Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Xog aan ka hellay saamiga ergooyinka ay xisbiga wadani ugu talo galeen beelaha Somaliland.

$
0
0

Top-Secret2Awdalpress – London -Dhawaan waxa lagu kala baxay tirada ergooyinkii xisbiga talada hayaa uu u qoondeeyey beelaha Somaliland ee shirweynaha xisbiga ka soo qayb geli lahaa, waxana inta badan la siiyey beelaha Habar Jeclo iyo Habar Awal ( gaar ahaan Sacad Muuse ), halka beelaha Garxajis iyo kuwa  darifyada loo qadhiidhay.

Haddaba, xisbiga Waddani oo car-cartiisa qaba ayaa laga soo warinayaa, in uu qaybinta ergooyinka shirweynaha ka qayb geli doona ugu talo galay si aad uga geddisan sida ay xisbiga Kulmiye ugu kala sad buriyeen beelaha, waxana xog hoose sheegayaan in ay Gadabuursiga ugu talo galeen shan boqol oo xubnood, halka beesha Isaaqna ay ugu talo galeen lix boqol, Harti iyo Ciisana ay u qoondeeyeen saddex boqol.

Wararku intaa waxa ay ku darayaan, in marka hoos looga sii dhaadhaco, ay haddana beelaha Gadabuursi ay u kala saareen qaab cusub, waxana ay qorsheeyeen in beelaha Reer Nuur iyo Jibril Yonis ay ugu talo galeen  laba boqo, halka ay Habar Cafaan iyo Maxad Case ay ugu talo galeen laba boqol, kontonna ay ugu talo galeen Makay-dheere, Aden Yonis, Bahabar Cabdalla iyo Basannayo.

Dhinaca Isaaqa waxa ay ugu talo galeen in Garxajis la siiyo saddex boqol, Habar Awalla la siiyo laba boqol, halka habar Jeclo loogu tala galay Boqol. Dhinaca Hartigana iyo ciisahana waxa loo qoondeeyey in ay helaan saddex boqol oo erga ah, sida ay u qaybsanayaanna dib laga soo sheegi doono.

Isku soo wada duuboo, waxa aan shaki ku jirin in saamiga Wadani la moodo in uu caddaaladda saami qaybsiga u dhaw yahay, waxana uu aad iyo aad uga geddisan yahay saamiga uu xisbiga Kulmiye siduu doono ka yeelay. Isla markaana ay u eg tahay in ay beelaha Habar Jeclo iyo Sacad Muuse ay muujiyeen in ay xisbiga iska leeyihiin.

Si kastaba ha ahaatee, doorashada soo socota ayaa ah mid aad u adag oo culayskeeda leh, waxana tartan aad u luxdan isku diyaariyey beelaha darifyada, oo ay ka go’an tahay in ay xisbiga talada qaban doona ay codkooda ku soo saari doonaan.

Awdalpress.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images