Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all 7395 articles
Browse latest View live

Daawo: Shir laga hadlayay Mashaariicda Horumarinta G/Awdal oo ay ka soo qaybgaleen Madaxdhaqameedo, Aqoonyahan iyo Ganacsatada G/Awdal

$
0
0

Daawo: Shir laga hadlayay Mashaariicda Horumarinta G/Awdal oo ay ka soo qaybgaleen Madaxdhaqameedo, Aqoonyahan iyo Ganacsatada G/Awdal..


Dalal lagu eedeeyay inay maalgeliyaan Al-Shabaab

$
0
0

 

Al-Shabaab-afduub

Awdalpress–17 Oct, 14–Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan dabagalka hubka Soomaaliya ayaa sheegtay inay jiraan waddamo ku yaalla Gacanka Carbeed oo maalgeliya Al-Shabaab, kuwaas oo ay ku tilmaantay inay lid ku yihiin dedaallada lagu doonayo in meesha looga saaro argagixisada.

Dalalkaas ayay kooxdu ku sheegtay inay kala yihiin; Imaaraadka Carabta, Cumaan, Kuwait iyo Sacuudiga, oo lagu helay inay si sharci-darro ah uga iibsadeen Al-Shabaab dhuxusha Soomaaliya oo sanadkii 2012-kii uu ka ganacsigeeda mamnuucay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Warbixinta kooxda dabagalka hubka Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in wada-shaqayn xumida dhanka dowladda ee waaxda dabagalka hubka ay caqabad ku tahay in baaritaan buuxa lagu sameeyo arrintan.

Dhuxusha loo dhoofiyo waddamada Khaliijka ayaa sanad kasta waxaa ka soo gala Al-Shabaab lacag gaaraysa ugu yaraan $250 milyan.

Warbixinta ayaa imaanaysa xilli ay ciidamada dowladda federaalka ah ee Soomaaliya oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AM
ISOM la wareegeen gacan ku haynta degmada Baraawe oo ay ahayd magaaladii ugu muhiimsaneyd uguna dambeysay ee ay haysatay Al-Shabaab.

RBK

Madaxweynaha Soomaaliya oo shirkadaha Faransiiska ku dhiirrigeliyay maalgashiga Dalka Soomaaliya xili uu booqanayo Faransiiska

$
0
0

Xasan-Sheekh-Awdalpress(Paris) 17  Oct, 14–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dalka Faransiiska kula kulmay hay’ad ganacsi oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 6,000 oo shirkad, kuwaas oo uu ku dhiirrigeliyay inay maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tilmaamay inuu soo hagaagayo amniga Soomaaliya oo shirkadaha doonaya inay maalgashadaan dalka aanay wajaheyn halis badan.

Madaxweynaha ayaa wakiillada shirkadaha u sharraxay inay xilligan faa’iido badan ku jirto ganacsiga Soomaaliya maadaama uu yar yahay tartanka dhinaca ganacsiga.

Maanta ayuu madaxweynaha dib ugu noqday magaalada Muqdisho, kaddib markii uu socdaal ku tagay Faransiiska oo uu sidoo kale kulan kula soo qaatay madaxweynaha dalkaas Francois Hollande.

RBK

Daawo: Salaadiinta Galbeedka ee Awdal/Salal oo Boorama kaga baaqay Ilaalinta Amaanka Wadamada Jaarka ah ee Ethoipia iyo Djibouti, Hayadaha Amnigana ee Somalilandna Uga Digay Inay Ka Been-Sheegaan Khatarta Nabadgalyo Ee Deegaanadooda laga dareemo…

$
0
0

newsDaawo: Salaadiinta Boorama oo ku baaqay Ilaalinta Amaanka Wadamada Jaarka ah ee Ethoipia iyo Djibouti, Hayadaha Amnigana ee Somalilandna Uga Digay Inay Ka Been-Sheegaan Khatarta Nabadgalyo Ee Ay Dareemaan…

BAAQ TAAGEERO AH SHIRWEYNIHII XISBIGA XDSHSI EE LAGU SOO GABAGABEEYAY FIIQ

$
0
0

Anaga oo ah qurba joogta ka soo jeeda gobolada Faafan iyo Shiniile iyo Ismaamulka Diridhaba, gaar ahaan deegaanada kala ah Awbarre , Danbal iyo caasimada Jigjiga ee Dawlad deegaanka Somalida Ethiopia. Waxaan taageero buuxda oo dhinacyo badan leh aanu la garab taaganahay , isla markaana Hambalyo u diraynaa guulaha wax ku oolka ah ee ka soo baxay shirkii 8aad ee xisbiga XDSHSI, shirkaasi oo ka dhacay caasimada gobolka Nogob ee Fiiq,sidoo kale waxaan taageero baaxad leh u muujinaynaa Maamulka DDSI oo ah mid ku dhisan wax wadaqabsi muuqda iyo horumarka balaadhan ee uu qabtay maamulka suuban ee dib u curashada DDSI, waxaana waxqabadka muuqda keenay oo hormood u ah Mudane Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar, kaas oo aanu la garab taaganahay taageero balaadhan hadaanu nahay qurba joogta deegaankaas waxaan ku hambalyeynayna wax qabadka iyo kartida iyo hufnaanta uu muujiyey mudadii uu xilka hayey Madaxweynuhu.

Waxaa kale oo aan hambalyo iyo Taageeraba u diraynaa sidii uu u qabsoomay Shirweynihii 8aad ee xisbiga dimuqraadiga shacbiga soomaalida Itoobiya ee lagu qabtay Magaalada Fiiq iyo goaamadii dhaxal galka ahaa ee ka soo baxay, go’aamadaasi oo aan u aragno kuwo dhaxalgala oo gaadhsiinaya shacabka DDSI horumar iyo badhaadhe.

