Awdalpress – Muqdisho – Shabakadda TVga Universal ayaa lagu soo nashiryey in Ururka Al Shabaab ee sheegta Islaamiyiinta, laakiin loo yaqaan Argagixisada, ay maanta deegaanka Wabxo ee Gobolka Galgaduud ku soo bandhigtay meydad ay sheegeen, in ay ka tirsanaayeen Ciidamada Itoobiya, ee lagu laayey dagaalkii shalay ka dhacay inta u dhaxeysa Ceelbuur iyo Wabxo.
Wararka shabakaddaasi ku qornaa ayaa intaa ku daray in dagaalyahanannada Ururka Al Shabaab ay waddada u galeen kolonyo ka tirsan Ciidammada Itoobiya ee jiiddaa u jooga la dagaallanka Al Shabaab, xilli ay doonayeen in ay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka Wabxo.
Afhayeenka guud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere), oo ka hadlay barxadda deegaanka Wabxo, ayaa waxa uu sheegay in waxa halkaasi yaala ay yihiin meydadkii Ciidamada Itoobiya.
Afhayeenka oo la hadlaayay dadweyne halkaasi isugu soo baxay, ayaa wuxuu sheegay in jab aad u xoogan ay gaarsiiyeen Ciidamada Itoobiya, ayna ka carareen meydad badan, sida uu sheegay.
Cali Dheere, ayaa intaa ku daray in ay jiraan meydad kale oo ka tirsan Ciidamada Itoobiya, oo yaalla sida uu sheegay duleedyada deegaanka Wabxo, ayna isku hor fadhiyaan labada dhinac, sida uu yiri.
Gudoomiyaha Gobolka Galgaduud ee Ururka Al Shabaab Sheekh Xasan Yacquub Cali, oo ka barbar hadlaayay Sheekh Cali Dheere, ayaa sheegay in gacanta Ciidamada Al Shabaab, ay si weyn u gaartay waxa uu ugu yeeray cadowga.
Universal TV




