Ugu yaraan saddex ruux ayaa ku dhaawacmay dagaal ciidammo ka wada tirsan dowladda Somalia, waxana dagaalkaasi ku dhexmaray degmada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe.
Iska-horimaadka ayaa yimid kaddib markii ay ciidammadu isku khiliaafeen tallaabada laga qaadayo baabuur ay ku eedeeyeen inuu ku xad-gudbeen nidaamka isticmaalka waddooyinka, sida uu warbaahinta u sheegay sarkaal ka tirsan ciidammada Jowhar oo lagu magacaabo, Cali Jimcaale.
Dadka ku dhaawacmay dagaalka u dhexeeyay ciidamada dowladda oo shacab iyo askar isugu jiray ayaa la dhigay isbitaalka degmada Jowhar, iyadoo mid ka mid ah la sheegay inuu dhaawiciisu halis yahay.
Sidoo kale, Cali Jimcaale ayaa sheegay in lagu howlan yahay sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dhaliyay iska-horimaadka dhexmaray ciidamada dowladda, isagoo intaas ku daray in xiisaddii dagaalka dhalisay ay weli taagan tahay.
Ma ahan markii ugu horreysay oo ciidammo kawada tirsan kuwa dowladda Somalia ay ku dhexmarto degmada Jowhar, waxaana Jowhar ay ka mid tahay degmooyin dhowr ah oo ciidamada dowladdu ay sannado ka hor kala wareegeen Al-shabaab.
Illaa hadda ma jiro hadal kasoo baxay maamulka degmada Jowhar, kaasoo ay kaga hadleen dagaalka ciidamada dowladda ku dhexmartay maanta gudaha Jowhar inkastoo ay socdaan dadaallo ay wadaan saraakiisha ciidamada ku sugan degmada.
HOL