Madaxweyne Cabdi Maxamuud Cumar waa madaxweynihii ugu horeeyey deegaanka horumar intaa leeg gaadhsiiyey, haday noqon lahayd xaga dhismayaasha wadooyin, ceelasha biyaha, waxbarashada, caafimaadka iyo dhismaha Wadooyinka iyo weliba sida loo hirgaliyay maamul daadajin oo ilaa heer qabalee shaqaynaya. Waxanu mudane hiil iyo hooba kuu haynaa hadaan nahay qurbajooga deegankaas kasoo jeeda wixii dalka iyo dadkayaga DDSI u baahan yahay ee taageero ah diyaar ayaan kuulanahay, sidoo kale waxa aanu kugu hambalyaynaa dadaalka aad wado dhinac walba, waxa aanu kugu hambalyaynaa argtida fog ee aad deegaanka kililka 5aad ee Soomaalida Ethoipia ku horumarinayso ee ku dhisan aqoonta aad umadaada ku hagayso ayna ku dheehan tahay Kartida iyo Hufnaanta aad muujisay mudane Madaxweyne.

Waxa aanu hambalyaynaynaa Madaxweyne ku xigeenka cusub ee ee Dawlad deeganka somalida Ethiopia Mudane Mawliid Haayir iyo xubnaha kale oo ah shakhsiyaad karti , aqoon iyo daacadnimoba leh oo u qalma xilalka loo magacaabay, Mudane Mawliid iyo xubnaha kale ee la doortay waxaan leenahay ilaahay ha idiin fudaydiyo xilkaas culus ee la idin saaray, ilaahayna ha idinka dhigo kuwa DDSI iyo shacabkooda Ethoipia Anfaca, dalkiina iyo dadkana si daacada ugu shaqeeya.

Magacyadaya Qurba joogta Hambalyada dirayaanaa waa sidan.

1. Prof.Axmed Muxumed Nuuri (Cuday)

2. Dr.Hassan Maxamuud Maxamed

3. Dr.Bashiir Cabdi Cabdilaahi

4. Hassan Haaji Maxamuud

5. Maxamed Axmed Xaaji Muuse

6. Yacquub Xasan Barkhad

7. Ahmed Deheeye

8. Mahdi Cali Aaden

9. Eng.Qaasim Aw Xuseen Tuur

10. Ahmed Cali Aadan

11. Saciid Muuse Jibriil

12. Xuseen Cabdi Ismaaciil

13. Dr.Foosi Abdi Ismaaciil

14. Eng. Mahdi Xuseen Suldaan

15. Prof. Mahdi Cabdi Ducaale

16. Eng. Cabdirahman Gabalaax

17. Sh. Cabdi Daauud Xuseen

18. Axmed Xuseen Aleel

19. Muumin Xasan Sh. Muumin

20. Maxamed Idiris Camash

21. Dr.Khaaliid Maxamuud Aare

22. Jamaal Xaaji Cumar Aare

23. Dr. Fuaad Daahir Jibriil

24. Prof. Abiib Daahir Caamir

25. Kayse Cabdilaahi Hoori

26. Abiib Barkad Suldaan

27. Qareen.Bashiir Sh. Xaamud Sh. Ahmed

28. Dr. Baashe Cumar Muumin

29. Fuaad Barkhad Cumar

30. Cumar Muxumed Cumar Tahliil

31. Dr. Haaruun Cumar Qaadi

Baarlamaanka Dawlad Deegaanka Soomaalida Ethoipia oo Ansixiyay Golaha Cusub, Isla markaan xubnihii Amar diida sameeyay Erigooda u codeeyay

$
0
0

jigjigaAwdalpress(Jigjiga) 17 Oct, 14–Golaha baarlamanka DDSI oo shir ku yeeshay hoolka shirarka ee Kililka, ayaa lagaga hadlay arimo ay ka mid ahaayeen ansixinta xubnaha cusub ee golaha capinetka DDSI.

Shirkan baarlamanka ayaa waxaa xilkii laga qaaday Hanti dhowrkii guud iyo qaar kamida xubnihii golaha capinetka oo ay kamid ahaayeen labadii madaxwayne kuxigeen ee C/fataax Macalin iyo C/laahi Yusuf Weerar. Waxaana lagu ansixiyay gole Capinet oo cusub oo ay kujiraan laba madaxwayne kuxigeen oo cusub.

Magacda xubnaha capinetka Cusub ee baarlamanku maanta ansixiyay waxaa kamid ah:-
1.Mudane Mawliid Haayir, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Waxbarashada ee DDSI.
2.Marwo Sucaad Axmed Faarax, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xaf. Xoolaha, Beeraha iyo Hor/Miyiga DDSI.
3.Mudane C/xakiim Cigaal Cumar, madaxwayne kuxigeenka ahna wasiirka Xaf.H/guud iyo dhismaha warshadaha DDSI.
4.Mudane Aadan Kuusaw Cali, Hanti dhowrka guud ee DDSI.
5.Mudane C/casiis Maxamed Cabdi, Madaxa Xarunta dhexe ee XDSHSI lehna awood M/wayne kuxigeen.
6.Mudane Yaasiin Cabdi Waris, Hogaanka Nabadgalyada iyo Cadaalada DDSI.
7.Mudane Axmed Maxamed Shugri, Madaxa wakaalada Dakhliga DDSI.
8.Mudane Khadar Cabdi Ismaaciil, wasiirka Ganacsiga iyo Gaadiidka DDSI.
9.Maajida Maxamed Maxamuud, wasiirka Adeega shacabka iyo kobcinta awooda.
10.Mudane C/jamaal Axmed Qaloonbi, wasiirka Xeer Ilaalinta iyo Cadaalada guud ee DDSI.
11.Mudane Maxamed Daahir Ismaaciil, madaxa Kahortaga iyo u diyaargarowga masiibooyinka DDSI.
12.Marwo Raxma Maxamuud Haybe, wasiirka Arrimaha Haweenka, Dhal iyo Caruurta ee DDSI.
13.Eng.Idris Ismaaciil Cabdi, Wasiirka Xaf. Xidhiidhka dawlada, Dhaqanka iyo dalxiiska ee DDSI.
14.Mudane Naasir Axmed Madaxa Xaf.Tababarada, Xirfadaha iyo Farsamada (TVET-ka) ee DDSI.
15.Mudane Salaad Cismaan Madaxa Wakaalada Jidadka ee DDSI.
16.Dr. Cumar Maxamed, Kuxigeenka Wasiirka Caafimaadka ahna kusimaha Xaf. Caafimaadka DDSI.
17.Marwo Fartuun Cabdi Mahdi, Wasiirka Hor. Khayraadka Biyaha ee DDSI.

