakiin waxa ay xarfaan ku yihiin in ay horta dadka qurba joogta ah waraystaan, talo weydiiyaan, kadibna sida ay dadkaasi jecel yihiin sheekada u dhigaan. Qurba joogta xiiqsanina maaha dad waxaasi war ka haya, ama og in odaygu dhaqaale uun ka doonayo, ee xammaasadda la geliyey ayaa maskaxdiisa asqaysa, markaasaanu ogayn xaqiiqda iyo waxan uu ku daalayaa inta ay qodan tahay amma xaqiiqadeedu sida ay tahay.

Anigu weligay taageeri maayo oday dhaqameedka xilligan.

Dhawr arrimood midna ku taageeri maayo:

  • In uu ii sheegto guddi, guddoomiye, Af hayeen iyo Suldaanka Suldaannada. Taasi oo aan u arko in uu qalloociyey hab dhaqankii soo jireenka ahaa, ee dadka ama beelaha  Somaliyeed lahaayeen, ee oday dhaqameedyada beeluhu sinnaayeen ee aanu mid midka kale guddi iyo hoggaamiye u noqon. Waxanan u arkaa in uu sheeganayo in uu Madax dhaqameedyada kale iska sarreysiinayo, amma laga sarraysiinayo isaga oo dan gaar laga leeyahay. Taasina ay dhaawac ku tahay madax dhaqameedkayga iyo kuwa kale ee aan iyagu sheegaynayn.
  • In uu wax walba ka shaqeeyo, oo aanu dadka kale shaqada la qaybsanna kuma taageerayo.
  • Oday dhaqameed shidaalkiisu yahay hoo…oo aan oggolayn in uu ummaddiisa la gaajoodona taageeri maayo.
  • Oday dhaqameed dadkiisa qaybiya, oo danta guud marka loo dhaqaaqo boqnaha gooya ama cadawga u adeegana taageeri maayo.
  • Oday dhaqameed khaayin ah, aan daacad ahayn oo aan danta dadkiisu qiimo badan ugu fadhiyinna taageeri maayo.

 

Awdalpress

 

Tacsi ku socota eheladii ay carruurtoodu ku naf waayeen doon ay ku tahriibayeen oo u socotay dalka Talyaaniga.

$
0
0

tacsi1INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN.

Haddii aan nahay bahda shabakadda Awdalpress.com waxa aan tacsi tiiraanyo leh u diraynaa waalidkii iyo eheladii ay ka geeriyoodeen da’yar Somaliyeed oo tiradooda la noogu sheegay 80 qof oo ku naf waayey Doon ay ku tahriibayeen, oo ku bur burtay badda u dhaxaysa Liibiya iyo Talyaaniga. Da’yartaa oo rag iyo dumarba isugu jiray ayaa ka kala yimid gobollada Somalidu degto, gaar ahaan Awdal iyo Burco. Ubsuucan ayeyna ka soo kicitimeen dhul xeebeedka Liibiya, oo ku caan baxay in laga soo maamulo tahriibka lagu beegsanayo Yurub. Waxanan Marxuumiintaa Ilaahay uga baryeynaa in uu Jannadii ka waraabiyo, eheladoodii oo ay waalidkood iyo walaalahoodu ugu horreeyaanna samir iyo iimaan ka siiyo. Si gaarna waxa aan u tacsiyadaynaynaa marxuumadda la odhan jiray Amal Daahir Abdillaahi oo ka mid ahayd dadkaa ay doontu badda kula dhacday.

Masiibadan ay ku naf waayeen da’yartaa Somaliyeed ayaan ahayn markii ugu horreysey ee aan maqallo, waxana ka horreeyey doonyo kale oo sidaa loogu naf waayey. Waxana nasiib darro ah in aanay weli dadka Somaliyeed xal u helin khatartan ay ubadkoodu isku soo biimaynayaan, ee ay rafaadka iyo khataraha badan u soo galayaan. Taasi waxa ka daran, kuwii soo gaadhay Yurub oo badankoodu beerta sii galay, oo aan mustaqbal iyo nolol ku haysan. Amma waayey noloshii ay u soo lug  go’een ee ay rafaadkaa iyo khatartaa u soo galeen.

Allaha u naxaariisto marxuumiintaa, eheladii ay ka baxeenna samir iyo iimaan Allaha ka siiyo.

Aammiin.

Ogysiin: Dadka ku xidhan shabakaddan awdalpress waxan ka codsanaynaa in ay noo soo gudbiyaan magacyada dadka shilkaa doonta ku geeriyooday si aan ugu soo qorro shabakadda.

Ra’iisal Wasaare Abdiweli iyo wafdi dawladdiisa ah oo uu hoggaaminayey oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey gobollada Bay iyo Bakool. ( Sawirrada la socda daawo )

$
0
0

Abdiweli iyo wafdiAwdalpress – Baydhabo jannaay – Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ay ku gaadheen Degmooyinka Baydhabo iyo Tiyeeglowoo oo ka tirsan gobollada Bay iyo Bakool.  Wafiga oo ay ku wehlinayeen Wasiirro, Xildhibaanno iyo Saraakiil ka kala tirsaneyd DF iyo AMISOM. Ayaa si aan caadi ahayn loogu soo dhaweeyey Bay iyo Bakool

Wasiirada Socdaalkiisa ku wehelyey ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Maxamed Sheekh Xasan Xaamud, Wasiirka Hidaha iyo Tacliinta sare Ducaale Aaden Maxamed, Wasiirka Ganacsiga Aaden Maxamed Nuur iyo Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamadda Qalabka sida Cabdirixmaan Maxamed Tuuryare, waxaana halkaasi ku soo dhaweeyay Xubno ka kala socday Maamulka Gobolka, Saraakiisha AMISOM, Qeybaha kala duwan ee Bulshada, Ganacsato.

