Awdalpress(Newyork) 01 jun, 13–Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Ban-ki Moon, oo ka hadlayay shir arimaha Soomaaliya looga hadlay oo ka dhacay magaalada Yokohama ee dalka Japan, ayaa soo hadal qaaday meel gasho lagu sameeyo Soomaaliya.
Wuxuu sheegay in loo baahan yahay in marka hore laga shaqeeyo nabada dalka Soomaaliya iyo arimaha dib uhishiisiinta shacabka Soomaaliyeed, su buu yiri ay u sahlanaato maalgashi lagu sameeyo Soomaaliya.
Ban-ki Moon, ayaa ku dhawaaqay in beesha caalamka xiligan ay daneynayso inay ka shaqeyo xasilinta amaanka dalka Soomaaliya, isaga oo sheegay in dhinacyada Soomaalida laga doonayo ka shaqeynta amaanka dalka.
“Soomaaliya dhinacyo badan ayay taageero uga baahan tahay, marka waa in xoog badan la galiyaa dadajinta nabadaynta Soomaaliya, si ay usoo jiidato indhaha maalgaliyaasha caalamka, loona helo dhul nabad oo maalgashi lagu sameyn karo” ayuu yiri shirka Ban ki moon.
“Arimaha gobolada gaar ahaan Jubbooyinka, waa in dhanka nabada la eegaa oo Soomaalida dhexdeeda dib uhishiisiin loo sameeyaa”ayuu haalkiisa kusii daray xoghayaha guud ee QM.
Star