Awdalpress Jigjiga

IOM oo xafiisyo u dhistay dowladda hoose ee Saylac

$
0
0

iom_promo_logoAwdalpress(Saylac) 19 Oct, 14–Hay’adda socdaalka Adduunka ee IOM ayaa xafiisyo u dhistay dowladda hoose ee degmada Saylac ee gobolka Awdal.

Guddoomiye ku-xigeenka golaha deegaanka demada Saylac Sacad Daahir Cige ayaa Bar-kulan u sheegay in hay’adda IOM ay dowladda hoose u dhistay saddex xafiis, si loo fududeeyo howlaha shaqo ay u baahan yihiin bulshada ku nool degmada.

Sacad ayaa hay’adda IOM uga mahad-celiyay taageerada ay u muujisay dowladda hoose ee degmada Saylac, isaga oo tilmaamay xafiisyadaasi ay yihiin kuwa baahi weyn loo qabay.

Wuxuu dhanka kale sheegay in maamulka degmada uu wado mashaariic dhanka waxbarashada, diinta iyo caafimaadka oo ay ka hirgelinayaan tuulooyin dhowr ah oo hoos taga degmada.

RBK

Saylac: Shirkadaha Kaluumaysiga ee Horn Fish iyo Gulf of Aden oo ku midoobay shirkad keli ah..

$
0
0

kaluunSaylac: Shirkadaha Kaluumaysiga ee Horn Fish iyo Gulf of Aden oo ku midoobay shirkad keli ah..


Waraysi uu Wariye Mohamed Abdillahi oo la yeeshay Roger Martin ah guddoomiyaha shirkadda EMA ( halkan ka daawo )

$
0
0

daawo roger-martin-gudoomiyaha-shWeriye Mohamed Abdilahi oo ka mid ahaa wariyayaashii ka qayb galay shirkii ganacsiga Somaliland iyo UK ee qabsoomay 14kii October 2014. Ayaa fursad u helay in uu waraysto guddoomiyaha shirkadda marka la soo gaabiyo la yidhaa EMA, isla markaana ahaa ninkii suurta galiyey in shirkan la qabto. Waraysiga oo afka Englishka ku baxay ayaa sidan u dhacay. ( Daawasho wanaagsan )

Awdalpress

Daawo: Furitaankii Bandhiga Somali Week ee London lagu qabtay iyo Qoraaga Hal-Abuurka ah ee Bashir Sh Cumar Good hadaladii uu ka jeediyay Xafladaasi

$
0
0

Bashir GothDaawo: Furitaankii Bandhiga Somali Week ee London lagu qabtay iyo Qoraaga Hal-Abuurka ah ee Bashir Sh Cumar Good hadaladii uu ka jeediyay Xafladaasi..

Sheekh Nadiir Sayid Nuur Oo Loo Magacaabay Hogaanka Guud Ee Muftiga Diinta Islaamka Ee Xafiiska Nabadgalyada Iyo Cadaalada DDSI

$
0
0

Sh NadiirAwdalpress(Jigjiga) 20 Oct, 14–Sida lawada ogsoonyahay wadanka Itoobiya waxaa kunool qoomiyado, shucuubo, iyo dadyaw kala duwan islamarkaana aminsan diimo kala duwan balse kuwada nool isjeclaansho iyo isxormayn midba midka kale.

Waxaana Deegaanka Soomaalida Itoobiya kunool boqolkiiba 99 dadka muslimka ah. Hadaba waxaa xafiiska nabadgalyada ee heer federaal iyo kan heer deegaan kusoo biiray muwaaqirka ah hogaanka sectorka diimaha.

Wuxuuna sectorkani hoos imanayaa xafiiska nabadgalyada iyadoo uu xubinka booskani uu leeyahay awood hogaan kuxigeen. Hadaba maxay tahay shaqo qeexida booskan?

Wuxuu dawlada wakiil uga yahay dabagalka arimaha diinta ee manhajyada, misaajida, maxkamadaha shareecada, madaarisooyinka, munaasibadaha diinta, iyo dhamaan hawlaha golayaasha arimaha islaamka. Wuxuua hogaaminayaa dhamaan hawlahaasi uu wakiilka ugayahay dawlada deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Hadaba booska muwaaqirkan ayaa la iswaydiiyay cida buuxin karta ee aqoonteeda leh, 4 mathhaboodna kajawaabi karta islamarkaana kamadax banaan xag-jirnimada, damaca danaysinimada, oo shacabka sumcad iyo kalsooni ku dhex leh.

Kadib markii laga tashaday, laga baaraan dagay, lafalanqeeyay dhankastana laga eegay, ayaa waxaa la isla qaatay inuu booskaasi buuxin karo Dr.Sheekh Nadiir Sayid Nuur islamarkaana waxaa loo aqoonsaday hogaamiyaha hogaamiyaha ruuxiga ah ee diinta ee DDSI.

Sheekh Nadiir ayaa maanta galinkii danbe bilaabay shaqada loo magacaabay ee xafiiska nabadgalyada DDSI, kaasoo fulin doona qorshayaasha shaqadan loo magacaabay.

Cakaaranews

21kii Oktoober oo ku beegan maanta, maxaad ku xusuusataa?

$
0
0

Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxa ay aheyd maalin farxadeed oo loo dabbaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray, marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay.

Siyaad

Arooryadii hore ee 21-kii Oktoobar sanadkii 1969-kii ayey aheyd markii koox ka tirsan ciidamadii milateriga iyo kuwa Booliska oo uu hogaaminayey S/Gaas Maxamed Siyaad Barre ay xukunka dalka ku qabsadeen afgembi aan dhiig ku daadan, maalmo ka dib markii magaalada Laascaanood ee Gobolka Sool lagu dilay madaxweynihii dowladdii sida Dimoqraadiga ah loo soo doortay ee xiligaasi jirtay marxuum C/rashiid Cali Sharmarke, waxaana ciidamadan ay u soo baxeen wadooyinka iyagaoo wata taangiyo waxayna gacanta ku dhigeen xarumaha waaweyn ee dowladda sida xarunta Baarlamanka, idaacadii Radio Muqdisho iyo meelo kale oo badan.