Soo dhaweynta ay wafdigu kala kulmeen degaannadaasi kadib, ayaa Ra’iisul Wasaare Cabdiweli iyo Wafdigiisu  waxa ay kulan la qaateen saraakiisha Ciidamadda dowladda iyo kuwa AMISOM ee gobolladaasi ku sugan, waxana ay ka wada hadleen howlgalka ka soconaya gobolka Bay iyo sidoo kale xaaladdaha goobihii laga xoreeyay Al-shabaab, waxana uu Ra’iisul Wasaaruhu bogaadiyey sida habsamida leh ee howlgalladu u socdaan.


Kullankaasi kadib Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu halkaasi shir Muddo qaatay kula yeeshay Guddoomiyaha golaha Shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari iyo Wasiirro ka tirsan Xukuumadda oo halkaas sii joogay, isaga oo ay ka wada hadleen qaabka ay u wajahi lahaayen howlaha dib-u-heshiisiinta ee deegaanada koonfur galbeed.

Dhanka kale, RW C/weli oo kulan hordhac ah la qaatay Xubnaha Maamulka iyo Odayaasha, ayaa waxa uu sharaxaad ka siiyey qaabka ay Xukuumadiisu ugu diyaar tahay inay muujiso wada-shaqeyn daacad ah, waxana uu ugu baaqay inay qaataan Nabadda islamarkaana ku shaqeeyaan sharciga iyo Cadaaladda.


Waxa uu u ballan qaaday in DF ay xoogga saari doonto sidii loo fududeyn lahaa wax walba oo Khuseeya Maamulka, si meesha looga saaro murunnada iyo Khilaafaadka.

Ugu dambeyntii RW C/weli waxa uu Odayaasha ugu baaqay inay gogol u dhigaan Siyaasiyiinta iyo Mucaaradka ka soo horjeeda Maamulka si ay dhismihiisa kaalin mug leh uga qaatan.

Awdalpress

Suldaan Dhawal oo ka hadlay arrintii ay oday dhaqameedyada gobollada galbeedku muddaba u joogeen Hargeysa.

$
0
0

Suldaan DhawalAwdalpress – Borama – Muddo dhawr iyo toban casho ah ayaa waxa magaalada Hargeysa ku sugnaa salaadiin iyo oday dhaqameedyo isku xil saaray, xal u helidda tabashooyin dhinaca saami qaybsiga maamulka Somaliland ah, waxana ay halkaa u joogeen in ay Ahmed Siilaanyo iyo dawladdiisa la gar naqsadaan. Waxana natiijadii ay sugayeen isugu soo biyo shubatay, in uu Madaxweyne Siilaanyo markii uu dhageystay dacwaddii odayada ee uu ka guddoomay warqaddii ay u qoreen, uu ka soo saaray dikreeto Madaxweyne oo uu ku magacaabay guddi wasiirradiisa ah oo waa sida uu hadalka u dhigaye,  u diray in ay fiiriyaan cabashada odayada Awdal, Salal iyo Gebilay ka yimid.

Dikreetadaasi oo ay odayadu ka biyo diideen luqadda lagu soo qoray, ayaa ugu dambayntii waxa maanta odayaduna go’aankoodii saxaafadda u sheegay in ay aqbaleen guddigaasi, oo ay sugi doonaan xalka ay ka gaadhaan dacwaddooda. Sidaana waxa sheegay Suldaan Dhawal oo saxaafadda u sheegay in hadalkiisaasi la isku raacsan yahay, cid ka daba hadlaysaana aanay jirin. Dhawal oo warkaa soo jeedinayaana waxa uu yidhi:

Awdalpress

Pentagon: Somali terror group leader killed in U.S. airstrike

$
0
0

 

Friday, September 5, 2014

Breakingnews.

WASHINGTON — The Pentagon says U.S. officials have confirmed the death of the leader of the al-Shabaab terror group in a U.S. airstrike on Monday.

The Pentagon’s press secretary confirmed the death of Ahmed Abdi Godane in a brief written statement Friday.

“Godane’s removal is a major symbolic and operational loss to the largest al Qaeda affiliate in Africa and reflects years of painstaking work by our intelligence, military and law enforcement professionals,” the White House said in a statement.

 


This undated and unlocated picture provided by US website ‘Rewards for Justice’ shows Ahmed Abdi Godane.

U.S. officials had said after the strike on Monday that U.S. special operations forces using manned and drone aircraft had destroyed an encampment and a vehicle using several Hellfire missiles and laser-guided munitions. But they did not confirm that Godane had been killed until Friday.

 

Godane, also known as Mukhtar Abu Zubeyr, is the group’s spiritual leader under whose direction the Somali militants forged an alliance with al Qaeda.

