Awdalpress – London – Maamulka la baxay Koonfur-galbeed ee lixda gobol oo caqabad weyn ku noqon doona nabadaynta gobollada baaxadda leh ee ka koonfureeya Muqdisho, oo ay ku jiraan Marka, Kismaanyo iyo Gedo ayaa waxa loo sameeyey gole wasiirro oo ka kooban 19 iyo maamul kale.

Waxa ay ahayd usbuucii hore markii ay madaxda ugu sarraysa Muqdisho ay gurmadka wada hadal ugu tegeen kooxaha isku haya maamul u samaynta gobollada koonfurta. Waxana ay maamulladu u kala jabnaayeen, kuwo doonaya in ay saddex gobol maamul u sameeyaan iyo kuwo doonaya in ay lixda gobol ee koonfurta iyo galbeedka u sameeyaan maamul. Waxana ay madaxdii Muqdisha kala soo noqdeen natiijo aan dadka loo sheegin.
waxase ka daba yimid maamulkan wasiirradiisii loo sameeyey, ee doonay in ay xukumaan min Shabeellada hoose illaa iyo Kismanyo.
Haddaba warkan oo aan ka soo xigannay shabakadda HOL ayaa sidan u dhigtay:
Munaasabad si weyn loosoo abaabulay ayaa maanta lagu dhaariyay wasiirrada maamulka koonfur-galbeed ee 6-da gobol ee uu dhawaan magacaabay madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed, Madoobe Nuuunow Maxamed.
Xafladda oo lagu qabtay xarunta maamulka ee ADC-da Baydhabo ayaa waxaa goob-joog ka ahaa 20-xubnood ee wasiirrada ah ee maanta ka dhaariyay; iyadoo sidoo kale ay goobjoog ka ahaayeen xafladda dhaarinta ah qaybaha bulshada Baydhabo.

Waxaa xafladda ka hadlay, Madoobe Nuunoow iyo guddoomiyaha golaha guurtada, Xasan Shure Maxamuud, waxayna sheegeen in iyaga iyo wasiirada la dhaariya ay si wadajir ah u shaqeynayaan ayna cadaalad ku maamuli doonaan shacabka gobollada uu maamulkan ka arrimiyo.
Xubnaha wasiirrada ah ee maanta lagu dhaarshay magaalada Baydhabo ayaa ka kooban 19-rag ah iyo hal dumar ah, iyadoo maamulku uu sheegay inay sidoo kale dhawaan ku dhawaaqi doonaan wasiir-ku-xigeennadooda.
Dhanka kale, maamul gobaleedka Koonfur-galbeed ee saddexda gobol oo dhawaan lagu dhisay Baydhabo, ayaa waxaa iyagana lagu wadaa inay saacadaha soo socda ku dhawaaqaan wasiirrada iyo wasiir ku xigeennada maamulkaas.
Awdalpress.com