Saraakiishii afgemigaasi hogaamineysay oo intooda badan ay hadda geeriyoodeen ayaa waxaa ka mid ahaa:-

1. Maj. Gen. Maxamed Siyaad Barre (Xoogga)

2. Maj. Gen Jaamac Cali Qorsheel (Boolis)

3. Brig. Gen. Maxamed Ceynaanshe Guuleed (Xoogga)

4. Brig. Gen. Xuseyn Kulmiye Afrax (Boolis)

5. Brig. Gen. Salaad Gabeyre Kediye (Xoogga)

6. Brig. Gen. Maxamed Cali Samatar (Xoogga)

7. Brig. Gen. Cabdalla Maxamed Faadil (Xoogga)

8. Col. Cali Mataan Xaashi (Xoogga – Ciidanka Cirka)

9. Col. Axmed Maxamuud Cadde (Boolis)

10. Col. Maxamuud Mire Muuse (Boolis)

11. Lt. Col. Ismaaciil Cali Abokar (Xoogga)

12. Lt. Col. Axmed Suleymaan Cabdalla (Xoogga)

13. Lt. Col. Maxamed Sheekh Cusmaan (Boolis)

14. Lt. Col. Maxamed Cali Shire (Xoogga)

15. Lt. Col. Maxamuud Geele Yuusuf (Ciidanka
Badda)

16. Lt. Col. Faarax Waceys Duule (Xoogga)

17. Lt. Col. Axmed Maxamuud Faarax (Xoogga)

18. Lt. Col. Axmed Xasan Muuse (Xoogga)

19. Maj. Cabdirisaaq Maxamed Abuukar (Xoogga)

20. Maj. Bashiir Yusuf Cilmi (Xoogga)

21. Capt. Cabdulqaadir Xaaji Maxamed (Xoogga)

22. Capt. Maxamed Cumar Jees (Xoogga)

23. Capt. Cusmaan Maxamed Jeele (Xoogga)

24. Maj. Muuse Rabiile Good (Xoogga)

25. Capt. Cabdi Warsame Isaaq (Xoogga).

24 sano ka dib 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen ka dibna ka saareen.

Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyn jiray inuu ku xad gudbay arimo badan oo ay ugu horeyso diinta Islaamka, isla markaana ay xubno ka tirsan qoyskiisa ku takri fali jireen awooda dalka iyo hantida Qaranka ayaa hadana laga soo bilaabo xiligii xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka aan la heynin cid qabatay wax ka wanaagsan ama xitaa u dhow wixii uu u qabtay dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo dalka ka abuuray hanaan dowladnimo oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaa waxbarasho lacag la’aan ah, min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah, ciidamo tayeysan oo mar noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii aad doonto socon karto dhismihii isbitaalada jaamacadaha wadooyinka iyo wasaaradaha, sidoo kale waxaa lagu xasuustaa Maxamed Siyaad Barre marti galintii madaxda afrika sanadkii 1974 iyo qoridii afka soomaaliga 1972 ku biiridii Soomaaliya ee Jaamacada carabta sanadkii 1974 iyo dagaalkii Itoobiya lagu qaaday 1977 ee lagu xoreeynayay Somali galbeed iyo aruurintii ilmaha darbi jiifka iyo bacaad celintii beeraha iyo arimo badan aan la soo koobi Karin.


Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah, Musuq-maasuq markii dambe baahay, xarig dil lagula kici jiray cidii loo arko iney khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in dadku ay u sacab tumaan Jabhadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka, hase ahaatee, nasiib daro markii Maxamed Siyaad la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad laheyn markastana weji cusub oo hor leh la soo baxayey marxalad cusubna fooda la sii galayey, waxaana meel walba ku baahay xaalad fowdo iyo Jahwareer leh oo taagan illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 22 sano waxaa la la’yahay xal lagu soo celiyo Qarankii Somaliyed.

Sida dad badan aaminsan yihiin MSbarre qaladaadkii ugu waaweynaa ee uu galay ayaa waxaa ka mid ahaa toogashadii lagu fuliyey horaantii sanadkii 1975-kii 10 nin oo ka tirsana culumaa’udiinka Somalida ka dib markii ay ka soo horjeesteen go’aan diinta Islaamka qilaafsanaa oo ka soo baxay golihii sare ee Kacaanka oo ahaa in ragga iyo haweenku ay yihiin, kaasoo ahaa sinaanta raga iyo haweenka, waxaana culumaa’udiinkaasi la dilay ay kala ahaayeen.

1- Sheekh Axmed Sh. Maxamed

2 – Sheekh Muuse Yuusuf

3 – Sheekh Axmed Iimaan

4 – Cali Xasan Warsame

5 – Xasan Ciise Iley

6 – Maxamed Siyaad Xirsi

7 – Cali Jaamac Xirsi

8 – Aadan Cali Xirsi

9 – Saleebaan Jaamac Maxamed

10- Yaasiin Cilmi Cawil.

April 9, 1978 – Waxaa dhicisoobey Inqilaab lala maaganaa in lagu rido xukuumadii Siyaad Barre, Waxaana la toogtey 17 ka mid ahaa raggii inqilaabka lagu tuhmay oo uu ku jirey Col. Maxamed Sheekh Cismaan oo ahaa hogaaminayey Inqilaabka. Xilligaas ayuu oo marxuum C/llaahi Yuusuf oo mar madaxweyne ka noqday dalka uu ka baxay Soomaaliya maadaama uu kamid ah raggii ku jirey fulinta Inqilaabkaas fashilmay.