The U.S. has carried out several airstrikes in Somalia recent years.

A U.S. missile strike in January killed a high-ranking intelligence officer for al-Shabaab, and last October a vehicle carrying senior members of the group was hit in a U.S. strike that killed al-Shabaab’s top explosives expert.

Al-Shabaab gained international notoriety a year ago this month when it attacked the upscale Westgate Mall in Nairobi, Kenya, killing at least 67 people. The U.S. strike on Monday targeted Godane and other planners of the bloody assault on the mall, officials said.

Ra’iisal Wasaare Abdiweli oo caddeeyey geerida hoggaamihii Al Shabaab Ahmed Godane

$
0
0

Somali PM wins parliament confidenceAwdalpress – Muqdisho – Intii  maalmahan ahba waxa shaki badani  uu ku jiray Geerida Hoggaamiyaha Kooxda Alshabaab Axmed Cabdi Godane, ayaa waxaa maanta geeridiisa xaqiijiyay Ra’isulwasaaraha Xukuumada Somalia C/weli Sheekh Axmed.

Qoraal ay daabacday Wakaalada Wararka ee REUTERS oo soo Xiganeysa Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya C/wali Sheikh Axmed Maxamed ayaa waxaa lagu sheegay in Ra’iisul Wasaare C/wali uu Xaqiijiyay Geerida Hogaamiyaha Al-shabaab Axmed Cabdi Godane iyo Saraakiil la socday,kuwaasi oo Maalmahaan la hadal hayey geeridooda.

Nuqul ka mid ahaa Qoraalka ay daabacday wakaaladda wararka Reuters ayaa waxa uu u qornaa sida tan “Ummadda Soomaaliyeed waxaan u sheegeeynaa in uu Geeriyooday Hogaamiya Al-shabaab Axmed Cabdi Godane oo lagu dilay Duqeyntii Cirka ee ka dhacday Gobolka Shabellaha Hoose”.

Illaa immga waxa aan weli war rasmi ahi ka soo bixin Saraakiisha Al-shabaab oo ku aaddan Geerida Hogaamiyahooda Axmed Godane.

Awdalpress

Mareykanka oo xaqiijiyey dhimashada hoggaamiyihii Shabaab Axmed Gadone

$
0
0

Calanka-MareykankaAwdalpress– 05 Sep. 14–Dowladda Mareykanka ayaa goor dhow xaqiijisay in hoggaamiyihii Al-Shabaab Axmed Cabdi Godane uu ku dhintay weerar Isniintii diyaaradaha aan duuliyaha wadin ee Mareykanka ay ka fuliyeen gobolka Shabeellaha Hoose.

Warsaxaafadeed caawa ka soo baxay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Mareykanka ayaa lagu sheegay in Wasaaradda gaashaandhigga Mareykanka ay caddeysay dhimashada Axmed Cabdi Godane, taasoo lagu muujiyay inay dhabar jab weyn ku tahay kooxaha Argagixisada qaaradda Afrika.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu sheegay in arrintani ay tahay tallaabo muhiim ah oo horey loo qaaday oo ka dhan ah dagaalka lagula Jiro Al-Shabaab, Islamarkaana dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto dadaalladeeda dhinaca dhaqaalaha, siyaasadda, sirdoonka iyo Militariga ee lagu ciribtirayo kooxda Al-Shabaab iyo guud ahaan kooxaha Argagixisada.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Mareykanka uu sii wadi doono taageerada kuwa ay bah-wadaagta yihiin, gaar ahaan ciidanka nabad ilaalinta midowga Afrika ee AMISOM ee dowladda federaalka Soomaaliya ka taageeraya sidii amni iyo degganaasho ay u heli lahaayeen shacabka Soomaalida.

Dowladda Soomaaliya ayaa saaka sheegtay in shacabka Soomaaliyeed ay maqli doonaan war ay ku farxaan.

Wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa bishii February ee sanadkii 2008-ddii Al-Shabaab u aqoonsatay urur Argagixiso.

RBK


Madaxweynaha Soomaaliya oo xaqiijiyey dilka Axmed Godane

$
0
0

Awdalpress(Muqdisho) 05 Sep, 14–Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hoggaamiyihii Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane lagu dilay weerar Isniinta ay diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanku ka fuliyeen xero tababar oo ay malleeshiyada Al-Shabaab ku leedahay gobolka Shabeellaha Hoose.

War-saxaafadeed caawa kasoo baxay xafiiska madaxweynaha, ayaa lagu sheegay in weerarka ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyuhu wadin ee Mareykanka ay ku geeriyoodeen, Axmed Cabdi Godane iyo dhammaanba xubno kale oo ka tirsan kooxda oo wehliyey.

War-saaxafadeedka waxaa kaloo lagu sheegay in dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ay si buuxda uga war haysey, una  taageertay weerarkii ay fuliyeen diyaaradaha Mareykanka, maaddaama dagaalka lagula jiro Al-Shabaab uu yahay mid caalami ah oo lagu bur-burinayo gabi ahaanba kooxaha Argagixisada ah.

Madaxweynaha ayaa ka mahad celiyey taageerada caalamku ka geysanayo dagaalka lagula jiro malleeshiyada Al-shabaab ee ka dagaallanta Afrikada Bari, gaar ahaanna Soomaaliya.

