Quantcast
Channel: Awdalpress.com
Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Faallada Shabakadda: Somalida in lagu gumaado Kenya iyo waddammo kale oo Afrika ah iyada ayaa isugu wacan.

$
0
0

Ahmedweli GothSomalida Kenya iyo dalal kale oo Afrikaan ah ayaa muddaba waxa ka soo yeedhaya in ay shacabka Somaliyeed ee dhulkaa degey dhib  weyn kala kulmeen shacabka iyo dawladaha dalalkaasi. Dalka Kenya oo ay qaylo dhaan noocaasi ahi immiga ka soo yeedhayso ayaa ugu daran. South Afrika iyo Afirka dhexe ayaa iyana ay ku qabaan dhib noocaasi ah.

Dalalkaasi oo ay Somallidu  aad u degtay muddadii ay Somalia bur burka ku jirtay illaa iyo immigaba.  Dawladda Kenya ayaa illaa iyo sagaashaadkii marti gelisay tiro aad u badan oo Somali ah, kuwaasi oo intooda badan ku jira xeryo qaxooti, in badan oo kalena ay magaalooyinka dalka degeen. Sidoo kale waddammada Itoobiya, Tanzaniya, Uganda, Sa’iir, South Afrika, Sudan, Ruwanda, Burundi, Sudan iyo waddammo kale oo Afrikaan ah ayey aad ugu qexeen amma ay ganacsiyo waaweyn ka samaysteen.

Dadka Somaliyeed ayaa muddooyinkii sagaashanaadkii illaa immiga oo lagu jiro 2014, aad uga qaxa dalkooda, iyaga oo aan ku egeyn uun dalalka Afrika ee ay dhibta badan kala kulmaan. Hase yeeshee waxa kale oo  ay in badani beegsadaan waddammada reer galbeedka ee ay bani’aadamnimada fiicani ka jirto, dalalkaasi oo ay ka helaan deggenaansho, shaqooyin iyo waxbarasho. Inkasta oo ay haddana  kuwo ka mid ahi marka ay Yurub amma Maraykan dhaqaale ama xirfad ka soo helaan ganacsi ka bilaaba Afrikada Bari ama ta koonfureed.

Qaxootinmada ay Somalidu caadaysatay muddooyinkaa uu dalkoodu bur bursanaa ayaa in badani ka faa’iidday amma ay dhaqaale badan ka sameeyeen, halka ay kuwo badanina ay waxbarasho sare amma xirfado sare ka soo barteen waddammadaasi reer Galbeedka. Laakiin muddadaasi dheer ee ay Somalidu kolba dhan u qaxayeen, ayaa waxa baylahsanaa dalkoodii, dadkoodii dhulkii ku hadhay iyo khayraadka dhulkoodii oo nooc walba leh. Talo aan ahayn qaxooti dhul shisheeye loo cararana may hayn. Siyaasadda dhexdooduna waxa ay isugu soo biyo shubatay qabyaalad, iskala qoqob ay iyagu is collaystaan is kala saar saaraan iyo dagaallo macno la’aan ah oo kolba magac loo yeelo.

Dhibta ay maanta tirsanayaan ee ka haysta waddammada Afrika, sida Koonfur Afrika iyo Kenya, maaha mid lala yaabo, oo sidii aan aniguba yeeli lahaa haddii dad ajnabi ahi igu soo qaxo, oo weliba iiga orod badiyo ganacsigii iyo noloshii. Laakiin Somalida isku sii dhejinaysa dhul aanay lahayn ayey doqonniimo u tahay, waxana loo baahnaa in ay ka fekeraan xaqiiqada iyo waxa ay mudan karaan haddii ay sii joogaan dhulka shisheeye ee aanay u dhalan.

Si kale haddii aan u dhigno, dhiillooyinka laga soo sheegayo Kenya maaha mid adduunka ku cusub, waxana hore u soo maray shucuub hore oo dhulkooda uga qaxday dagaallo sokeeye iyo dhibaatooyin kale, weliba dadyowgaasi hore waxa ay lumin jireen dhaqankooda, afkooda, diintooda iyo dhalashadooda, iyaga oo ku milmaya shucuubta ay u qaxeen. Tusaale ahaan waxa ka mid ah dadkii hore ee Somalia deggenaan jiray ee la odhan jiray Ajuuraanka iyo Ajida oo ay in badani u qaxday Ruwanda iyo Burundi, waxa ka mid ah dadyow carab ah, waxa ka mid ah Yuhuudda iyo waddammo kale oo caalamka ah.

Xaddaaraddan aan ku jirro-se way adag tahay in shacabka Somaliyeed ay lumiyaan dhaqankoodii amma diintooda. Hase yeeshee, dadyowga ay u tegeen ayaa cabsi ka qaba in ay Somalidu ka qaadato dhulkooda, sidaasi daraaddeedna ay uga feejigan yihiin, oo ay ula dagaallamayaan. Dhibta maanta haysataana waa farriin ka tarjumaysa aragtidaasi oo kale.

 

Maxaa dhici kara haddii ay Somalidu ku sii nagaato dhulka shisheeye, gaar ahaan waddammada Afrika?

 

Horta sheekadu waa bilow, waxana aan arkaynaa in culumadii iyo wax garadkii la beegsanayo, oo mid mid loo dilayo, waana la sii wadi doonaa, ta xigta ee aan shaashadaha ka aragnaana waa sida Kenya ka dhacaysee, wadar wadar ayaa dhallinta jeelasha loogu guri doonaa, hoos ayaa loo dili doonaa, xoolahooda ayaa laga qaadan doonaa, iyada oo lagu la mu’aamaraadayo amma lagu eedaynayo  danbiyo aanay shaqo ku lahayn. Dhinaca kale waxa la arki iyada oo ay siyaasiyiinta dalalkaasi matilayaa u hadli doonaan amma u hadlayaanba shacabka Somaliyeed. Laakiin been ah!  Waxa loo adeegsan kuwo shaadhka Somalida kkuwo huwan, oo dhulkaa u dhashay, siyaasiyiin ka ah. Balse hoosta kala safan dadka neceb Somalida.

 

Haddii ay sidaasi dhacdana, waxa ugu dambaynta la arki doonaa Somalida oo inta dhulkaa ku hadhay iyaga oo fara madhan, aan fayoobay firxad ah, oo u dib ugu soo qaxaya dhulkooda.

 

Inta haddaba aanay arrintu halkaa gaadhin, waxa  Somalida dan u ah in ay  ka tashadaan,  in ay sida ugu dhakhso badan ugu noqdaan dalkoodii, dhaqaalaha yar ee dalalkaa ku sii dhejinayana kala soo baxaan. Haddiise ay ku sii adkaystaan in ay macaansadaan carro aanay u dhalan, waxa ay sharci ka dhiganayaan dil joogta ah iyo dullinimo

Ahmedweli Goth


Viewing all articles
Browse latest Browse all 7395

Latest Images

Trending Articles



Latest Images