Inqilaabku wuxuu ku qorshaysnaa inuu dhaco April 12, 1978, laakiin wuu ka soo hormaray oo wuxuu dhacay taariikhdu markay ahayd April 9, 1978 waana uu dhicisoobay, waxaana raggii loo xiray ee markii dambe loo dilay ka mid ahaa saraakiil ay ka mid ahayaeen Maxamed Ceynaanshe Guuleed, Gen. Salaad Gabeyre Kediye iyo qaar kale.

Sept 1978 – Col. Cabdullaahi Yuusuf ayaa asaasay mucaaradkii ugu horeeyay ee taariikhda dalka Soomaaliya, waa jabhadii (SDF) taasoo bishii October 1981 isu bedeshey (SSDF).

August 7, 1990 – Jabhadihii SNM (oo la asaasay April 1981), USC (oo la asaasay 1989) iyo SPM (oo la asaasay March 1989) ayaa u midoobey sidii ay u tuuri lahaayeen xukuumadii Siyaad Barre.

Markii xukunka dalka laga tuuray ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd oo taariikhdu ku beegnayd 26-kii Janaayo 1991-dii, xiligaasi dadku aad ayey ugu farxeen. Hase ahaatee 22-sano ka dib maanta ku arki meysid shacabka Somalida qof ku faraxsan arintaasi, xitaa kuwii la dagaalamay waxay kuu sheegayaan iney ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen marka loo eego wixii dalka ka dhacay xiliyadii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray oo aheyd markii Somalia ay ugu dambeysay dowladnimo iyo nabad, ayna soo soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn ee ay 22 sano ka dib weli loo maaro la yahay.

Maanta oo kale 21-ka Otoobar waxay aheyd maalin farxadeed oo loo dabaaldegi jiray xiligii berisamaadkii curashadii kacaankii 21-ka oktoobar, waxaa la sameyn jiray dabaaldegyo arintaasi la xiriira , kaasoo uu ugu weynaa kii ka dhici jiray fagaaraha Tarabuunka halkaasoo madaxweyne Jaalle Maxamed Siyaad Barre iyo xubnihii la baxay golihii sare ee kacaanka ay salaan sharaf kaga qaadan jireen qeybaha kala duwan ee bulshada sida haweenka, shaqaalaha, ardayda iyo ciidamada qalabka sida oo halkaasi socod noocyo kala duwan leh ku mari jiray, marxuum Maxamed Siyaad barre waxa uu ku geeriyooday bishii Janaayo 2005-tii magaalada Lagos ee dalka Nigeria oo uu qaab magangelyo ah ku joogay, iyadoo maalmo ka dibna lagu aasay gobolka Gedo oo degaan ahaan qoyskiisu ay ka soo jeedaan, waxaana hubaal ah in Somalia aysan Iloobi doonin wixii uu u galay.

Abwaanka da’da yar ee gabaygiisu bari iyo galbeedba ka hillaacay ayaan iyo Xafladdii usbuuca dhaqanka Somalida London. ( Halkan ka dhegeyso )

$
0
0

weedhsame-camuudnews.net_Weedhasame waa Hasan Daahir Ismaile, waxa aan habeen saddexaadkii ku kulannay xafladda dhaqanka ee loo yaqaan Somali week, ee sannadkiiba mar lagu qabto magaalada London. Waxan habeenkaa la kulmay wiil da’ yar, waji furan, niyad wanaagsan oo hadal macaan. Hibada uu u leeyahay hal abuurnimada ayaa si gaar ah ii taabatay. Warkiisa iyo faalladiisa aan dib ugu dhigto, maqaalka aan ku qaadaa-dhigi doono wacdarihii xafladdaa iyo suugaantii lagu soo bandhigay ama suugaanyahannada isugu yimid. Immigana aan wada dhegeysanno gabaygan uu abwaan Xasan Daahir uu tiriyey.

Awdalpress

Halkan waxan idiinku soo gudbinaynaa xafladdii Somali week iyo qaybtii Bashir Goth oo uu garab fadhiyo Safiirka Britain u fadhiya Somalia.( Video-ga halkan ka daawo )

$
0
0

Somali weekAwdalpress – London – Xafaladda toddoddobaadka dhaqanka Somalida ee sannadkiiba mar laguna qabto London, ayaa waxa sannadkan isugu yimid aqoon yahanno aad u qiimo badan, abwaanno, suxufiyiin iyo siyaasiyiin uu ka mid yahay Neil Wigan oo ah safiirka Ingiriiska u fadhiya Muqdisho.

Sida aad muuqaalka ka arki doontaan, waxa la kala boobayaa soo dhaweynta Bashir Goth oo u eg in la raagsaday, waayo waxa ka horreeyey hadallo soo dhaweyn ah oo ururka Kayd iyo shakhsiyaad kale oo hal door ahi ay madasha ka yidhaahdeen.

Haddaba, Bashir Goth oo ah aqoon yahan, muthaqaf iyo gabyaa ah, isla markaana ka faallooda amma wax ka qora siyaasadda Somalida iyo ta caalamiga ahba. Ayaa ka mid ahaa suugaan yahannada ka soo qayb galay bandhig suugaaneedkan. Waxana lagu maamuusay in uu sannadkan noqdo shakhsiga ugu mudan ee yeelanaya hadalka habeenkan koowaad. Caawana waxa la doortay in lagu hadlo English, maaddaama ay dad badan oo ajnabi ahi joogaan. Kadib markii shirka la furay, ee uu wariyaha caalamiga ah ee Mohamed Caddaw si fiican uga hadlay habeenkan, ayaa isna kalmad mahad celin iyo warbixin ah ku darsaday safiirka Somalida u fadhiya Muqdisho iyo safiirka Holland u fadhiya London. ( Intaa aan ku joojinno faallada oo aan wada daawanno cajaladdan )

Awdalpress.com

Askarigii dilay Saraakiishii Somaliland iyo kuwii qorshaha la sameeyey iyo kuwii la baxday, oo warkeeda aan idiin hayno. ( Halkan ka daawo )

$
0
0

no-justice-4802Awdalpress – DIlla – Somaliland maamulkeeda iyo hay’addeeda sharciga oo u xuub siibtay caddaalad darro, eex iyo musuq maasuq. Waxa laga qaylyayaa gobol kasta, magaalo kasta iyo tuulo kasta, oo ay caddaalad darridu taabatay. Shacabkiina waxa ay ka quusteen rajadii iyo dawladnimadii la sugayey. Tolow maxaa ka dambeeya tani?