Warsaxaafadeedka ayaa lagu xusay in Al-Shabaab ay buburtay, ciidanka dowladda oo kaashanaya kuwa AMISOM-na uu ku guda jiro howgalka Badweynta Hindiya ee uu kooxda uga sifeynayo guud ahaanba dalka.

Xasan Sheekh ayaa tilmaamay inay ka warhayaan xubno badan oo ka tirsan Al-Shabaab oo aan fursad u helin inay kasoo baxaan kooxda iyo kuwo u raacay dhaqaale, si ay u maareeyaan nolosha qoysaskooda.

Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud , xusay in xubnaha kooxda Al-Shabaab ay haystaan muddo 45 cisho ah oo ay ugu soo baxaan kooxda, ugana  qeyb qaataan dadaallada nabadda iyo dib u dhiska ee ka socda dalka.

RBK

M/weyne Daawada aad qortay maaha mid daawaynaysa dadka reer Awdal

$
0
0

saylici-iyo-siilaanyoSida dadka badankiisu ka warqabo, waxa dhawaanahan aad loo hadal hayay Jawaabta uu M/weyne Siilaanyo ka bixin doono, tabashada Saamiga Xukuumadiisa la xidhiidha ,ee duqay ka socotay beelaha gobolada ADAl u gudbiyeen, taas oo M/weynaha iyo Waxgaradka goboladaasi kulan garnaqsi ah gorada is geliyeen xarunta  laga xukumo Somaliland, kulankaasi wuxuu ahaa mid fikirkiisa ay ka midaysnaayeen siyaasiyiinta reer Awdal ugu saraysa xaga mansabka Somaliland, Duqayda iyo bulshada qabaha kale ee ay ka koban tahay, inkasta oo ay jireen dad badan oo saluugsanaa god-daloolada ka muuqatay qoraalka duqaydu u gudbisay M/weynaha, hadana laguma kala duwanayn in mar la bandhigo wax badan oo caloosha dadka qaarkii ka guuxayay.

Hadaba M/weyne Siilaanyo ayaa jawaabtiisu noqotay inuu u saaro Gudi si loo daweeyo wixii dhib ah ee laga tirsanayo xukuumadiisa, habase ahaatee waxa muuqata in Dawada uu qoray Siilaanyo aanay ahayn mid dawaynaysa xanuunka foosha xun ee dawladiisu beertay, maxaa yeelay Gabayaa Soomaali ah ayaa tix gabay ah wuxuu ku yidhi “ Nin Dawee la leeyahay dambi uu badh leeyahay, Inuu Daaro ma Ogola, Daaraanta mililka leh “ Waxa ka muuqda qoraalka Madaxtooyada ka soo baxay marin habaw, marka la sii dhuuxana waxa kaaga muuqanaya Jawaabta M/weynuhu bixiyay  inay tahay, in Gudidu uu magacaabay ka soo talo bixiso  in Somaliland tahay BEEL-DEEQ oo aanay ku wada filayn Beelaha ku abtirsada Asal ahaan British Somaliland, balse ay ku filantahay beel ka mid ah beelahaasi, sidaas Awgeedna wixii dheef iyo dhandhamo ah loo daayo hal beel qudha, Inta kalana ay markhaati ka noqdaan amase halkii kale ee u dhaanta u calaf dontaan.

M/weyne Siilaanyo isaga oo ka duulaya halka dunidu manta marayso iyo siyaasadaha caro-edegaynta ee la doonayo in dunidu ku dhaqanto, ayaad moodaa in Siilaanyo iyo Siyaasiyiin kale oo da’diisa ahiba ay Aragtidoodu tahay in dal ahaan iyo dad ahaanba dunidu Soomaalida mid qudha u taqaan, sidaas Awgeedna gooni isku taaga Somaliland ee 1991 Burco lagaga dhawaaqay uu ahaa mid shacabka qaarkii been loogu sheegay, wakhtigaasna lagu degdegay khilaaf ka dhexjiray siyaasiyiintii SNM, taas oo keentay in badbaadadu tahay goosasho.

Hadaba marka talada laga fiiriyo dhinacyo badan, Isla markaana diirada la saaro halka xisaabtu iska xidhi la’adahay Somaliland, waxa kuu soo baxaya inaanay garasho la’aani jirin, la garan la’yahay wax wada lahaanshaha qiimihiisa iyo halka lagu gaadhi karo, hase ahaatee waxa jira is dhegoolayn iyo garashada oo la garab marayo, maxaa yeelay  mar walba maxaa keena in la qadiyo darafyada amase Beelaha aan ahayn SNM, ? maaha xukuumada Siilaanyo oo qudha, ka soo bilaw ilaa C/raxmaan Tuur, marnaba ma dhicin saami qaybsi sax ahi, Shir kasta oo dadka Somaliland ku yagleelayeen dawlad waxaa joogay Waxgarad Miisaan lahaa oo ka socday Beel kasta oo Somaliland ah, Hadana Awrku wuu dheeliyay, waxaana dheeliga samaynayay SNM, bal isweydii hadaad Somaliland Aaminsan tahay ama dhiiga kaaga mudan tahay waxa  loo dheelitiri la’yahay Saami qaybsiga cabashadu ka taagan tahay ?

