Awdalpress – Nariobi – 01/06/13 – Wasiirrada Arrimaha dibada wadamada Kenya Amina Mohamed Iyo Somalia Fawsiya Yusuf Xaaji Adam ayaa ku kulmay waddanka Kenya Casimaddiisa Nairobi. Kulanka Wasiirrada arrimaha dibadda Kenya & Somali ayaa ah kii ugu horeyay ee Laba Masuul oo Haween ah, isla markaana kala matalaya waddammadaasi ay ku yeeshaan Xafiis Dawladeed iyagoo kulankaasi diiradda ku sarayey Xal u helida Khilaafka soo kala dhex galay Dawlada Somalia iyo Kenya ee Maamullada Gobollada Ciidanka Kenya Ay ka xoreyeen Kooxda Al shabab kaasoo labada waddan ku kala aragti Duwan yihiin. Sidoo kale waxa ay labada dawladood isku maan dhaafsan yihiin maamullida Dakadda Kismaayo iyo Maamul u samaynta gobolada Jubooyinka iyo Gedo Balse labada wasiir ayaa isla lafa guray arrimo badan oo kamid yihiin Arrimaha Labada Dawladood isku maandhafsanyihiin.
Awdalpress.com






