Awdalpress(Kyrgyztan) 01 Jun, 13–Wararka laga helayo dalka Kyrgyzstan ayaa sheegay in xaalad deg dega h lagu soo rogay wadankaasi kadib markii isku dhacyo dhiig ku daatay ay dhexmareen ciidamada amaanka iyo dad badan oo banaanbaxayaal ahaa.
Intii banaanbaxyada ay socdeen waxaa la xeray daraasiin dad oo kamid ah dadkii banaanbaxyada waday, waxaana la sheegay in arinta ay ka dambeeyay markii dadkaasi ay jareen korontada magaalada ay banaanbaxa ka dhigayeen.
Wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad 10 ruux la xeray markii ciidamada amaanka ay isku dayeen inay kala eryaan dadka banaanbaxya dhigayay taasi oo dhalisay inay isku dhaceen ciidamada iyo dadka shacabka ah.
Laakiin waxaa taasi ay sababtay banaanbax cusub oo oo kumanaan dadka deegaanka ah ay bilaabeen inay isugu yimaadaan, iyaga oo dalbanaya in lasoo daayo dadka laga xeray, waxayna isku dhaceen mar kale ciidamada amaanka iyadoo loo adeegsaday gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaas balaastiiga ah.
Ku dhawaad 55 ruux, oo ay ku jiraan daraasiin qeyb ka ah ciidamada amaanka, ayaa la dhaawacay, sida lagu sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay wasaarada caafimaadka ee dalkaasi.
Madaxweynaha dalka Kyrgyzstan Almazbek Atambayev ayaa ku dhawaaqay in xaalad deg deg uu kusoo rogay deegaanka Dzheti-Ogyzsky oo ka tirsan gobolka Issyk Kul halkaasi oo ah goobaha banaanbaxyada ay ka dhaceen.
Xaalada deg deg ayuu sheegay madaxweynaha inay gobolka saarnaan doono ilaa 10 bishan June, waxaana bandowga uu ahaanayaa 9PM ilaa 6 am xiliga dalkaasi, sida madaxweynaha uu sheegay.
Dadka banaanbaxa dhigaya ayaa la sheegay inay dalbanayeen qarameynta shirkad Kumtor Mine, oo la sheegay inay leeyihiin koox macdan qodoyaal Canadian ah waxaana wadankaasi ay ka howl bilowday 1997.
Maalintii khamiista ayay aheyd markii ugu darneyd markii kumanaan banaanbaxayaal ah ay ku kulmeen deegaanka bandowga lagu soo rogay taasi oo sababtay in korontada laga waayo magaalada.
“Ilaa xaalada degenaanta ay soo laabaneyso amaanka iyo badbaadadana laga soo celinayo, shirkada waxay sii wadi doontaa shaqsi u xernaanshaheeda”ayaa lagu yiri war saxaafadeed laga soo saaray shirkada dadka banaanbaxa dhigaya ay taageersan yihiin.