Si kastaba ha ahaatee, Dad badan oo ka faalooda Siyaasada Somaliland ayaa isweydiinaya waxa odayada reer Awdal dhaqaajiyay xili Xukuumada Siilaanyo wakhtigeedii dhaw yahay ? Arintaas oo aragti ahaan wajiyo kala duwan leh, ayaa mararka qaar loo malaynayaa in dawlada lafteedu dhaqaaqa odayada ku lug leedahay, maadaama xiligeedii dhaw yahay, iyada oo doonaysa in odayada ay dabar ku xidhato si aanay meel kale u jaleecin amase bulshada taageersan ugu sheegaan in xukuumadu tabashadii laga rabay ogolaatay IWM ah.

Hashim Goth

Borama

Xaafadda Xamar Jajab oo Madaafiic kharaase geystay lala beegsaday

$
0
0

xamar jajabAwdalpress – Muqdisho – Ugu yaraan shan qof oo isugu jira dad waaweyn iyo carruur ayaa ku dhaawacmay madaafiic dhowr ah oo caawa ku dhacay xaafado ka tirsan degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha degmada Xamar-jajab, Axmed Cismaan Dhoorre ayaa warbaahinta qaar u xaqiijiyay in shan qof ay ku dhaawacmeen madaafiicda ku dhacay degmadaas, iyadoo aan weli la sheegin cid dhimasho ay kasoo gaartay.

Illaa hadda ma jirto cid sheegatay inay mas’uul ka tahay duqeymahan oo ku soo beegmaya xilli dowladda ka digtay inay dhici karot inay weerarro aar-gudasho ah soo qaaddo Al-shabaab, kaddib dilkii hoggaamiyahoodii.

Xaafado ka tirsan magaalada Muqdisho ayaa caawa lagu garaacay madaafiic, iyadoo aan la ogeyn cidda madaafiicda soo tuurtay, sidoo kalena welina kama aysan hadlin.

Dadka ku nool degmada Xamar-jajab ayaa qaarkood sheegay inay argagax xooggan geliyeen madaafiicda, iyadoo duqeyntan ay imaanayso xilli saddex habeen ka hor ay madaafiic noocan oo kale ah oo aysan weli cidna sheegan kusoo dhaceen xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Madaafiicdii ku dhacay degmada Wadajir ayaa sababay dhimashada iyo dhaawaca dad rayid ah, iyadoo aan la ogeyn halka ay bartilmaameedkooda ahaayeen, waxaana tani ay cabsi weyn gelisay dadka ku nool degmadaas.

Wararka ayaa sheegaya in madaafiicda caawa ku dhacay degmada Xamar-jajab ay ahaayeen kuwo lagu bartilmaameedsanayay dekedda Muqdisho oo ku taalla degmadaas, balse ma jiro madfac ku dhacay dekedda.

Hay’adaha amniga dowladda Soomaaliya ayaan weli ka hadlin madaafiicda caawa ku dhacay degmada Xamar-jajab ee gobolka Banaadir, waxaana tani ay walaac ku abuurtay shacabka ku nool caasimadda Soomaaliya.

Awdalpress

 

Musharraxa Madaxweyne ku xigeenka UCID oo maanta ay taageerayaashiisu si weyn ugu soo dhaweeyeen Caasimadda labaad ee Somaliland Borama.

$
0
0

A  UCIDAwdalpress – Borama – Mudane Abdirashid Xasan-mataan Ahmed oo ka mid ah siyaasiyiinta gobollada galbeedka una sharraxan Madaxweyne ku xigeenka xisbiga mucaaridka ah ee UCID, ayaa maanta si weyn waxa loogu soo dhaweeyey magaalada Borama oo ah caasimadda labaad ee dalka Somaliland. Musharraxa M/xigeenka ayaa meel fagaara ah kala hadlay taageerayaashiisa, waxana uu uga warramay xaaladda uu dalku marayo, oo uu ku sharraxay mid aan la sii eegan karin. Waxa kale oo uu ka hadlay dagaallada Bariga Somaliland ka oogan iyo mawqifka ay dawladda Ahmed Siilaanyo ka qaadatay. Ugu dambayna waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday odayadii gobollada galbeedka oo aanay dawladda Kulmiye qaddarin siin, fara madhanna kala soo noqday cabashadoodii.

Halkan ka dhageyso:

Awdalpress

Gantaalka Godane lagu dilay Gafanayaashana ha lagu gano!

$
0
0

articleSaddex maalmood ayaan sugayey in si rasmi ah loo xaqiijiyo dilka Hoggaamiyaha Argagixisada Soomaaliya “Alshabaab” ee Axmed Aw Cabdi godane. Degdeg ma fiicnee, waxaan dhawraba, hadda, oo uu Kaba Weyne (Maraynkan) caddeeye, oo isagu fuliyey falka dilka horena u qorsheeyey, malaha Godane iyo gafuurro duubtuna horay ugu shaqayn jireen, aan dhawr sadar iyo dhigaal yar sooyaalka u dhigo.