Awdalpress


Lax dhashay neef yar oo laba madax leh. Bal Mucjisadan la yaabka leh ee usbuucan la arkay nala daawada.

$
0
0

lambNinka beeralayda ahi waxa uu moodayey in ay indhihiisu wax kale u sawirayaan, kadib markiia ay lax adhigiisa ka mid ahi dhashay neef laba madax leh.

Inkasta oo ay qaab darantahay, haddana neefka yari aad buu u caafimaad qabaa, hooyadiina si fiican ayey isha ugu haysaa.

Meesha uu ku dhashay waxa ay ahayd Hohhot oo woqooyiga China ee xiga dhinaca gudaha Mangolia, marka sawirka laga soo qaadayna waxa loo malaynayaa in neefka yari jiray laba maalmood.

Xayawaankan layaabka lihi waxa uu leeyahay afar indhood, laba af iyo laba san, si kastaba ha ahaatee waxa uu awoodaa in uu naaska hooyadii si caadi ah u jaqo iyo in uu sida xoolaha kale soc socdo hareeraha hooyadii.

Mandatory Credit: Photo by HAP/Quirky China News/REX (4217729b)  Double-headed sheep  Lamb with two heads born in Hohhot, Inner Mongolia, China - 20 Oct 2014  A double-headed sheep has been born Hohhot, capital of northern China's Inner Mongolia. The 4-day-old lamb has two heads, which have four eyes and two mouths.

Xaaladdan naadirka ah ee uu neefku ku dhasho laba madax waxa loo yaqaannaa Polycephaly, si dhif ahna waxa laga dhex helaa boqortooyada xayawaanka ( Animal kingdom ). Dhinaca Adamaha waxa weli la hayaa dhacdo kaliya oo taariikhda gashay oo ilma yari oo ku dhashay laba madax sidaana ku badbaaday. Mataanihii isku dhejisnaa ee Abby iyo Brittany Hensel ayaa ahaa kuwo ku dhashay laba madax iyo jidh kaliya, kuwaasi oo illaa immiag nool da’dooduna ay tahay 24 jir.

Awdalpress

Maamule dugsi oo wakhti hore dhintay ayaa intii uu noolaa oggolaaday in qalfoofkiisa la dhigo fasalka dugsi Bayoolajiga lagu barto

$
0
0

QalfoofMaamule dugsi ayaa intii uu noolaa ku dardaarmay in marka uu dhinto Qalfoofkiisa wax lagu barto, waxana uu oggolaaday in la sudho dugsigiisii uu maamulaha, gaar ahaan fasalka Biologyga lagu barto in ku dhaw muddo 50 sano ah.

Lafaha Alexandru Grigore Popescu ayaa lagala soo wareegay dugsiga hoose ee Puchenii Mosneni oo ku yaalla baadiyaha koonfurta bari ee Romania oo ku taalla gobolka Prahova, kadib markii saraakiisha faya dhawrku ogaadeen in lafahani yihiin kuwo run ah.

Laakiin waxa hoosta laga xarriiqay in xaqiiqdu ay ahayd rabitaanka macallinka in lafihiisa shaybaadhka la sudho.

Pic shows: Romanian school used the bones of a former headmaster to teach anatomy. A Romanian school has been told they can keep their skeleton staff after education officials discovered they were using the bones of a former headmaster to teach anatomy. Alexandru Grigore Popescu had been working at the rural Puchenii Mosneni elementary school in south-eastern Romania's Prahova county for 50 years until his death. He said in his will that he had always wanted to have a skeleton in the class for biology lessons. It had never been possible, but in his will he had arranged for his skeleton to be cleaned and professionally put back together so it could be hung in the classroom where he had taught kids for 50 years. But the skeleton had been confiscated when health and safety officials discovered it was the real thing on a visit to the school and insisted on having it checked to see if it was hygienic. But now after being professionally checked and specially treated to make sure it was safe, and put in a glass case, the skeleton has now been returned to the school. Although it may seem grisly kids at the school said they found it really helpful during classes to have the skeleton, and were pleased to see a return. The former headteacher Popescu had started work as a teacher at the school in the Puchenii Mosneni commune in 1908. History teacher Sorin Stanciu said: "He was made head teacher 10 years after starting working there and was famous for the fact that he never missed a class. His skeleton was made into a display in the 1960s after his death and he hasn't missed a class since then either." The skeleton is now being kept in a glass case just to make doubly sure that it is not only healthy but also that none of the kids are tempted to mess around with it. Sorin added: "I think having our own skeleton is really one of the reasons that we always do really well with students graduating in the sciences and in particular going on to study medicine." He admitted that not many however went on to become teachers, but said it was nothing to do with the fact that they were worried about ending up as teaching aids themselves. The current headteacher Violeta Badea said: "There is nobody around now that remembers him as a teacher but I think you can say that from the shape of his chin he was probably an extremely determined and decisive individual and a man with a very powerful personality, which explains his enormous attachment to the school, this community and its children. "The professorís wish was fulfilled because he did not want to be put six feet under the ground but rather he wanted to be placed in the back of the classroom, which has been done as he wanted so that he could continue to assist classes. One of the pupils told local TV: "He donated his body so that we could study biology better. Instead of reading off a book, we look at the skeleton and understand better." Another added: "At the beginning I thought it was something weird because I hadnít seen a real skeleton, but now I'm used to him." (ends)

 

Qalfoofka Macallinka waxa meesha looga qaaday in si xirfadaysan loo hubiyo iyo sidii gaar ahaan loo xafidi lahaa.

Immiga waxa loogu soo celiyey fasalkii  rabitaanka carruurtii wax ku baranaysey.

