Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Wergeyska Haatuf ee ugu weyn wargeysyada Somaliland isla markaana loogu akhriska badan yahay ee ka soo baxa magaalada Hargeysa ayaa xukuumadda Somaliland ay albaabbada u laabtay.

$
0
0

Breaking NewsAwdalpress – London – Wargeyska Haatuf ayaa maalintii shalay ahayd albaabada loo laabay, kaddib markii uu wargeysku soo qoray warar iyo faallooyin ku saabsan war uu ku sheegay fadeexado Musuq maasuq oo hadheeyey dalka Somaliland gaar ahaan wasaaradda macdanta, waxana uu bayaamiyey lacago ay madaxda wasaaraddu jeebka ku shubteen. Sidoo kale waxa uu qoraal soo baxay 04/04/2014  cadadkii 3568 kaga warramay war ku saabsan wiilka Madaxweyne Ahmed Mohamed Siilaanyo uu soddogga u yahay, oo ay sheegeen in uu warqad fasax ah ka dalbaday Madaxweynaha Somalia Mudane Hassan Sheikh, warqaddaasi oo oo ku codsanayo in uu ruqsad u helo sidii uu ula  macaamili lahaa shirkadaha ganacsiga ee dalalka dibadda.

 

Laakiin weli dawladda Somaliland faah faahin kama ay bixin sababta ay wargeyska u xidheen iyo waxa ay ku haystaan. Bil ka horna waxa ruqsaddii lagala noqday TVga Universal oo barnaamij qosol qosol ah ku dacaayadeeyey Madaxweyne Ahmed Siilaanyo iyo Maamulkiisa. Ficilladaa ay dawladda Somaliland kula dagaallamayso saxaafadda ayaa aad uga hadlay xisbiga Mucaaridka ah ee UCID oo ku tilmaamay cabudhin iyo xoriyatul qawlkii oo lala dagaallamayo, xaalkuna uu marayo car-juuq.

 

Haddaba warkii ugu dambeeyey ayaa waxa aan ka soo xigannay isla Wargeyska Haatuf, boggiisa InterNetka uu ku leeyahay oo uu kaga hadlay sida uu u dhacay amarka lagu xidhay wargeyska, waana kan ee akhris wanaagsan: 

 

Hargeysa, April 7, 2014 (Haatuf) –Xukuumada Madaxweyne Siilaanyo ayaa galinkii dambe ee maanta albaabada u laabtay xarunti wargeyska Haatuf waxaana la wareegay boqolaal ciidamo Bileys ah oo la soo dhoobay xarunta Wargeyska iyo Agagaarkiisa.

 

Ciidamadaas oo uu horkacayey Kornayl Maxamed Maxamuud (Af-Nin Go’ayle) oo ah taliyaha qaybta bileyska ee gobolka Maroodi jeex ayaa soo galay gudaha xarunta Wargeyska Haatuf oo xiligaasi ay ku sugnaayeen wariyeyaasha iyo shaqaalaha wargeyska Haatuf oo ku guda jiray hawlahoodii shaqo ayaa waxa ay ciidamadaasi ku amreen inay dibada uga baxaan xafiisyada xarunta wargeyska Haatuf.

 

Hase yeeshee Hawlwadeenada Wargeyska Haatuf ayaa waydiiyey taliyihii ciidankaasi hoggaaminayey Kornayl Maamed Maxamuud sababta ciidanku ku soo weeraray xarunta iyo inuu sito waaran maxkamadeed oo ay ku xidhi karaan Wargeyska, waxaanu tusay amar xayiraad ah iyo ruqsad kala noqosho ah oo uu ku saxeexan yahay Garsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa Axmed Ismaaciil Dalmar.

 

Intaa ka dib ayay suxufiyiintii iyo hawlwadeenadii wargeysku ay dibada uga soo baxeen xaruntii kuwaas oo aan hal shay ka qaadan qalabkii ay ku shaqaynayeen xiligaasi oo ay ku amreen in aanay shay ka qaadan.

 

“Anagoo ku guda jirna shaqadii wargeyska Haatuf aanu ka qaban jirnay maalin walba oo ka koobnaa guud ahaan hawlwadeenadii Wargeyska ayaa waxa mar kaliya abaaro 4:20 daqiiqo noogu soo galay boqolaal ciidamo bileys ah oo uu watay Kornayl Maxamed Maxamuud, waxaanay nagu wargaliyeen inaanu xarunta ka dareerno oo ay ciidanku la wareegeen.

 

Waxaanu waydiinay taliyihii ciidanka watay inay sitaan wax waaran Maxkamadeed oo lagu xidhi karo xarunta Wargeyska Haatuf, waxaanu na tusay Kornaylku warqad xayiraad iyo ruqsad kala noqosho ah oo uu ku saxeexan yahay Qarsooraha Maxkamada Gobolka Hargeysa, Axmed Ismaaciil Dalmar, taas oo lagu sheegay in wargeyska Haatuf uu aflagaado iyo been abuur ku sameeyey wasiiro iyo xildhibaano aan lagu kala cadayn kuwa ay yihiin”. Sidaasi waxa yidhi Wariyeyaashii Xarunta ku sugnaa ee xiligaasi shaqada laga soo dareeriyey.

 

Dhacdadani waxay ka turjumaysaa sida loogu tumanayo shuruucdii dalka, distoorkii qaranka ee jideeyay madaxbanaanida saxaafada madaxbanaan, xukuumada ayaana arrinkan wargeyska Haatuf lagu xayiray wadatay oo garsoore maxkamada gobolka ka tirsan ka soo sexeexatay waaranka.

 

dhinaca kale waxaynu ogayn xariyaada wargeyskii Hubaale ee hore xukuumadu xariyaada u saartay, xeerla saxaafada ee dhaqan gal ah waxa iyo distoorka qaranku waxa uu damaanad qaaday inaan saxaafada layska xidhi Karin iyo hawlwadeenada suxufiga, balse ciddii ama masuulkii wax ka tirsadaa dacwad maxkamada ka furto. Waxaana la yaab leh galabta ciidamo bilayska ah oo ilaa laba boqol oo askari ah oo hubaysani ay la wareegeen xaruntii wargeyka, waana talaabo xadgudub ah, isla markaana ka horimanaysa sharciga dalka oo indho la’aan ah

 

Awdalpress


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images