Diinta marka laga saaro saabkeeda RUUXIGA ah, ee lagu doonyeysto, darajo iyo dawladnimana lagu doono, ama laga dhigo dhiig daadin iyo dad ku dhibid, waxay isu rogtaa SHARTA DUNIDA iyo DHIBTA ADDUUNKA ugu daran, qof ka nabad galana ma jiro. Waxay horseeddaa aafooyin iyo uur ku taallooyin aan harin. Intii aan burburka iyo ku jirnay tiiha maamul la’aanta colaadda ugu adag waxay na soo martay 9kii sano ee u dambeeyey, oo ay xoog iyo yeesheen awood lixaad leh WADAADDADII WAALLIDA WADAY, oo ka dhigan in damaca Aadanaha ku jira ka sokow, ay dhib iyo qatar ka weyn leedahay marka diin lagu sii daabo!

In kasta oo dilka Godane yahay mudac, qodax iyo waran umadda Soomaaliyeed ku mudnaa, oo laga siibay, haddana, waxaan ognahay inay joogaan kumannaan Godane, oo qofba si u yahay Godane, hal mid dhimashadiisa kuma nusqaamayaan, balse, midkaa dhibkiisii un baa naga haray, kuwa kalana waa kuu soo gawsa weyn yihiin “Ayax tag eelna reeb!” ama “Waa la buuxaa, waa la badan yahay!”.

Weydiinta baa ah haddii Godane geeriyooday aragtidii xagjirka ahaa, ee uu aaminsanaa ma la geeriyootay? Si kale, Godane ha dhintee, ma la dhinteen fekradaha diin dacareedka ee sanadihii u dambeeyey lagu wada doogtay? Micnaha inta qaar ka mid ah taliskii Godane ay madax yihiin maamuusna helayaan ma suuragal baa in qar iska xoornimadii Godane ay galbato? Waxaa aad murugo iigu haysa; maxaa xigi doona; ma AARAN mise ABAAR kale? Allaw magantaa!

Alshabaab waxaa aasaasay raggii soo cabbay suntii Carabta, ee waliba qandaraasyo badan ku soo qaatay, lacagna ku cunay sidii umaddan loo kala dhantaali lahaa. Ma is tiri; qayb badan oo ka mid ah qorshahaa waa ku guulaysteen? Adi ahaan imisa ayaad ku qiyaasi lahayd Soomaalida aaminsan aragtida Alshabaabnimada? Weydiinta waxaan u dhigayaa waa: maanta ma jiro qoys iyo aqal Soomaali oo aan ku barxanayn sunta Islaamkii dhawaangalka ah, oo waliba aad ugu xoogaystay. Maa runta la isu sheego, kaan qarxin Alshabaab ku ahayn, si kale ayuu u yahay, maxaa yeelay, kaan qori sidan, qarax wadin, qalalaase rabin, wuxuu qabaa isla aragtidii gurracnayd ee Alshabaab, ee liddiga ku ahayd kana hor imaanaysa dhaqanka suubban ee Soomaalida!

Haddii lagugu yiri ama aad is leheed Alshabaab waa laga guulaystay, si qaldan baa wax laguugu sheegay ama aad u maanisay. Cudud ahaan haa, oo gobollo dhawr ah, magaalooyin badan iyo degmooyinba Malleeshiyaadkoodii laga saar, waliba hoggaankoodii qaar badan laga dil, balse, ma ogtahay in hadda iyo wixii ka dambeeya billawday dagaalkii ugu adkaa uguna dhib badnaa? Oo waa dagaalkee? Waa dagaalkii dhaqanka, fekerka, wada noolaashaha iyo mamaamul wadaagga, oo Alshabaab in kooda la qaato ma ahane inta kale aysan rabin.

Waxaan saa kuu leeyahay, ha moodin in ay Alshabaab yihiin kaliya inta qoriga u sidda iyo inta shulugga ku dhuumata ee aan wajigooda dadka tusi karin. Bal Mujaahid geesinnimaa lagu ogaaye, hadduuba wajigii duubtay Jihaad caynkee ah ayuu wadaa?.

Inta wali ay hoggaanka dawladda iyo horyaalka umadda ku milan yihiin kuwii dhalay, barbaarshay oo heerkaan Shabaab soo gaarsiiyey, marna ha filan in Shabaab la dabargooyey, illeyn dabargoynta Shabaab waxaa qayb ka ah in kuwaana laga qariyo wajiyadooda bulshadee.

Godane wuxuu ahaa muwaadin Soomaaliyeed, oo ay dileen rag xisaab xir iyo ay kala dhaxaysay xoog sheegad. Geeridiisu si walba kama duwana qof dhintay, marka laga reebo adigu nacaybka aad u qabi karto, waliba kama geddisna rag intuu dilay in ka badan dilay, rag intuu xasuuqay ka badan xasuuqay, rag intuu xumaan falay ka badan falay, rag intuu qixiyey ka badan qixiyey, raggaa oo xilal sare lagu sharfay, illaa heer madaxweyne ay gaareen, geeridooda ka dibna loo sameeyey Aas Qaran iyo maamuus weyn, looguna magacdaray Garoommo iyo goobo kale. Qaarkood wali hadda ayey xilal yar ama weyn hayaan. Haddaba, aqriste, is weydii; faraqa u dhaxeeya Axmed Godane iyo gafanayaashaa? Maxay is dhaamaan? Maxaa Godane loo nacladayaa kuwaana loogu naxariisanayaaa? Ani ahaan kala duwanaashuhu waa mid qura, oo Godane wuxuu gaadiid iyo buundo ka dhigtay DIIN DACAREED, halka, raggan kalana ay ku gudbeen QABIIL iyo QABYAALAD. Micnaha Godane wuxuu wax ku dili jiray magac diimeed, halka kuwan kale ay wax ku dili jireen magac qabiil.