Macallin taariikhda dhiga oo la yidhaa Sorin Stanciu ayaa yidhi, ‘  Macallinkani markii uu 10 sano dugsigan wax ka dhigayey ayaa maamule loo wareejay, waxana uu caan ku ahaa sida aanu weligii xiisaddiisa uga maqnaan amma uga habsaamin. Qalfoofkiisuna waxa uu yaallay illaa iyo 60-kii kadib markii uu dhintay ayaa noqotay mid loo arko in uu mar walba fasalkii joogo.’

‘ Waxan filayaa in qalfoofkayagu xaqiiqdii noqon karaan mid ay ardayda ka qalin jabinaysa cilmiga sayniska iyo gaar ahaan ka dhakhtarnimadu ay wax ku bartaan.’

Awdalpress

 

Heshiiskii Gadabuursiga iyo Ingiriiska ee lagu magacaabi jiray…Anglo-Gadabuursi Treaty

$
0
0

HistoryThemeBeelaha Gadabuursi oo taariikh facweyn leh, degaankooduna uu kala fidsan yahay dhulka Ismaamulka Somalida iyo Oromada, Somaliland iyo Djabouti, waxana tiro ahaan lagu qiyaasaa illaa 2 Milyan. Waana qabiil facweyn oo taariikh qoran leh. Wakhtiyadii gumaystuhu uu dhulka yimid ama uu sahanka ku jirayna la galay heshiisyo. Sidoo kale waxa ay lahaayeen boqortooyo facweyn oo ay hoggaanka u hayeen Ugaaska iyo boqolka oday.

Wakhtiyadii qarniyadii 16 illaa iyo 19tobnaadna waxa ay caan ku ahaayeen dagaallo ay kula jireen boqorradii Abasiinaya iyo gumaysigii caddaa. Taasi oo ay ka dhaxleen bur bur iyo dhibaatooyin badan. Laakiin waxa ay ahaayeen qabiilka kaliya ee aan dagaal lagaga adkaan amma aan ku jabin.

Xilligan aan ku jirro ayaad mooddaa in uu soo muuqdo in taariikhdii noocaasi ahayd ay dib u soo muuqanayso, waxana marba marka ka dambaysta sii xoogaysanaysa midnimadooda, fahamka waayaha ay ku jiraan iyo garaadka siyaasiyga ah oo heer walba leh. Da’yarta cusub ayaa ah kuwo aqoon iyo karti aan caadi ahayni ay ka dhex muuqato.

Taariikhdu waa ma guurto waana ay soo noq noqotaa, waxanan bal maanta dib u jalleecaynaa, qayb ka mid ah taariikhda Gadabuursiga ee aan mawduuceeda kor ku soo xusnay. Si fiicanna halkan uga akhriso:

 

December 11keedii, sannadkii 1884kii  bil kabacdi markii albaabada loo furay Heshiiskii Berlin ee lagu Qaybsanayay Qaarada Afrika, Ayaa Saakiil ka socday Imbaraadooriyadii Ingiriisku ay u soo guntadeen sidii ay si buuxda gacanta ugu dhigi lahaayeen, dagaannadii loogu qorsheeyay heshiiskaas.

Iyaga oo adeegsanaya khibrado iyo warbixino fara badan oo ay ka heleen Sahamiyayaashii ay u soo dirsan jireen bariga Afrika oo uu ugu Caansanaa  Sir Richard Burton, ayaa waxa ay bilaabeen in ay heshiis la galaan beelihii Soomaliyeed ee ku dhaqanaa dagaanadaas gaar ahaan kuwii la dherernaa xeebta badda cas.

Beelahaas soomaliyeed Waxa ka mid ahaa qabiilka Gadabuursi oo ahaa ka ugu horreeyey ee ingiriisku heshiis la saxeexdo, Heshiiskaas oo ka dul dhacay markabkii ay wateen Saraakiishaasi Taariikhdu Markii ay ahayd 11 Dec 1884, Heshiiskaas oo ahaa mid lagu saxeexay saan.

Saanta Heshiiska lagu kala saxeexday waxa kaydiyay Xaaji Jaamac Muxumad Ugaas Cilmi oo ka dhaxlay Awawgii Ugaas Cilmi oo ka mid Odayadii Heshiiska u saxeexay Beesha Gadabuursi. Xaaji Jaamac (Alle u naxariistee) ayaa saantan soo bandhigay 1974 halkaas oo lagu soo qoray wargayskii xidigta oktoobar. waxa sidoo kale lagu soo bandhigay machadkii akaadamiyada dhaqanka iyo taariikhda ee soomaaliyeed, Xafladii bandhigana ay ka soo qayb galeen saraakiil sarsare oo ka tirsan xukuumadii jamhuuriyada soomaliyeed. Halkaas ayaa waxa la dhigay nuskhooyin ama koobiya ka mid ah heshiiskan sidii cidii taariikhda baadhaysaa ay u hesho. Haddana waxaan halka idiin ku soo bandhigayaa nuqulkii Heshiiskaas Anglo-Gadabuursi Treaty.

we, the undersigned Elders of the Gadabursi tribe, are desirous of entire into an agreement with the British Government for the maintenance of our independence, the preservation of the order, and other good and sufficient reasons.

Now it is hereby agreed and covenanted as follow:

Article I The Gadabursi tribe do hereby declare that they are pledged and found never to cede, sell, mortgage or otherwise give for occupation, save to the British government, any portion of the territory presently inhabited by them or being under their control.

Article II All vessels under the British flag shall have free permission to trade all ports and places in the territories of the Gadabursi tribe.

Article III All British subjects, residing in, or visiting, the territories of the Gadabursi tribe, shall enjoy perfect safety and protection and shall be titled to travel all over the said limits under the safe conduct of the elders of the tribe.

Article IV The traffic in slaves throughout the territories of the Gadabursi tribe shall cease for ever and the Commander of Her Majesty’s vessels, or any other British Officer duly authorized, shall have the power requiring the surrender of any slave, and of supporting the demand by force of arms by land and sea.

Article V the British Government shall have the power to appoint an agent or agents to reside in the territories of the Gadabursi tribe, and every such agent shall be treated with respect and consideration and be entitled to have for his protection such guard as the British Government deem sufficient.