Marka waxaan arkaa dad badan oo caynaya, nacladaya Godane, balse, hore u oran jiray yaan dadka dhintay wax laga sheegin, oo waxay hormasadeen ayaa horyaale, haddaba, maanta maxaa diiday in Godanana lagu dabaqo qaaciddadaa? Micnaha Godane waa Ahlu Qabuure Alle ha u naxariisto ha la dhaho, maxaa yeelay, rag Godane ka daran ayaad maalin walba dhahdaan Alle ha u naxariistee ama waa halyeeyo una ducaysaane. Ogoow; cadaalad iyo caadifad isku meel ma galaan.

Godane ma ahan masuulkii ugu horreeyey ee ka tirsan xagjirka iyo argagixisada Alshabaab ee gantaal lagu dilo, oo waxaa ugu horreeyey rag ay ka mid yihiin; Cabdalla Suudaani Faysul Cabdalla Maxamad Ibraahim Afgaani IQK, balse, ay ugu muhimsan yihiin;

- Macallin Aadan Xaashi “Ceyrow” 1976-2008, “Ceyrow” 1-dii May sanadkii 2008-dii maalinnimo Khamiis ayuu ku dhintay duqayn ba’an oo Maraykanka ka fuliyey magaalo madaxda Gobalka Galguduud ee (Dahar Dheer) Dhuusa Mareeb. “Ceyrow” Maraykanka ayaa muddo ku daba jirey, kuna ku raad joogey, iyagoo ku eedeeyey inuu xiriir la lahaa Urur weynaha Alqaacida, kana soo dagaallamay waddanka Afghanistan tababar dagaalna ku soo qaatay isla waddankaas.

- Saalax Cali Nabhaan 1979-2009, Nabhaan oo ku dhashay Magaaladda Mombasa ee dalka Kenya April 4, sanadkii 1979kii ayaa isna ku dhintay weerar ka dhacay tuulada Roobow ee ka tirsan Degmada Baraawe ee gobalka Shabeelada Hoose. “Ugaarsiga Argagixisada Umaddaa ku diirsata!

Abwaan Cali Dhuux ayaa isagoo ku diganayey Maxamed Cabdille Xasan markii la jabshay ee u cararay Galbeedka wuxuu tiriyey tix ay ka mid yihiin labadan bayd:

 

“Waa lagu digtaa ruux hadduu kuu darraan jiraye

Bal dayaay wadaadkii wakaas sii dabayshadaye!”

 

Nimankan sida ay dadka ugu darnaayeen ama ula dhaqmi jireen naxariis darrada, ilama ahan inay sugayaan in loo damqado ama laga noxo, in kasta aan digasho waxba tarin oo mayd wuxuu mudan yahay waa maamuus iyo moorayn, xabaal iyo xurmayn, illeen xanuun iyo xaarxaaro (canaan) midna xuubkiisa ma dareemee! Waxaase jira arrin xusid mudan oo ah ninkii kuu daran waa loo darraadaa, kuma sii jirto marka jab ama dhib soo gaaro.

Dhanka kale, madaxda maamulka dowladda waxaa u furan oo horyaal fursado dahabi, oo aad qaali u ah, loogana baahan yahay inay ka faa’iidaystaan, si looga hortago in kooxdan ay dib isu soo abaabusho iyo inaysan saameyn ku yeelan mar kale deegaannada laga saaray, ama aysan kuwa horleh oo cususb u dhismin, ooba laga yaabo inay ka sii xagjirsan yihiin Shabaab, sida; Daacishta Ciraaq iyo Suuriya IWM. Run ahaan haddii aan aragti furan iyo qorshe cad lala imaan, waxaa jira cabsiyo badan oo laga qabo in marka kale tiih diimeedkii lagu laabto.  

Dilka Godane, duullaanka Shabaab lagu yahay, diihaalka shacabka iyo diifta ka muuqata, dib u dhiska dalka iyo dib u dejinta dadka iyo dedaalka dawladnimada loogu jiro waxaa cadaw aan ka yarayn Shabaab ku ah nimankan la wada baxay, loo yaqaan ama isku magacaabay MADAXWEYNAYAAL aniguse aan GAFANAYAAL dhaho. Sida aysan u suuragalayn in Shabaab laga adkaato inta rag aragtidoodii oo kale qaba ay madax yihiin ama maqaam sare hayaan, sida ay bulshada badankeed fekerkaa u cabsan tahay, ayeysan marna suuragal ahayn in la helo dawladnimo iyo nidaam inta ay jiraan kumannaan madaxweyene.

Halkan hoose ka aqriso 11 Madxaweyne oo ka mid ah kuwa hadda ka jira gudaha Soomaaliya;

1-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud (Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya)

2-Axmed Maxamed Siilaan (Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland)

3-Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas (Madaxweynaha Dawladda Puntiland)

4-Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid (Madaxweynaha Galmudug State)

5- C/laahi Cali Maxamed Kadiye Baarleex (Madaxweynaha Ximin iyo Xeeb)

6- Madoobe Nuunow Maxamed (Madaxweynaha Koonfur Galbeed 6-Gobol)

7- Axmed Maxamad Islaam Madoobe (Madaxweynaha Jubba)

8- Maxamed Xaaji Cabdi Nuur (Madaxweynaha Koonfur Galbeed 3-Gobol)

9- Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi (Madaxweynaha Shabelle State)

10- C/llaahi Axmed Maxamad (Madaxweynaha Banaadir State)

11-Cali Khaliif Galayr (Madaxweynaha Khatuma State)

Intan waxaa dheer kuwa ciiddaan ka badan oo aan la soo koobi karin, ee aan inyar ka soo qaadato magacyada maamulladooda hawada ka dhisan;

“Awdal state,  All SSC State, Raas Casayr State, ALL CAYSRLAND, Maamulka Galbeedka Gaalkacyo, Maakhir State, Guryama State, Hiiraan State, Hiiraanland, Dooxada Shabelle, Shabelle State, Doxa State, Celbur State, Gal Hiiraan and Xarer Dhere State, Cenral Somali State, Xarer Dhere State, Mareeg State, Deex iyo Sooy State, Waax iyo Waadi State, Cawl State, Banaadir State (3) ah, Banaadir land, Xamar iyo Xamardaye State, Kofur Galbed State, Jubba Raas State, Alta Jubbaland, Jubba State, Udubland, Azaania State, Jazeera and Jubba State, Wagosha State, Waamo state” IQKB!

Anaa kuu qeexeee, waana sidan; mudane Gaas Qunsuliyad ayuu beeshiisa u raadinayaa. Mudane Cali Galayr Khaatumo ayuu dhexfadhiyaa, maalin waa qaxayaa, maalinna waa qaylinayaa. Mudane Siilaanyo doorasho ayuu ku mashquulsan yahay, oo sheekadiiba waa sii fogeeyey oo cirka ayuu ku shareeray. Gobollada Dhexe, wali waa is hareer marsan yihiin, is garab yaac iyo waxay ku sugan tahay fawdo iyo amar ku taag lahayn ah. Hiiraan waa budo gaar u tuman oo aan la garanayn, sida iyo habka ay ku dambayn doonto. Guddoomiyaha cusub waxaa lagu xantaa inu Xabashi kallaal yahay. Jawhar wali waa rafanaysaa. Xamar ka hadal ma leh, dhan mudane Xasan ayaa lagu dhaggan yahay, dhanka kale shirkaddii Favori ee Turkiga ahayd ayaa la doonayaa in qadka laga saaro, oo loo arkay malaha inay hormar waddo. Kor u sii bax, labada Shabeelle muran xooggan ayaa ka taagan oo maamullada ka dhexjira, wali waa laga qabsi qabaa in dagaal beeleedkii Marka uu dib u qarxo. Baybdhaba waa miino aasan, oo mar walbana qarxi karta, aragti aad u kala fog ayaana lagu kala maamulayaa. Kismaayo wali waa ciirciiraysaa. Bal adba.

Is weydii aqriste, kuwan tirada badan, ee nin walba tuulo, barrin, goof, gal, magaalo iyo degmo inta xaarxaartay isku magacaabay Madaxweyne, ma dalkaa u baahan mise waxay qayb ka yihiin dhammaystirka hannaanka dawladnimo? Damaca xaddhaafka ah ee nagu dhacay iyo cudurka madaxtinimo doonka ah ee na haleelay ayey caddayn u tahay, ee run ahaan xanuun ka weyn ma jiro, nin tuulo ka dhex quuqle ee isu haysta inuu taliye yahay ama talo hayo, ee aan waliba iskula yaabayn, isku shiixayn, isku xishoonayn. Sarriig iyo dadnimo dhinte!

Ugu dambayn. Soomaalidu waxay u baahan tahay saddax “CELIN” laba waxaa u baahan BULSHADA, midna waxaa u baahan MADAXDA. Labada ay BULSHADU u baahan tahay, waa: DHAQAN CELIN iyo AF CELIN. Dhallinta daamanka qalimmada iyo xarriiqyada midabaysan ku leh, ee sanka iyo dhagaha duratay waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN, sidoo kale, Qaad-cuneyaasha, Dableyda, Ugaas dillaalka, Jeneraal Xarrago waxay u baahan yihiin DHAQAN CELIN. Kuwa aan AF, ERAY, ARAR iyo AFARREEYNA aqoon waxay u baahan yihiin AF CELIN. Midda MADAXDU u baahan tahay, waa: BULSHO U CELIN! Oo ah in MADAXDAN bahallada noqotay, ee aad uga fogaaday BULSHADA in DIB LOOGU CELSHO, loona dhigo sida BULSHADU tahay, waxa ay u baahan tahay, waxa ka maqan, waxa ka dhimman IWM.

 

“Dulli baa ku dhaca duul haddey war iska diidaane

Duqaydiyo waxaay caasiyaan duubabkiyo shiiqe

Dibadday wareegaan markii darar la maalaaye

Duul kalaana soo dega halkay dan u lahaayeene”.

 

Abwaan Jimcaale Dhegataag, 1960.

 

Bashiir M. Xersi

brdiraac@hotmail.com

 

 

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live