The above written treaty shall come into force and have effect from the date of signing this agreement. In token of the conclusion of this lawful and honorable bond

Jaamac Rooble
Maxamed Cali Bolol
Ugaas Cilmi Warfaa Ugaas Rooble
Raage Kheyre
Waaberi Iidle
Ducaale Dubbad
Caamir Cigaal
Geele Shirwac
Warfaa Rooble
Yoonis Buux

and

Fredrick Mercer Hunter (Bombay Staff Corps)
Percy Downs (First Grade Officer I.M)
Defferin (Vecery and Governer General of India)
Also the Agreement was ratified by
H.M Durand (Officiating Secretary to the indian Foriegn Department) in 25th Feb 1885 .

the former for themselves, their heirs and successors, and the latter on behalf of the British Government, do each and all in the presence of witnesses affix their signatures, marks, or seals at Zaila on the eleventh day of December one thousand eight hundred and eighty-four, corresponding with the twenty-fifth of Safar one thousand three hundred and two.

Awdalpress

An apologize for Awdal regional ministry of health and Borama hospital

$
0
0

FarahEvery action has an outcome. Some of our actions have long and series impacts while others have ephemeral and meretricious consequences.

In accordance of this, the recent article of mine came up with a catastrophic impact to the life of Awdalites and somalilanders as whole. by the way when I saw the supernatural power of my writing might; when I saw the nearly irreversible personal, economic, and humanitarian aid damages that my article might came up with; When i saw the grave complaints from the victims including the targeted doctors; When I considered and I reviewed my article, it came apparent for me that I had gone too far to several points in the article. Therefore, I decided to express my excuse for the victims and the society as whole. Dr. Ismail Haji Muhumed Aye, an admired doctor in Somaliland country and the entire of east Africa was hardest hit individual that the article injured. Being a distant uncle of the deceased nephew whom her surgical case was carried out by doctor Ismail Haji Muhumed Aye, I am standing for that the surgical case and the way I explained it was an anger-driven one and I am also empathically proving that Dr. Ismail Haji Muhumed Aye did his best to save the life of the lady. As human being we are not the masters that control the final destinations of our lives and the time our spirits directly returns to Allah, the absolute master of all essence of existence.  I am witnessing that Dr.Ismail Haji Muhumed Aye is excellent professional surgeon and has a dependable knowledge to save any patient with any anatomical and physiological complications which is not out of the circle of the surgical feasibilities in east Africa. Equally important Dr.Abdulrahaman Jama Hadi, who is devoted and incomparable general physician, was hurt by the article because he had encountered a libellous propaganda from his ill-wishers. This propaganda was greater then what I have mentioned in the article. By hook or by crook, I am ensuring for him that these allegations cannot put only one stain on his profession and his governmental career.

The same case is true to Mr: Sied Bile, the director of the immunization programmes. This man must be apologized about the written gaffes my touchy article inflicted to him. Sied Bile, the bravo with radiant goodness and appreciable personality struggled to fight against harmful diseases. Sied Bile with keen, persuasive intellect, and hyperactive power to execute his duties and tasks showed a landslide victory of the haunting epidemic diseases which otherwise claim massive human lives. He also became the strongest pillar, which anchored and empowered the health sector of Awdal region.

Ever since, Sied Bile, the director of vaccination programmes, remained a sharp chainsaw that cleared a reliable path for secure health. Sied Bile, the glorious, confident, and decisive man widened the understanding horizons of Awdalites for the efficiency and the importance of immunizations.

In addition, the other personally damaged individuals including Abdulah Yonis, Fosiya, Yabe, and Gaur deserve to be apologized.

Mistakes are the best teachers of their doers and the ignorance is not the lack of know-how but it’s a lack of attention to learn from past mistakes.

It’s good for the doctors to bear in their mind that they are not the only victims of the conflict because I am also harshly victimized and damaged by the self-righteous acts of theirs. I can remove the cancerous tumour my article left as aftermath before it reaches full pathogenic invasion. I can nurture a mentality that empowers the sense of oneness and humanity.

I am deeply hurt and saddened how my article damaged the prestigious doctors of ours who deserved better treatment.

In conclusion, I am here by declaring that the information and the data depicted in the article have no personal and sociological base.

Farah Barkahd Nour

Freelance writer

Borama, Somaliland

xamargure@hotmail.com

0634455236

Madaxweynaha Soomaaliya: Waxba kama jiraan isku shaandhaynta wasiirrada ee uu sameeyay R/Wasaaruhu

$
0
0

Xasan-Sheekh-MaxamuudAwdalpress(Muqdisho) 25 Oct, 14–Madaxweynaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay isku shaandhayn uu ra’iisal wasaaraha Soomaaliya maanta ku sameeyey xubno ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya.

War qoraal ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha ayaa lagu sheegay in madaxweynaha oo ka duulaya u hoggaansamidda dastuurka dalka, baahida loo qabo wada shaqayn ku dhisan wadatashi, ka mira dhalinta hiigsiga Soomaaliya ee 2016-ka iyo qodobbo kaleba uu go’aansaday in aan la dhaqan galin isku shaandhaynta wasiirrada.

Xasan sheekh Maxamuud ayaa ra’iisal wasaare Cabdiwali sheekh Axmed ku eedeeyey inuu dhowr goor oo hore ku xadgudbay dastuurka iyo horusocodka howlaha dowladda, uuna ugu dulqaatay isaga oo eegaya marxaladda adag ee uu ku jiro dalku.

Ugu dambaynna, madaxweynaha ayaa amray in wasiirrada lagu sameeyey isku shaandhayntu ay sii wataan xilalkii ay qaranka u hayeen isku shaandhaynta kahor.

Ra’iisal wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, Cabdiwali Sheekh Axmed Maxamed ayaa isku shaandhayn ku sameeyey qaar ka tirsan golihiisa wasiirrada, sida ku cad wareegto Sabtidii maanta ahayd kasoo baxday xafiiskiisa.

RBK

Viewing all 7395 articles
Browse latest View live